|

Daawo Muuqaal: Madaxwaynaha Dalka Faransiisku Muxuu ka yidhi Dhirbaaxadii Wejiga looga dhuftay

London ( Kalshaale ) Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa hoos u dhigay muhiimadda kuna qeexay “mid kali ah” dhacdadii shalay ka dhacday gobolka Drome ee dalkaas, halkaasi oo qof shacab ah uu wejiga dharbaaxo kaga dhuftay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujiyey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin ka mid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddlekeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya.

Qofka dharbaaxay Macron ayaa la maqlayey isaga oo ku qeylinaya “ha dhaco Macron.”

Wareysi uu siiyey wargeyska Dauphine Libere ayuu Macron ku adkeystay inuusan dareemin wax cabsi ah, uuna sii watay inuu dadka salaamo.

“Aad ayaan u fiicanahay. Waa inaan dhacdadan, oo aan u maleynayo inay tahay mid kali ah, aan sisaas u eegnaa,” ayuu yiri madaxweyne Macron.

Waxa uu intaas ku daray in “shaqsiyaadka aadka u rabshadaha badan” aan loo ogolaan “inay qaabeeyaan doodda dadweynaha, taasi oo aysan xaq u laheyn.”

Dharbaaxada lagu dhuftay Macron ayaa carro ka abuurtay saaxadda siyaasadda Faransiiska.

“Siyaasadda ma ahan in ay marnaba rabshad noqoto. Gardarrada afka ah, iskaba daa midda gacanta ah lama aqbali karo,” waxaa sidaas baarlamanka u sheegay ra’iisul wasaaraha Faransiiska Jean Castex.

“Beegsiga madaxweynaha waa dimqoraadiyadda oo la beegsaday,” ayuu ku daray.

Macron ayaa isaga oo ay wehlisay xaaskiiska Brigette waxa uu sii watay inuu shacabka la kulmo.

“Waxaan mar walba raadiyaa inaan xiriir la sameeyo shacabka, aniga oo ku dhowaanaya. Sida aan sheegay waan doonayaa sidaas,” ayuu yiri.

Waxa uu dhacdadaas ku qeexay “mid nacasnimo ah”, wuxuuna yiri “marka nacasnimada lagu daro rabshado, waa wax aan la aqbali karin.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=44775

Posted by on Jun 9 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841