Daawo: Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho Kula kulmay Madaxda Warbaahinta Gaarka loo leeyahay
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabbilay qaar ka mid ah madaxda xarumaha warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa ugu hambalyeeyey Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay mar walba Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay dhowrista xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyada oo tallaabooyin muuqda loo qaaday dhankaas, taas oo ay tusaale u tahay qiimaynta sannadlaha ah ee ay 2020-ka sameeyeen ururrada u dooda warfidiyeenka oo xaqiijiyay in dalkeennu uu sameeyey horumar dhanka xorriyadda iyo xuquuqda saxaafadda ah.
“Anigoo magacayga ku hadlaya, waxaan rabaa inaan idiinku hambalyeeyo maanta oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda. Annagu waxaan aamminsan nahay in saxaafaddu ay xor noqoto, Sida aad idinku qirteen waxaa hubaal ah in xilligan la idiin la macaamilo si ka wanaagsan sidii hore. Waxaan idinku boorrinayaa in aad sii labo jibbaartaan dadaalkiinna idinka oo sawir qurux badan ka gudbinaya dalka, xoojinaya midnimada, waddaniyadda iyo dal jacaylka.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muhiim ah siisay horumarinta saxaafadda, iyada oo dadaal ku bixisay ilaalinta xuquuqda Warbaahinta lana meel mariyey shuruuc iyo xeer ilaaliye u gaar ah saxaafadda si looga hortago tacaddi iyo meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta.
Dhankooda, Madaxda Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa Madaxweynaha la wadaagay in ay laga ma maarmaan tahay in Dowladdu ay xaqiijiso xorriyadda iyo madax-bannaanida warbaahinta, waxa ay sidoo kale soo gaarsiiyeen dhacdooyin iyo falal ay tabasho ka qabeen, iyaga oo codsaday in arrimahaas wax laga qabto.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xusay shaqada wanaagsan ee ay Warbaahinta Soomaaliyeed u hayso dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu ammaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen dowladda dhiska, wacyi gelinta bulshada, la dagaallanka afkaarta xagjirka iyo taabbo-gelinta dimuqraadiyadda.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43289
Warbaahinta reer galbeedka waxa xukuma si dadban dawlada mar walba ka jirta ha noqoto xisbiyada midigta iyo kuwa dhexe iyo xisbiyada bidixda. Iyagoo 3 dhinac oo ku tartamaya siyaasad wadankooda, haddana waxa ay xafiis guud ku wada leeyihiin nabadsugidooda qaybta warbaahinta gudiyada xukuma. Warbaahinta ku way tartamayaan, balse danaha dalka iyo madaxbanaanidiisa marnaba waa ku lama taabtaan. Dalkeena, waxa lagu soo dhex tuuraa wargeys ajinebiya war lagu qoray oo danaha dawladiisa UAE/Kenya IWM sida oo gudbinaya fariintooda, waxa u soo gudbinaya shacabka youtuber xoogaa views click ku raba ama TVyada maxaliga iyagoo u soo gudbinaya bal inay wax uun u sheegaan dadka; ama waxa dhici karta in lagu soo laaluusho inay wax khatar ku ah dalka ay wararkooda fidiyaan, waana dhaawac “afku ka xoog badan magliga xawda kaa jarae” murti baa tidhaahda. Hey-ada Nabadsugidu, waa inay Idaacadaha iyo TVyada u diiwaangeliso cida ay u ciyaaraayaan siyaasiyan ma la tartamayo midig mise bidix mise dhexe/udub/kulmiye. Wasaaradana, waa inay wax barto weriyeyaasha iyo qoraayada joornaalada. Si qaran ilaalin kab dhaqaale ugu darto miisaaniyada sanadlaha ee dawlada, yacnii weriyaha inuu u shaqeeyo dawlada parttime-na uu ugu shaqeeyo Idaacada maxaliga iyo Tvga maxaliga, si aanay u dareemin ciiri Idaacada maxaliga ama TVga maxaliga, oo aanay u noqon traitors lagu gubo dalkooda, oo dad khaainul wadan ahi ku isticmaalin baahida haysata, oo hadhaw ay dil ku mutaysan karaan burburinta warbaahineed ee dalkooda u geysteen. WBT Saxuur wanaagsan…
Farmaajo baashaal ayuu kujiraa rooble ayuu kudhextuuray reer unakaaleh iyo kabta iyo laxda war waa kuhaystaa mr rooble kkkkkkk
Land of PUNT
Sxb waxaan page hoose ku arkay adigoo leh magaca ixtaf hadii gadaal gadaal loo akhriyo waa fatxi
Marka waxaan umalayn af jinigii xamar looga hadli jiray inaad taqaanid hadaad taqaanid ciyaal suuq weyn baa tahay cay kama wado yacni qamarji weyn baa tahay kkkkkkk