Daawo: Aabe dhacdo Murugo badan ku Qabsatay Muqdisho iyo 5-Caruur ah oo ka dhintay
Muqdisho ( Kalshaale ) Aabe lagu magacaabo Xasan Cabdullahi waxaa Roobabkii Muqdisho ugu geeriyooday 5 Caruur uu dhalay (Afar wiil iyo hal gabadh).
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun. Ilaaheey ayaa mahad iskaleh. Caruurteeyda anigoo arkaya ayey geeriyoodeen, Midba mar ayan biyaha ka raadinayay. Somalida ayaa iga caawiyay inaan meydkooda helo. Alxamdulilaah allah ayaa mahad iskaleh” . Ayuu yidhi Aabe Xasan Isagoo dul taagan Qabriyada caruurtiisa.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame ayaa khadka Telephon-ka uga tacsiyeeyey Aabbe Xassan Cabdullahi Gacal oo shan ka mid ah caruurtiisa uga dhinteen roobabkii xalay ka da’ay magaalada muqdisho.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u gargaaraan aabahan shanta carruurta ah ay ugaga geeriyootay roobabka ka da’ay Muqdisho.
“Waxaan naftayda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay gargaar u fidiyaan Aabe Xasan iyo Qoyskiisa.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43486
Subxanallah ilahay samir iyo iman ha ka siiyo wa musiibo
Madaxwaynaha mustabalka abdiraxman c sh wa Ku mahadsan yahay sidu niyada ugu dhisay aabaha ubadkiisa wayay