Kenya oo ka hadashay Xidhiidhka Somalia ay soo celisay iyo Amiirka Qatar oo War kasoo saaray
Muqdisho ( Kalshaale ) Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya, Waxayna “laba dowladood ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadiida is ixtiraamka iyo madaxbannaanida dhuleed, faro galin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha”.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Heshiiska ay wada gaadheen Soomaaliya iyo Kenya waxaa Gacan ka gaystay Amiirka dalka Qadar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, Waxaana dhowaan magaalada Caasimadda ee Muqdisho soo gaadhay Wafdi ka socday dalka Qatar , Kuwaasi oo kulamo la yeeshay madaxda ugu saraysa DF Soomaaliya, Waxayna sidoo kale Wafdigaasi Booqdeen magaaalada Nairobi Iyagoo kulamo la yeeshay Madaxda ugu saraysa dalka Kenya.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid horumar ah ayna diyaar u tahay inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin arrimaha ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka.
Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, Wuxuuna sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu yidhi Amiirka dalka Qatar. Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani .
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43451
Oo waxaad leedahay FAHAD YASIIN ayaa Maamulkeena
Banaadir State ka IIBSADEY QATAR QATAL
oo waxa Xiriirka u jarahayey
Maamulada Federalka
Somaliland
Jabuuti
Kenya
Waxay aheyd QATAR QATAL
oo hadda markey garowsadeen
WHO ARE THE REAL OWNERS of Banaadir Region
ayey Fahad Yasiin ku dhaheen
you as Fahad and your Depressed dreamer Mr Farmaajo
and your CBB ( Cayayaanka BARAHA Bulshada)
waxba kama ihidin 5ta Soomaaliyeed ee i dhaafa
Ninkii QALBI-DHAGAX Axmaaro u dhiibey
Ninkii 5ta Dekedood Axmaaro u saxiixey
Ninkii Geedaha ku soo TALAALEY Addiss Ababa
Ninkii MIINOOYINKA u direy Gedo
Ninkii cunaha qabtey Kismaayo
Ninkii Sacuudiga ku dacweeyey xoolaha Xajka Somaliland
Ninkii ERITREA ku taageeray Dhulka Walaalaha Jabuuti
Ninkii isku dayey inuu Dilo Madaxweyneyaashii
Midna Buffalo ka keenay midna Villa Xamar ku wareejiyey
– miyaad ka sugeysaan inuu mideeyo SOOMAALI
Soo maahan ninkii Kenya ku kordhistey Darbiga BUULO-XAAWO
Soo maahan ninkii Qabyaalad million ku siiyey DHIIGYOCAB JANAN
( Roobowna Gacan ku dhiiglana Jeelka dhigey )
Soo maahan ninkii Qabyaalad ku bedalay WASIIR OOMAR
Just KISMAAYO HAWADA KA XIR.
* HABAAR QABE LAGU SIRMOOW
Waynakaa hadaba waynakaa..waynakaa hadaba waynakaa.
Allaylehe dawladii Jamhuuriyada Soomaaliya waataas si buuxda usoo noqotay.Allaw gargaar.
Mar haddii daaquudadiii,dabadhilifyadii iyo kuwii soo dirsanjiray hadhuudhlaha lagu daray oo maanta Kenya loo maslaxay madaxweyne Farmaajo oo Keenya naqaswayni kasoo baxay.Walee Farmaajo hooyadii wiil bay dhashay.Wiil hoog.
Waar kii Abu Dhuxul tolow goorma ayaa lasoo laalaadinayaa?
Ducadii Alle Swt shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah wuu ka aqbalay.Ducada muslimku ciyaar ciyaar maaha.
Mujrimkasta asagoo dulaysan oo foorara ayuu iskeenay.
Berigii aanu SNM-ta ahayn waxaau odhanjirnay.Allaahu Akbar Fadxa Wa nasar.
Xiligii SNM-tu dagaalamaysay meelo badan ayaan ka akhriyiray xeerkii SNM gaar ahaan tuulooyinkii Hawdka anagoo ku wareegayna tuulooyinka si aanu uguubaabino dadkii dhulkaas deganaa dee wax kala go’ahi kuma jirin Dasduurkii SNM in talsikii Siyaad Barre laga eryo Xamar ayuunbuu ahaa ujeedkayo markaa anigu wali taas ayaan ku shaqeeyaa oo aaminsanahay.
Dabka aad shidayso kugubo adigu inshalaah bil rabadaan ayaa lagu jiraa markasta waxaad ka hadasha waxaan macnalahan islayaab alle kayaab
Dabshid waxaa uu sheegay
dhamaan waa run.
Runtana laguma gubto ee
ajri iyo xasanaat ayaa laga helaa.
Bal so fiican uga bogo waxa ka socda geeska Afrika iyo guud ahaan Africa si aad u fahamto barnaamijkan…
https://www.youtube.com/watch?v=_KM06hTeRSY