RW. Rooble oo Safar ugu baxay dalka Sucuudiga iyo Arimo la filayo inuu kala hadlo
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International kadib markii ay diyaarad qaas ah u timid.
Rooble ayaa ku wajahan dalka Sacuudi Carabiya, wuxuuna raacay diyaarad qaas ah oo ay usoo dirtay boqortooyada Sacuudiga. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ujeedka safarka uu yahay cumro maalmo kooban ah oo uu ku tagi doono Xaramka.
Xukuumadda ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaaraha uu si deg deg ah ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si uu u dardar geliyo howlaha hor yaalo ee ku aadan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.
Sidoo kale safarka Ra’iisul wasaaraha ay qeyb ka tahay inuu kulamo la qaato madax ka tirsan boqortooyada Sacuudiga, iyagoo ka wada hadli doono xiriirka labada dal iyo sidii ay Sacuudiga u garab istaagi laheyd arrimaha doorashooyinka dalka.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43478
Masha Allah badbadiye qaran ex lahow good job hada wa so cimraysankarta kkk