|

Maxay ka wada hadleen Madaxwayne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar ?

Doha  ( Kalshaale ) Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qatar ee QNA, waxay labada hoggaamiye ka wada hadleen xiriirka labada waddan iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyo weliba dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka ee Qadar ayaa sheegtay in ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi uu qoraal uu ka siday Amiirka Qatar uu soo gaarsiiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Farriintaasi qoraalka ah ayaa wakaaladdu sheegtay inuu madaxweynaha Soomaaliya soo gaadhsiiyey ergayga gaarka ah Mutlaq Bin Majiid Al-Qahtaani.

Farriintan ayaa la sheegay inay sidoo kale ku saabsanayd xiriirka labada waddan, iyo muhiimadda dib u heshiisiin qaran oo Soomaaliya ka dhacda, si looga dhabeeyo xasilloonida waddanka, sida lagu sheegay farriintaasi ay baahisay wakaaladda wararka ee Qatar.

Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar ayaa maalmahan booqasho ku joogay Soomaaliya, waxaana uu shirar kala duwan la yeeshay madaxda dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka.

Al-Qahtani ayaa sidoo kale, kahor imaatinkiisa Muqdisho, waxa uu soo maray magaalada Hargaysa oo uu kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43303

Posted by on May 4 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841