|

Madaxwayne Farmaajo oo Hambalyada Ciida la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha Soonfur iyo munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

“Maalmahan waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna suubban, waa maalmo ay muslimiintu dhammaan u dabbaal degaan farxadda Ciidda, kaddib bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ku suntan cibaadada, is-cafinta, xoojinta walaalnimada, bixinta sadaqada, ka shaqeynta danta guud iyo maslaxadda ummadda.”

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidammada Qalabka Sida oo har iyo habeen qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay geliyeen sugidda amniga intii lagu guda jiray bisha barakaysan. Waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle ka baryay in uu naga aqbalo acmaashii suubbaneyd ee aan gudannay bishii barakeysnayd ee Ramadaan, Ciiddan ciiddeedana nagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsaday horumar iyo xasillooni.

Dhammaan Akhristayaasha Sharafta badan ee Warbaahinta Kalshaale.com Waxaanu Dhankeena Leenahay Ciid Mubaarak, Caafimaad iyo Farxad ku ciida.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43672

Posted by on May 12 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Madaxwayne Farmaajo oo Hambalyada Ciida la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed”

  1. Giid mubarak mundane madaxweyne soo noqo adooooo nabada!!🎉🔆

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented