|

Ciidamadii Milatariga ee Soo galay Muqdisho oo War Cusub kasoo baxay

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddi saraakiila oo ay iska magacaabeen ciidamadii dhawaan soo galay Muqdisho ee saldhigyada ka dhigtay xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis, Hodan iyo Hawl-Wadaag, ayaa shuruudo ku xiray inay dib ugu laabtaan saldhigyadii ay ka soo baxeen markoodii hore.

Guddigan oo ka kooban sedex Janaraal iyo afar korneyl ayaa dalbaday in madaxweyne Farmaajo wareejiyo amniga guud ee dalka maadaama bay yiraahdeen waqtigiisii dhamaaday, isla markaana uu ciidanka ka dhex abuuray qalalaase, waa sida ay hadalka u yiraahdeene.

Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo afhayeen u ah guddiga saraakiisha ah oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay baaqi ku sii ahaan doonaan magaalada Muqdisho inta xal looga helayo waxyaabihii markii horeba keenay inay saldhigayo ka samaystaan xaafado ka tirsan magaalada.

“Shirar ayaanu yeelanay waxaa la dhisay Gudi wadahadal la geli doono Xukuumadda Xilgaadhsiinta, in la ilaaliyo Saraynta sharciga, Ummadda Soomaaliyeed muddo ayay dhibaato kusoo jirtay, waxaana isku taagnay waa ilaalinta Sharciga iyo inaan dawladda Burburin.” Ayuu yidhi.

Waxaa wax laga waydiiyey hadalkii kasoo yeedhay Raysal wasaaraha ee uu ku sheegay inay Ciidamada dib ugu noqdaan Xeryahooda.

“Raysal wasaaraha  waan maqalay Hadalkiisa, shalay markaanu halkan nimid wuu joogay, Maantana wuu joogaa, Balse waxaanu u nimid ilaalinta  Sharciga,  Shacabka ayaa na garab istaagay,  Wax Rasaas ah maanu adeegsan, Waxaa nasoo Weeraray  Ciidamo ka amar qaata Madaxwaynaha” Ayuu yidhi Diini Rooble. 

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43300

Posted by on May 4 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Ciidamadii Milatariga ee Soo galay Muqdisho oo War Cusub kasoo baxay”

  1. Qabiilkaaga ayaad ciidan utahay sxb qaran kulahaa hadaad ciidan qaran tahay maxaa kaasoo dhexsaaray ciidamadii kale ee aad isku midka ahaydeen

  2. Maryacalas…. Mooryaanimo ku darsatay

  3. Ismaan laheyn xamar ayaa qabiileysi danbe ka bilaamanayaa. Laakiin waxaa ii cadaatay inaan waxba laga baran dagaalkii sokeeye. Xamar aaney caasimad dal noqon karin oo ay tahay magaalo reereed. From now, xamar hamigaan u hayey wax badan baa iska bedelay. Ismana qaadi karto inay noqoto magaalo reereed iyo magaalo madaxdii dalka.

    waxaanse ogahay inaaney dadka deegaanku qaarkood ka soo horjedaan colaada la hurinayo.

    Deni iyo Ahmed madoobana wey gaadheen goolkoodii ku saleysnaa in xamar laga raro caasimada.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented