|

Prof. Warsame “Xaq maaha in la dhaho Farmaajo haka guuro Villa Somalia ” (Waraysi VOA)

Muqdisho ( Kalshaale ) Kaddib qalelaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ka dhashay muddo kordhinta uu Golaha Shacabku u sameeyay dowladda, ayaa inkastoo ay xiisaddu hadda qabowday waxaa haddana wali Muqdisho aan laga saarin ciidamadii difaacyada ka sameystay xaafadaha qaarkood.

HALKAN DHEGAYSO

Dhinaca kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in ay doonayaan in madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka guuro Villa Soomaaliya.

Haddaba Wariyaha VOA Caasho Ibraahim ayaa arrimahaasi ka wareysatay Prof. Xuseen Warsame oo bare ka ah Jaamacadda Calgery ee dalka Canada, ugu horreyna waxa ay weydiisay in xilligan ay tahay in Farmaajo uu ka guuro Madaxtooyadda Soomaaliya.

“Xaq looguma laha in Madaxwaynaha Arintaasi lagu dhaho,  mana aha markii ugu horaysay ee Madaxwayne uu Xilka ka dhamaaday uu Weli sii Joogo Madaxtooyadda,  Sheikh Shariif  Sanad ayuu ku darsaday,  Sidoo kalana  Xasan Sheikh sidoo kale dhowr bilood ayaa ku biirtay, “ Ayuu yidhi

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Go’aankii dhowaan  ay wada gaadheen Madaxwayne Farmaajo iyo Baarlamaanka Soomaaliya, Isagoona ku tilmaamay Arin mudan in la Bogaadiyo, Iyadoona Arinta Doorashada iyo Amniga lagu Wareejiyey Raysal wasaare Rooble.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Prof. Xuseen Warsame Arinta Ciidamada iyo Xaalada Muqdisho, Wuxuuna tilmaamay In Raysal wasaare Rooble arintaasi hada looga Fadhiyo, Wuxuu Sidoo kale ku baaqay in laga dheeraado in Arinta laga dhigo mid Qabiil, Balse waxa la isku diidan yahay uu noqdo Aragti, taasi oo xal laga gaadhi karo.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA WARBIXINTA

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43306

Posted by on May 4 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Prof. Warsame “Xaq maaha in la dhaho Farmaajo haka guuro Villa Somalia ” (Waraysi VOA)”

  1. Xaq maahan in 5ta Soomaaliyeed
    Biilato, kuna soo hirato
    ONLY DHULKA IYO XOOLAHA HAWIYE.

    Kharash, Qabyaalad iyo Qeylo waan ku ogeyn

    Xatooyo Kursi Qaran
    Xatooyo Canshuur Eedo Batuulo
    Iyo DHIIG DAADIN ayaa SOO LABO KACLEEYEY.

    * Hankoodu Waa Guno iyo Guulwadeyn

  2. Ninkan Farmaajo Qabyaalada ku difaacaya wuxuu iska indha tirayaa xaqiiqda jirta.

    1) Hassan Shiekh iyo Shiekh Shariif Villada iskama fadhiyin ee waxay heshiis ka Galeen inta uusan Waqtigii ka dhamaan.Heshiis is ogol ahaa bay kusii joogeen Laakiin Farmaajo asaga Heshiisna waana diiday waqtigiina waa ka dhamaaday !

    2)Go’aan kii Dhawaan Baarlamaanka iyo Farmaajo wada gaareen oo markii sii hore Ahaa xaaraan ayuu hadana ninkaan rabaa in la bogaadiyo. Hade waa qas uu Farmaajo ka taliyey kana masuul ahaa in wadanka galo jahwareer asagoo ku Darsaday labo sano oo ay u ansixiyeen Baarlamaan waqtigiisii dhacay.

    3) Arinta Ciidamada iyo Xaalada Muqdisho oo markii sii horeba ahaa problem uu Farmaajo abuuray ayuu ninkan wuxuu rabaa in Raysal Wasaare Rooble uu si dag Dag ah u xaliya masuuliyadeedana dusha ka saaray walibana indha adeegiisu uu Leeyahay yaan arinta la Qabyaaladeen ???

    Hadaba ninka saa u hadlaya waa Reer Puntland !! Hello Dabshid iga ilaali Puntland.

  3. Hobyo godan
    Kkkkkkk pro.xuseen warsame maaha reer puntland waa mr bahal adeerkiis. Samaroon
    Saasaan maqlay

  4. Gedo Land

    Kkkkkk

    Qoraalka ayaan aqriyey markii hore laakiin hada waxaan dhagaystay Pro Warsame!
    Horta lajhadiisa waa nin reer Waqooyi ah laakiin waxaan moodayey nin kale oo Pro Jaamacad ku taal Calgary Alberta Canada ka dhiga oo reer Puntland ah ! Mise waa Uun ninkan kaliya oo Pro kale oo wax ka dhigaa Jaamacadaa majiro.

    Waxaa kaloo dhici kartaa in Pro Warsame yahay Reer Puntland aka Warsangali Ama Dhuloos…! inkastoo ay labadan qolo Baasabooro badan yihiin ( Dual Citizenship ).

  5. Kkkkkkkkk

    War ninku waa reer borama samaroon wuxuu ka mid yahay gudigii dhaqalaha ee

    Ina farmaajo biilka ka Qaata

  6. Jabhad

    War bal xaal qaata…..! Pro Reer Puntland ah oo Calgary University ka dhigaa ma Jiraa? Mise anaa mooday?

  7. Somaligu haduu arko qof ka duwan waxa uu Adeerkii u akhriyay,waxaa masgaxdiisa ku soo dhacda lacag kkkk

    Waar dadkiiba xanuun lacagoow la yidhaa baa ku dhacay kkk.
    Lacag aa la siiyay..
    Hadalkani Reer koon fureedka ayaan aad uga maqlaa..Runtii waqooyigu arintaasi way kaga duwan yihiin..Reer waqooyiya ilaa Jabuuti.
    Dalmida

  8. Hobyo

    Waa caadi somali way isku ek tahay war ninyow aniga ma aqaan lakiin wala ogan

    Karaa waxaa la waydiin karaa gudiga dowlada puntland u qabilsan Calgary

  9. Bahal

    Yes it’s all about Money 💰

    Reer Waqooyiga Xamar dhooban ma waxaan lacag ahayn maa meesha keenay aka Adeerkaa Wasiir Beyle iyo Pro Samatar iyo Pro Dube ( Buris )💵💵💵🤣🤣

    Ma is waydiisay Maxaa Farmaajo ka Keenay Buffalo New York? Waa Lacag sidii Ugu tabcan lahaa Canshuurta Gobolka Banaadir ee xisaab la’aanta ah.

  10. Kaahin

    Naga daa ciyaarta lol
    Mise Guhaad,Caadi iska dhig.
    Dadka Somaliyeed wada lacagdoon doon maa

Leave a Reply to Mr BaHaL

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented