MUUQAAL: Shacabka degan Xaaafadaha Ciidamadu ku sugnaayeen ee Muqdisho iyo Sida Xaalku yahay maanta
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii taageersanaa Mucaaridka ee Fadhiisimada ka samaystay Qaybo kamid ah Muqdisho ayaa la filayaa in maanta guud ahaan laga saaro magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
HALKAN DAAWO VIDEO
Ciidamada oo shalay billaabay inay ka baxaan waddooyinka qaar ayaa la filayaa inay maanta soo geba-gebeeyaan ka bixitaanka magaalada oo gebi ahaan laga wada saaro, Waxaana dib loogu celinayaa xeryahooda iyo difaacyada hore ee lagala dagaalamo kooxda Al-Shabaab, Waxaana shalay Booqday Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Roobe .
Afhayeen u hadlay Ciidamada ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka Muqdisho laga qaaday dhufeysyadii carada ahaa oo ay ka sameysteen, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaqdhaqaaq magaalada looga saarayo ciidamadii militariga ahaa ee soo galay.
Qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xaafadaha Ciidamadu ka baxayaan ayaa siwayn usoo dhoweeyay Tallaabada loo qaaday dhinaca Nabadda.
Shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu kormeeray furista waddooyinkii ku xirmay isku hor imaadyadii u dhaxeeyay Ciidankii ka soo horjeeday muddo kororsiga iyo ciidanka dowladda.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43468
Military danbe magaalada yaan lagu arkin wixii dagaal raba banaanka haysula baxsan sidii
Cabdulaahi yuusuf axmed iyo cade muuse xirsi
Kala reebto ayaa layiraahdaa
A s c rer kalshaale wali ma sidii aya u doodaysan kkkkkkk
War iwarama asxbta badana wa u jeeday dhalay waxa maqli jiray siyasasu sxb joogta malahan been ma aha kuwii an kalshaale isku karbaashi jirnayanta isku manda aya tahay
Waxan aad arkaysàan waa wax run ah.Sidan oo kale ayay Alshabaab u degan tahay Muqdisho.Sidan oo kale ayay Shacabku qayb uga yihiin wax kasta oo ka socda Muqdusho.
Taageero qabiil ayay ku Alshabaab haystaa Muqdisho..
Dalmida
Mr bahal kkkkkkk adigu dowladnimada hada maqasho miya ka ka taga