|

Ciidamo ka tirsan Haramcad oo dib looga soo celiyey kuwa Taabacsan Mucaaridka

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa dib loogu celiyey gacanta Dowladda Soomaaliya ciidamo iyo gawaari uu lasoo goostay Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud oo xalay ku biiray ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran.

Arrintaan ayaa ku timid wadahadal dhex maray Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku sugan Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid ahaa Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-Cadaalla.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada la magac baxay Badbaado Qaran iyo xubnaha ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo ciidamadii iyo gawaaridii uu lasoo goostay Taliye ku-xigeenkii Haramcad Muumin Ciise Maxamuud, taasoo ugu dambeyntii kusoo dhamaatay si guul ah.

Taliye ku xigeenkii ciidanka Haramcad Muumin ayaa ku adkeystay inuusan dib ugu laabaneyn gacanta Dowladda Soomaaliya, wuxuuna isaga si rasmi ah ugu biiray ciidamada taabacsan Mucaaridka.

Ciidamadii la socday Muumin ayaa cudur daar ka bixiyey tallaabadii ay ku dhaqaaqeen, waxayna sheegeyn inaan lagu war gelin go’aanka soo goosashada islamarkaana ay aheyd wax ku kooban taliye ku xigeenka.

Dhismaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Muddo lasoo waday, Waxaana hada ay u muuqataa in Qaar kamid ah Siyaasiyiinta oo doonaya inay Berri dalka Hogaamiyaan ay Ciidamada kala qaybinayaan, Taasi oo noqon karta Jid cusub oo la furay iyo in Ciidamada ay Saamayn ku yeeshaan arimaha Siyaasadda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43283

Posted by on May 4 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Ciidamo ka tirsan Haramcad oo dib looga soo celiyey kuwa Taabacsan Mucaaridka”

  1. Rasalwasaare Kheyre oo reer Seedigiis ISAAQ
    Horjooge uga dhigteen Somaliland
    ( ugaba dhigan mahaan oo maaha Hawiye oo kalee )

    Hadduu isku dayo inuu Kursiga Hargeysa xoog ku joogo
    ( kuba joogimahayo oo waa reer TANAASULE)

    Oo uu haddana Wiilasha Isaaq ku weeraro
    Madaxweyneyaashii hore ee Mr Siilaanyo iyo Mr Biixi
    ( weerariba mahayoo Waa nin AMAAN GOBEED GARTEE)

    Miyeysan ONLY Ciidamada joogo Hargeysa
    ee Isaaq midba mar ka tageyn
    ( MACANGAG KHEYRE)

    * Farmaajo wuxuu MUDNAA BURISKA YAR
    ee BAASHE hayo ( Order Order MUJAAHIDIIN).

  2. Boowe iska sax kheyre xaaskisa waa mareexan cali dheere waana naagti waa hore soo jeedisay farmaajo inuu badalo kheyre laakin farta ka dhaga adegay ma aqano ninka 6 u dashay wexey u rabto in xilka laga qado

  3. Boqortooyada somaliya

    Manshallah, dhalinta somaliyeed Waa in laga ilaaliyaa in loo isticmaalo dano shaqsiyadeed bedelkeedana fursado shaqo dowladu u samaysaa.

    Mahad salaad iyo Xasan shiikh not happy about this.

  4. Walee sheekadiii, mucaarid aan ku biiray waa saqiirtay kkk
    Hub iyo gaadiid qaran Adeerkaa loola tago ma dhacaysa kkkk

    Adeer hub ii dhiib, Aduu meeshaad doonto Mar.
    Waa wax u bartay wax ay bililiqaystaan kkk
    Qaran dhan ayay naga liqeen.

    Gaadhi yar Turki na siiya lala carsrayaa.
    Deedna xaraashayaa.

    Waar Meeshan waa in laga guura a. Sidani aqli maaha.
    30 sano lol
    Walee aqli maaha in Meeshan la sii fadhiyo.
    Baydhabo noo xaadhxaadha.

    Dalmida

  5. Boqortooyada somaliya

    Bahal.

    Salaan ugaaaas, Ha ka yaabin in dadkani nidaam iyo kala danbayn aqbalaaan,

    Ninyahow Majeerten baa dadkan fahma iskuma luraan inay maamul wanaagsan u sameeyaan AMA xamar dibu Dhib ku sameeyaan sida siyaad barre AMA Farmaajo laakiin waxay lacag kaaasha siiyaan madaxdooda ileen Waa ummad lacag raadisee.

Leave a Reply to Mr BaHaL

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented