|

DAAWO: RW. Rooble oo Gudi u saaray Arinta CIidanka Muqdisho, Kuna baaqay in 5-Casho lagu dhameeyo

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga ka kooban 11 Xubnood oo kasoo talo bixiyo sidii xal looga gaari lahaa Khala-laasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Rooble ayaa sheegay inuu Guddigaan magacaabay markii uu arkay qodobka 99-aad farqadiisa A,B iyo F ee Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, Qodobka 100-aad Farqadiisa A iyo B ee dastuurka iyo baaqii Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in Rooble uu la wareego Mas’uuliyadda Doorashada iyo Amniga.

Guddiga la magacaabay ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Xukuumadda Xasan Xundubey, waxaase ku jira xildhibaano iyo xubno ka tirsan mucaaradka

Guddiga ayaa wuxuu ka kooban yahay xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee mucaaradka ah iyo kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, Sidoo kalana waxaa kasoo muuqday Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, waxaana loo xil saaray:

1- Xallinta caqabadaha saameeyey Ciidanka ee ka dhalatay Arrimaha Siyaasadda

2- Dib u celinta ciidamada kasoo baxay furumaha ee soo galay Magaalada Muqdisho

3- Baabi’inta calaamadihii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacay Muqdisho.

Rooble ayaa guddigaan faray inay muddo shan maalmood ah kusoo gaba gabeeyaan xal ka gaarista khilaafka ciidamada iyo xiisadda ka jirto Muqdisho.

Shaqada Guddigaan ayaa waxay ka bilaabatay maanta oo ay tariikhda tahay 4 Bisha May 2021.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43312

Posted by on May 4 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

12 Comments for “DAAWO: RW. Rooble oo Gudi u saaray Arinta CIidanka Muqdisho, Kuna baaqay in 5-Casho lagu dhameeyo”

  1. Mr rooble waa nin dagan oo nabadeed wuuna kuguulaysandoonaa arimahaan iyo kuwa doorashooyinka insha alaah
    Aaway kuwii rabay in muqdisho gubato oo lagu kala yaaco
    Maalmo hore waa laga joogi waayay website kaan hada waa kala dhuunteen kkkkkkk duf kubaxa nin walaalkii soomaaliya dhib laraadinaya

  2. Wixii hore loo dhacay ayaa la difaacanaya.
    Waa Mooryaanttii ku soo koray hanti la dhacay.. Mid kastaa telephone ayaa loo diray, areey kaalay difaac. Meeshii aa la qaadanrabaa kkkk
    Hada ka hor ayaa laysku dayay in dad laga kiciyo dhul ay Jaamacadu lahayd iyo gurihii ay lahayd oo lagu habsaday.
    Misana ciidan ayaa ka soo dhaqaaqay shabeelooyinka.
    Bartii ayay difaac ka galeen. Dee waa laysla dhaafay kkk

    Anuu waxaan isidhi, waa ciidan la kiraysto.
    Laakiin, dadkani Caasimada dhan ayay ka dhigeen wax ay dikeen iyo wax at qaateen.
    Taariikhda aduunka mums hayo.
    Prehistoryga Mooryaan. Meeshan ciyaar maaaha.
    Waxaa ka dhacaysa.
    Dalmida

  3. Kalshaale.ca page-ka hoosta maxaad fikir dhiibashada ugu xidhay? Hinaas!!! Miyaad ka naxdeen horumarka Somaliland!kkkk

    Daawo khudbada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Daah-furka Wadada Hargaysa BYPASS.

    Alaa ya cisak Mujaahid Muuse.

    https://www.youtube.com/watch?v=4jbPFPTJ_6c

    I am proud to be a Somalilander.

  4. Mr bahal
    Reerku wada mooryaan maahan. majority waa qabiil sharaf leh
    Mideeda kale qof hanti dad leeyahay haysta waa qof 1991 soo galay .xitaa hawiye laftiisa ayaa hanti kala haysta maxaad umalayn qabiilada kale maba hadli karaan xitaa kkkkkkk

  5. Gedoland

    Aduunka oo dhan dad isku mid ah ma jiraan. Laakiin
    waxaa jira wax ay wadaagaan.Kan xun iyo ka fiucani dhaqan ay wadaagaan oo aan la beenin karin.
    Ma beeninkartid qaab ay Bulsho u nooshahay.Ha ahaado qaab qaldan ama qaab wanaagsan..

    Saaxiib,haduu jiro wanaaga aad sheegaysaa 30 ka hor halkii la joogay,2021 lama fadhiyeen…Tan waxay cadayn u tahay in Bulshadu leedahay dhaqankan Mooryaanismka ah..qaladku hadii aan ahayn mid dhaqan ah,dhaqso ayaa looga gudbaa.Wuxuu noqdaa qalad dhacay oo la saxay.
    ,laakiin qaladku haduu yahay mid Bulsho oo dhaqan ah,way adagtahay in la saxoMaxaa loo saxayaa?
    Bulshada ayaa diidan waxan dhacay ee dadnimadoodu diidantahay.Saa way nacayaan waxan dhacay
    .
    Waxay qaadataa,300 ilaa 400 oo sano in Bulsho dhaqankaasi ka guurto,oo uu isbadal ku dhaco qaabkii noloshooda.

    Maaha cay inaan ula jeedo,laakiin waa wax jjra oo la diidan yahay in laga hadlo..

    Khayre shalay iyo Maanta.
    Teeda kale Somali sharaf ma laha.Mooyaan xagaad ka keentay Sharaf Somali isa soo galay…
    Wàar qaladka ha la saxo.
    Markaa waxani waa dhaqan Somaliyeed.
    Dalmida

  6. Raysal Wasaare Rooble ayaa waxaa uu safar u yahay Saudi Arabia ! Rooble oo Soo Cimraysanaya kadibna la kulmi Doono Boqorka Saudi Arabia.

    Hade Sacuudi ninkii taga Dhanbaalna waa loosoo dhiibaa Boorsa Dollar ahna waa La socotaa 🇸🇦🤣🤣 Rooble haduu si fiican u qoyayaa. 💵 In God We Trust !!

  7. Hobyo Godan

    Waa ku salaamay caaqil,

    Anigu waxaan hubaa in aanu Farmaajo wax tanaasul ah oo uu bixiyay jirin, Rooble-na shaqada uu u dirsaday u diyaarinayo. Shaqadaas oo ah in Farmaajo markale iibsado doorashada. Hadii ay taasu u suurta gasho, dhibka iyo isbaacsigu markaa ayuu ka bilaabmi Xamar!

  8. Laalays

    Waan kaa qaaday Ugaas.
    Waa runtaa gudoomiye ninkan Farmaajo ma tanaasulo laakiin waa baqaa.Waa sidii Ay dad badani sheegeen hada kahor. Waxaan xasuustaa mar uu Deni lahaa Farmaajo wado qaldan buu qaataa siduu u socdo ayuu wuxuu ku tagaa Darbi Kolkaa ayuu yiraahdaa waan tanaasulay !

    Marka ninku waa nin noocaa ah laakiin hada warkii horeba war soo dhaaf. Xaalada Hada lagu jiraa waa kala guurkii. Farmaajo dadkii Reer Muqdisho ahaa asagaa isku Diray oo wuxuu noqday waad aragtaa !

    Raysal Wasaare Rooble waxaa la siiyey fursad uu Doorasho ku qabto iyo inuu Xaliyo dhibkan uu aabaha u yahay Farmaajo ee ka taagan Xamar. Hadii uu Rooble Dhagaysto Reer Muqdisho markaa wuu guulaysan laakiin hadii uu Farmaajo wax u Yeeriyo oo uu noqdaa Yes Man marka Reer Muqdisho go’aan midaysan bay ka Qaadan Farmaajana si sahal ah ayaanu isaga kor qaadi. Farmaajo iyo kuwa la Socda maaha kuwa u babac dhigi karo Hawiyaha Hubaysan ee Xamar degan waa Marka runta laga hadlo.

    Farmaajo waa inuu baxaa xataa raali kama nihin in uu qayb ka noqdo Doorashada.

  9. Qofkan magacyada badan ee wax un isku diraya miyuuna diinta Islaamka haysan?… Ramadaanta xidtaa u joojin mayo subaxaanallah…

  10. Jecliyaa marka neefta lagu celsho ayay Diinta ku waalataa marka kalana lagama Karo edeb ku joog cariga oo ummada nabad geli.

    Truth hurts !!!

    Waxay kaloo Diinteenu qabtaa in wax laga sheegi karo Qofka xun oo ay xaq tahay In la tilmaamo Dulmiga iyo fasaada uu wado.

  11. Farmaajo needs Oxygen…… He can’t Breathe !!

  12. Boqortooyada somaliya

    Mr Bahal

    Salaan ugaas

    Horta 8 Feb malagaaray kkkkkkk, ugaas dadkan. Suldaan Keenadiid iyo talyaanigii ka danbeeyey baa ka dhigay sidan miyaa anigu Waa yaabanahaye.

    Alla maxaa Daarood NAF iyo MAAL ku bixiyeen in ummadan ay nidaam helaan.
    Iyaguna sidii yuhuudii baa wax kastoo wanaagsan baa dhibaya, waxay rabaan inay fowdo iyo boob ku jiraan weligood.

Leave a Reply to Hobyo Godan

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented