|

RW. Rooble iyo Safiirka Turkiga ee Somalia Maxay ka wada hadleen ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga ee dalka Soomaaliya Mahmet Yilmez.

Kulankan ayaa loogaga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga & xiriirka labada dal iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Dowlada Turkiga ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeya ee dowlada Soomaaliya ay xiriir wanaagsan iyo iskaashi la leedahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bilaabay sidii uu garab uga heli lahaa dalalka caalamka si uu ugu guuleysto qabashada doorashada dalka Soomaaliya oo uu haatan hoggaankeeda uu hayo.

Dhawaan ayaa Wakiilo ka socday beesha caalamka uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha tendhada Afisiyone waxayna u ballanqaadeen inay ka caawinayaan ra’iisul wasaaraha dhinac walba sidii dalkan ay uga qabsoomi lahayd doorasho loo dhan yahay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43458

Posted by on May 7 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented