|

Wararkii ugu dambeeyay dad shacab ah oo Dil iyo dhaawac loogu gaystay magaalada Jowhar

Garoowe  ( Kalshaale ) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka askari ka tirsan ciidamada ammaanka HirShabelle uu dad shacab ahaa dil iyo dhaawac ugu geystay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Waxaa la sheegay in askariga ka dambeeyey falkaasi oo ka mid ah Booliska uu dilay qof ka mid ahaa dadka deegaanka, mid kalena uu dhaawacay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka uu si gaar ah uga dhacay guri ku yaalla xaafadda Kulmis oo ka mid ah xaafadaha magaalada Jowhar ee Caasimada HirShabelle.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka iyo dhaawaca loo geystay dadkaasi shacabka ah, waxaana ka dhashay cadho dadweyne, sida ay wararku sheegayaan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay dibad-bax cabasho ah oo looga soo horjeedo falkaasi ay ka dhigeen waddooyinka waa weyn ee magaalada Jowhar.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta tegay, iyaga oo gacanta kusoo dhigay askarigii ka dambeeyey dilkaasi, kaas oo isku dayey inuu goobta ka baxsado.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka dowlad goboleedka HirShabelle ka bixiyeen dhacdadaasi.

Jowhar ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka waxaana ugu dambeeeyey dagaalkii dhowaan magaaladaasi ku dhex-maray ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka kooxda Macawiisleyda oo weerar ku soo qaaday halkaasi.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=44413

Posted by on May 31 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented