|

Madaxwaynaha Kenya oo Wafdigii Dalka Qatar ee ka yimid Somalia la kulmay (Daawo)

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah dowlada Qatar Dr Mutlaq Bin Majer Al-Qahtani.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka guddoomay farriin gaar ah oo looga siday Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, kaasoo uu siday Dr Mutlaq Bin Majer Al-Qahtani oo ah Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la dagaalanka Argagixisada iyo xalinta khilaafaadka.

Hase yeeshee lama faahfaahin fariinta la gaarsiiyay Madaxweynaha Kenya waxa ay ku saabsaneyd, waxaana sidan oo kale ergeygan uu u gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo fariin uu ugaga sidey siday Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Dowlada Qatar ayaa laga yaabaa inay dhexdhexaadin ka dhex bilowdo labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkoodu meel xun marayo.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa booqasho booqasho dhowr cisho qaadatay ku tagay magaalada Muqdisho oo uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Mucaaradka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43418

Posted by on May 6 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented