|

Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways oo Beenisay inay Bilaabayso Duulimaadka Hargeisa

Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inaanu Jirin qorshe ay ku billaabeyso duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa, ayada oo beenisay warar shalay soo baxay.

Baraha bulshada ayaa waxaa shalay ku baahiyey qoraal loo tiriyey shirkadda oo lagu sheegay inay duulimaadyada Hargeysa billaabeyso daba-yaaqada bishan May.

“Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yidhi qoraal ay shirkadda soo saartay.

“Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.”

Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa shalay hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo shalay oo Talaado aheyd, marka laga reebo diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43667

Posted by on May 12 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways oo Beenisay inay Bilaabayso Duulimaadka Hargeisa”

  1. Somali galbeed

    Somalia waxay noqotay Columbia, goob mukhaadaraadka xarun u ah ,maxaa iska khuseeya Drug caalamka dhan laga diiday iyo xidhiidh labo wadan ka dhexeeya!!!

  2. Khaadkan qasab ku qaata la leeyahay dowlada uk waatii joojise maxaa xidhiidhka loogu jari waayey war ileen tanoo kale waa ila heshii drugs aan beerana qaado si khasaba hadii kale no peace,somaliyey waad aragtaan aduunka ma jiro umad sidii xoolaha u daaqda xataa kuwa kenya and ithoopia ee beera sida somalida uma daaqan waxan waa mukhadaraad hal caleen ah hadad airport ka Dubai kala dagto waa 10 sano oo xadhig ah,qaadka wadankeena iyo dadkeena ayuu qayrkood ka reebay dhaqalaheeni aan wadanka ku dhisan laheen baa khaad inagaga baxayaa somaliyey dhiman maysiin hadad qaadka joojisiin hal week buu madaxu ku xanuun ka dib caadi baad ku soo noqon markaa ka dib qof sharaf leh aan mukhadaar u xidhnayn baad noqon caruurta iyo xaaskaga baad wakhti la qaadan qabiilkad ka xoroobi iyo fadhi ku dirirka ee waxaad dhahdiin No to qaad 🛑 khaadka

  3. Muddo cheer ayay Ajrpaceka Somalieed Kenya iska haystay, wadanku u ahaa meel Kenya iska maamulato, dad kuna ahaayeen qaxooti bilaa Wadan ah.
    Waa Mooryaanttii ye wayba u sujuudijjreen.
    Qaraxa ka dhaca ayuu Xasan Sheekh ka nixi jiray, laakiin Qaraxa Muqdisho u ahaa wax aan laga nixin..

    Haatan Kenya way u qaadan wayday in la yidhaa Baddii soo celi, Airpacekeena na sii oo Jaadkaagana nags dayso
    Dee dadkii a dhiga u ahaa Wajeer lagu sii baadhijiray, Nairobi a lagu baadhijiray ayaa belay dad matalaa oo run ah.

    Bilaa ogolaasho meel ku taala Somamaliya ma ragi karto.
    Dalmida

  4. Kenya iyada is xayirtay
    ee somali ma xayirin
    waa inaan dib danbe loo furin hawada noo dhaxeysa inaga iyo Kenya bal hala arko cidii wax uga halaban
    qof safar aadaya
    waxan taagan muqdisho
    Turkish Airlines iyo Qatar airways iyo Ethiopian Airlines
    iyo qaar kalo badan
    xita maaheyn in xiriir kooda
    lasoo celiyo ee farmaajo group iyo dowlad diisa
    Facebook baan go aan laheyn

  5. qof walba oo somaliya
    waxan kula talinaya wax walba oo uu Kenya u dhibi karo ama dhib u geysan karo
    inuu san hagran xita ciyaal kiisa kala sii dardaarmo
    kii aan wax u dhibi karin waa inuu uurka ka necbada

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented