Yuusuf Garaad oo Fariin Cajiib ah u diray Xubnihii laga saaray Gudiga Doorashada
London ( Kalshaale ) Yuusuf Garaad oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xiisada ka taagan guddiga doorashada oo dhawaan qaar kamid ah dib loogu celiyay dhinacyadii soo magacaabay, halka kuwa kale lagu waayey eedeyntii ay u jeediyeen mucaaridka.
Xubnaha Guddiga doorashada laga saaray, midkii ku qanacsan in sababta looga saaray ay sax tahay iyo midka tuhunsan in lagu xadgudbay, labadaba waxaan u soo jeedinayaa in aanay niyad jab ku noqon.
U arag waxa hardamayaa in ay yihiin maroodiyaal ayagu isu muuqda oo daaqsin iyo daafaca raxantooda ku loollamaya.
Ha u macneysan in si shakhsi ah laguula diririrsan yahay.
Ka raac ujeeddada guud oo ah in sida la isku waafaqaa ay tahay sida danta guud ay ku jirto.
Ka dhigo waaya aragnimo aad wax ka barato.
Xubnaha kale ee Guddiga iyo kuwa lagu soo dari doono waxaan iyaga kula dardaarmayaa in ay xusuustaan waajibka saaran.
Qofka Guddiga kugu soo daray, midka ku faraxsan ee kugu daafacaya, kan raba in uu sallaan kaa dhigto, kuwa ku dhibsanaya amaba ku colaadinaya, kan laga yaabo in uu wax kala beddeleasho kuula diyaar yahay, intaba xusuusnow in aan midkoodna kaa dhaqi karin haddii aad caddaalad darro sameyso.
Ogow in Soomaali badani ay si dhow indhaha ugu hayso kursi iyo murashax kasta. Ogow in la qiimeyn doono sida aad u dhaqanto. Taa ka sokow, Xusuusnow in aan dadka tartamaya iyo kuwa daba taagan aan midkoodna qabriga kula geli doonin.
Muddada dhexe iyo xilliga fogba, caddaalad falka ayaa ka macaan, ka faa’iido iyo sharaf badan, ajar leh kana hurdo wanaagsan eexda iyo wax isdaba marinta.
Iska xakamee nin jecleysi oo Murashax aad caashaqday iyo dhuuni raacnimo midna yaaneey ku qaadin.
Caro iyo aargoosina ka fogow.
Godob ha gelin. Hana la noolaan dakano.
Hadda ayaad go’aan leedahay ee ka fiirso inta aadan falin.
Gacantaada ha isku cadaab geyn.
W/Q : Yuusuf Garaad Cumar
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=44771
Somaliya in habaar ku dhacay dad aan dalkooda aqoon wanaagsan u lahayn baa soo maray waqtigii ka daneeyey dawladii Carta. Kooxdaa khabar maafishka ahayd xilal kala duwan bay ka soo qabteen dalka Somaliya iyo NGOs sida UNta iyo heyadaha kale ee caalamka sida BBCda iyo VOAda, waxay isugu jireen M/weynayaal iyo wasiiro IWM.
Yusuf Garaad wuxuu ka mid ahaa dadkii xilalkaa wax ka helay fuliyeyna dulmi badan sababay dagaaldii sokeeye iyo fidin wax ka metelid beenta Somali lagu kala dilyey ama qabyaalad ha noqoto ama taariikh beena danleey wadato fuliya, sida koonfur Talyaani baa haystay ha noqoto. Talyaani dalka 14 sanadood keliya buu haystay oo dagaal kaga socday dhan walba, culimadii baa u diiday inuu nasto, kuwii uu markii hore la soo heshiiyey wuxuu ku xidhay la jirkoodii ay ka raaceen Somalidii kale (saladanadii Hobyo iyo tii Bari).
Talyaanigii 1941dii buu dalka ka baxay oo Ingiriis kala wareegey. Isaguna wuxuu haystay 10 sanadood oo uu ku jooggay kacdoon shacab iyo dhagaxtuur aan kala go lahayn ilaa uu UNta u dhiibay. 1950kii UNta lagu wareejiyey koonfur, shacabkaana dalbaday, Somaliyana midna Ingiriis baa xoriyadeedii siiyey midna UNta ayuu ugu dhiibay, waxaba isagaa isku haystay, markii 1960kii la gaadhay wey midoobeen.
Yusuf isagoo aragtidaa Hargeysa ee qaldaneed ka duulaya wuxuu dulmi badan la samayn jirey maamuladii Hargeysa u kala danbeeyey, inuu kula safto dulmigooda si uu sii jooggo BBCda (waana maangaabnimo uu soo maray oo taariikhda ugu jirta). Dulmiga iyo beenta ay ku hayeen Somali iyo kufsadka taariikhda oo uu dhinaciisa kala afuufi jirey doodaha iyo kulamada si badheedha kula safan jirey, ilaa iyo haddeerna lagama hayo Somaliyeey isaamaxa.
Soomaalidu waxay isku heystaan
ONLY DHULKA IYO HANTIDA HAWIYE
Nabad iyo xasilooni kama dhaceyso
Somalia ilaa Hawiyahu qabyaaladda u Barto
Sida Dirta iyo Daarood ka
Qax iyo Qaxooti kama baxeyso Somalidu
ilaa Hawiyahu u XISAABIYO xoolahooda
sida Isaaqu u XISAABIYO
( Daaroodku asagu maleh xoolo iyo Caasimado
la XISAABIYO oo asagaaba ah waxa abuurey
Xasilooni la’aanta).
Shisheeyahu dhaafimaayo Faragalinta Somalia
ilaa Daaroodku yeesho Hanti AY KA ILAASHADAAN
SHISHEEYAHA
( hadda waxaa ugu wacan Biyo qaadka shisheeye
ARMAAD LUF LUF ka heshaan wuxuu Gaalku
Ka boobo ONLY DHULKA AY WADA JOOGAAN
GAALKA CAD IYO GAALKA BADOW
Hawiye Land.
Sidaas daraadeed ONLY halka shey
ee JIMCIYO SADEXDAAS CAQABADOOD
Waa in reer Qurac loo helo
” Caasimad iyo Hanti”
Or Hawiye oo lagu duro DNA XIN IYO QABYAALAD
ah.
Imaam dabshid
Waar saaxiib waxaan ku waydiiyey qolooyinka abtiyaashay miyaanay askariba kaka dhiman dagaalkii tigraay ileen hawiyihii uun baa leh inamaa naga maqane mise markii horeba idinkaa la idiin xulay
Bal arintaa soo baadh
Kaahin
Kkkkk
Dee ayagu $ 10,000 kun oo Canshuurtii
Eedo Batuulo ah ayey ku qaaten
TUULOOYINKII ALLEY BADEY
Abaar xun ayay reer Abtigaa soo mareen
Tobanka ayaa aamusiday
Somalia ha noolaato: marka aad leedahay somalia ha noolaato, ee isla markaasna aad reerkiina mooyaane reeraha soomaaliyeed ee kale iyo siyaasiyiintoodaba aad caayaso, sida aad Yusuf Garaad ba u caayaso ee beenta uga sheegayso.
Markaa sida magacaagu dhigayo waxaad u jeedaa -in Reerkiinu bes Noolaado!!
Somalia ha noolaato- MEANS Reer Qudhac bes ha noolaado!- Cajiib