|

Daawo: Axmed Madoobe oo Kismaayo kula kulmay Saraakiil Maraykan ah (Sawirro)

Kismaayo ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay sarakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Soomaaliya, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo, waxaana Madaxweyne Axmed Madoobe ku wehliyay laba sarkaal oo kala ah S/Guuto Maxamed Cabdi Sheekh oo ah Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland iyo ku xigeenkiisa G/Sare Maxamed Guuleed Xasan.

“Kulankaan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada,”

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM qeybtiisa Soomaaliya ayaa inta badan duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka geysta deegaanada Jubbaland oo kooxdu ay ku xoogantahay.

Dhawaan dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya kala baxday inta badan ciidamadii ka joogay, balse waxay horay u shaacisay in aysan joogsa doonin duqeymaha iyo weerarrada ay ku beegsaneyso ururka Al-Shabaab, iyagoo gacan siinaya ciidamada xoogga Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43327

Posted by on May 4 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Daawo: Axmed Madoobe oo Kismaayo kula kulmay Saraakiil Maraykan ah (Sawirro)”

  1. Somali galbeed

    Maraykan iyo kooxda daalibaan oo heshiiska ka gaadhay colaada afganistan iyo ciidamadiisa oo ka hayaamaya, sheekada somalia goormay iyana soo afjarmaysaa???

    Caruuraha caalamka waqtigii tababarka lagu qaadan jiray waa gebogebo…

  2. Al ustad sayidka halkaa kawad raysal wasaaraha soosocda aa tahay waa hadii iljeec noqoto madexweyne @cali kurtun meyla socotaa

  3. Mr bahal
    Haku dagan wadaadku high officer of cia

  4. @Gaafaw horta sharcigii dhabayacadu soo hindistay ee AU MSBARE rafacay joojiyay ee oranaayay reerka laguma aamini karo wax wasiir dhaafsan sow lama cusbooneysiin oo Faroole ma oran afka un baa naga dhaxeeya.

  5. Somalijecel
    Sxb sharcigaas hada majiro .hada reerku waa active.takale faroole .dhamaan soomaligalbed ayuu jeedey .haba loo badnade waa kii xaal bixiyey.sxb mataqaan mareexaan Regan tuli ilaa jinacsani oo gari koonbo isla degaan ma reer amir nuurba

  6. Gaafow

    Kkkkkk
    Axmed waa lagu soo maqan yahay kkk
    Walee caafimaad kuma fadhidid Caliyoow Buhodle.
    Waxaan jecelahay in Ilahay i gaadhsiiyo oo arko col uu Axmed ku jiro oo Xabsi liinta ku cabaya,iyo wadanka oo Xoogagga wadaniyiinta gacabta ku hayaan.
    Insha Allaah.
    Dalmida

  7. Somali galbeed

    Somali jecel

    Farool kooxduu ushaqayn (TIGRAI) jiray baa sheegtay, hada kablalax buu sheegtaa, oo absame lagu qaldo, ilka yarta waa layska heshiin finally,

    Mr bahal

    Dadkaan waa wada dambiilayaal ama waa lawada qaban ama waa lawada dayn..

  8. @Gaafow horta safaaradihii iyo NGO Kismaayo ku qulquli jiray xagee ka baxeen.Intii Axmed dhuxul 2da sanno loogu daray safaaradihii isku sawiri jiray waa joogsadeene.
    @Somaligalbeed kkk Absame waa lagu meel gaarayaa oo card Kablalax ayaa hadda ku jira miyaad leedahay?Ciddan horta maskaxdoodu maxay u liigaysaa?Ilkayar ankee reer Diini oo 5/6 kala tirsada ma qoraan ankee reer Diini.Ninba meel buu ka baxay oo u qaraab tagay.
    Dhabayaco Jubaland aan micno lahayn bay ka dhigtay Jubaland,sababtoo ah ilkayar ayay shock aan jirin ka qaadeen.Ilkayarna waa suufiyo cid ay wax u qabaan kala dhaxeeyaan aan aqoon.Waxaa kaaga daran waligaa arki maysid Ilkayar oo maserysan oo ka daba yuusaya dhabayaco.
    Idinka dhabayacadu in ay idin leeyihiin ayay u haystaan.

  9. Waar kutubo xoorkii Dhuxulayste waa naf la caari. Gaala Mareykan oo Iskooda uga shaqaysta Jubbaland ayuu sawir la galay. Wadaadow xaal qaado. Waxaa baa odhan jiray waannu jihaadaynaa….kkkk

    Somalijecel

    Waa runtaa. Kareeto Majeerteen weeye dhuxulayste Absamahana badankooda waa dad hal dheg wax ku maqla. Laakiin maanta way soo jeedaan oo Geeda Naar ma hayo Absame badankiisa, waana ka diideen inay noqdeen kaadh Dhabayaco. Mar dhow waxaad maqli doontaan Dhuxulayste oo Badhaadhe ka sii tallaabahaya oo Booday iyo Masalaan sii cararahaya.

    Midna ogaada adiga iyo Mr Bahal, Gaafow Absame maahan.

    Gaafow

    Golaha ka daa sheegashada beenta ah inaad Absame tahay. Suldaanku wuu ku og yahay ee dadka beenta ka daa. Waxaad tahay waannu ognahay ee nin yahow ka xishoo cibaadka Alle.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  10. Kkkkkkkkkk

    Waxba jubaland haku daalinee maad iska tiraahdan MJ mey tageran ina farmajo

    Diid ama ha diidin jubaland waa magaalo Kablalax….. sory daroodka kale iyo

    Somali waa ku hoyan kartaa

Leave a Reply to Somalijecel

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented