Axmed Madoobe oo Kismaayo kusoo Noqday iyo Xaflad lagu taageeray Wasiiradii uu magacaabay (Video)
Kismaayo ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay maalmahii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Madaxweynaha ayaa muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka doorashada soo socota.
Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.
Shirkii wadatashiga qaran ee doorashooyinka ayuu waxyaalihii laga heshiiyey waxaa kamid ahayd xaaladii gobolka Gedo, taas oo lagu dhameeyey in gudoomiyaha Garbahaareey iyo maamulkiisba uu soo magacaabo madaxweynaha Jubbaland, isla markaana amnigana lagu wareejiyo AMISOM.
Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo lagu Qabtay Munaasibad lagu taageerayo Golaha wasiirada ee Jubbaland, kuwaasi oo Muddo badan kadib uu dhowaan magacaabay Madaxwayne Axmed Madoobe.
HALKAN KA DAAWO IYO XAFLADA WASIIRADA CUSUB
Madawaynaha Jubbaland ayaa u muuqda mid ka guulaystay Xiisada kala dhaxaysa DF Soomaaliya, Waxaana Xusid mudan in horey loo sheegay inuu yahay Madaxwayne 2-sanno oo KMG ah, Balse aanu Arintaasi dheg Jalaq u siinin.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=44421
Style leadership soodhawa all ustaad sayid axmed madobe meeshan kismaayo waa meeshii awowyaashaa kula dagaaleen ingiriis talyaani orom.kismaayo waa goof absame siduu xamar utahay goof mudulood
Nin waliba siduu meesha usii fadhiyi lahaa buu ku dagaalamaa cidda kaliya ee laga guulaystay waa Shacabka, is waydii maxaa loo qabtaa??
Dariiq maleh, biyo nadiifa oo lacabo maleh, meelo badan kuwa waasakhda ahba lagama helo…
Axmed madoobe waa nin isku dhexyaacsan oo gudoomiyaha garbahaareey muxuu kuu tari kkkkkkk yaab badanaa war meeshaas maamul aad soo magacowday kama shaqaynaayo adigaaba hal bil kuu hartay wax maamul jubaland layiraahdo majiri doono August kabacdi udiyaargaroow new jubaland dhamaan soomaalida degta oo dhan
Geelaa maqaarka lagu tolaaye ma dad malaayiin ah oon ku rabin baa lagugu toli karaa?… A.Madoobe wuxuu taaganyahay Farmaajoow Ree Gedo igu tol oo i jeclaysii…
Waa yaab oo adigu maad dadka is jeclaysiisid?… Maxaadse u suqaarinaysay awal oo dhiiggooda ku fakaysay iyo collaysigooda?…
Waar Dhuxulayste wuxuu soo noqday isagooo kareeta Majeerteen ah, la soo bahdilay, Gedo ka wareegtay, muddo bil qudhana u hartay.
Dhuxulayste waa nin ka been sheegay diinta, midnimada Somalia, raacay cadowgii ummadda, deegaanka uu joogana weligiisa waxba u qaban.
Waa khiyaali ku nool oo weligiisa garan qarannimo iyo Soomaalinnimo. Malaha mar dhow wuxuu ku noqon doonaa halkii uu ka yimid.
Dhuxulayste imminka Kuumadihii aka Reer Zubeer waa ka yaacayaan. Waana in bishaasi uu dhammaysan.
Waa Cali caarifkii Jabuuti oo kale.
Geeda naar must go now
Adduunyo
Viva Soomaaliwayn
Down all Somali traitors