|

Daawo: Midowga Musharixiinta Mucaaridka oo ka hadlay Tallaabadii Gudiga uu magacabay RW. Rooble

Muqdisho ( Kalshaale ) Midowga Musharaxiinta ayaa si rasmi ah usoo dhoweeyey shaqada hordhaca ah ee ay qabteen Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay ra’iisal wasaare Rooble, kuwaasi oo loo xil saaray kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddigaas ayaa go’aamiyey in 34 xubnood laga saaro guddiyada doorashada, hase yeeshee waxay ka tageen 33 xubnood oo kale oo ka mid ahaa 67-ka xubnood ee ay cabashada ka keeneen Midowga Musharaxiinta

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay “in golaha uu si taxaddar leh usoo dhoweynayo shaqada hordhaca ah ee ay qabteen guddigaas,” balse waxay soo jeediyeen dalab cusub.

“Golaha Midowga Musharaxiinta waxey soo dhoweeynayaan dadaaladda dhaqan-gelinta heshiiskii doorashada 27-kii bishii Maajo lagu gaaray magaalada Muqdisho ee uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa dalbaday in guddiga xaqiiqo raadinta uu si daah-furan oo madax-banaan u soo bandhigo habraaca iyo hanaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed.

Sidoo kale waxa uu Golaha Midowga Musharaxiinta qoraalka maanta ku dalbaday in magacaabista xubnaha cusub ee guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hanaan daah-furan oo ku saleysan heshiisyadii doorashooyinka.

Waxay arrintaas dalbashadeed ku sababeeyen si looga hortago in markale ay guddiyada doorashada kamid noqdaan xubono ka tirsan shaqaalah rayidka ah ee Dowladda, Ciidamada iyo xubno taageerayaal u ah shaqsiyaad gaar ah.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=44781

Posted by on Jun 9 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Daawo: Midowga Musharixiinta Mucaaridka oo ka hadlay Tallaabadii Gudiga uu magacabay RW. Rooble”

  1. Midowga Mooryaanta Hawiye inaad iskugu yeedhaan ayaa sax ah.Hal qof oo kale idinkuma jjro.
    Hadal iyo qaab doqoniimo ah oo ay Mooryaantu jeexday ma noqonayo wax Somaliyeed oo wadan lagu wadikaro.
    Dee iska biqleeyaa,qaraxana ka dhuunta,shacabkana ha idiin afduubnaado.30 sano oo hore la idinn afduubnaa. Dee ku sii wada.

    Dalmida

  2. Munaafaq dameer culusoow deni iyo madoobe waa uga boodeen ka xaabxaabi
    Culusoow iyo daarood mar hore ayay isbarteen

Leave a Reply to Gedo land

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented