Midowga Yurub oo ku baaqay in degdeg Muqdisho looga saaro Ciidamada Milatariga
Muqdisho ( Kalshaale ) Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa ku baaqay in ciidamada militariga laga saaro magaalada Muqdisho, oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda.
Safiirka ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa twitter-ka ku sheegay in magaalada Muqdisho oo lagu kala qeybiyo maleeshiyo ama ciidamo amni oo ka baxsan qadka taliska aysan caawineyn shacabka Soomaaliyeed.
Berlanga ayaa ku baaqay in cid kasta oo dooneysa in kaalin togan ka qaadato doorashooyinka dalka ay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku taageerto shaqooyinkiisa muhiimka ah.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Axaddii 25-ka April soo galay ciidamo ka tirsan militariga oo sheegay inay diidan yihiin muddo kordhintii uu sameeyey Golaha Shacabka, kuwaas oo kadib ay dagaalameen ciidanka kale ee dowladda.
Inkasta oo Golaha Shacabka uu ka laabtay muddo kordhinta, islamarkaana ra’iisul wasaare Rooble uu ku baaqay in cidianka ay ka baxaan caasimadda kuna noqdaan xeryahooda, haddana weli Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Mucaaridka ayaa Wada Abaabulo Ciidan, iyadoona ay mar kale arintaasi ka digtay Dawladda Soomaaliya.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43261
Deg deg dhegahoodu kuwa gaaladay maqlaane.
Mucaaradkoo dhan waa in muqdisho laga saaro marba haday qoryo sitaan oo laga madnuucaa in aysan cidina qori danbe lasoo geli karin.
Ramadaan kariim.
Sheeko baralleey. Waa tan sheekadii buugaagta Afweeyne oo uu daanyeer Farmaajo isku database in uu ku dhaqmo, taas oo ah marrin habaabin, propaganda iyo igu sawir. Warkaan beenta ah, xataa hadii uu run ahaan lahaa, walaahi in aanan laga yeeleeynin ciidanka diidan in Somalia markale uu hooyadiis wasse Afweeyne ah oo kale uu ku ciyaaro in aanan laga yeeleeynin in eey harreereeynta eey ku hayaan daanyeer Farmaajo eey ka qaadaan.
Wax ciidan ah oo ka baxaya magaalada Mogadisha majirto ilaa la xaqiijiyo qatarta Farmaajo uu kusoo waddo Somaliya in meesha laga saaro.
Dalmida.
God bless Somalia 🇸🇴
Kkkkkkkkkkk. Warkasaa igu socdo, xogta kale ee aan helayo Waa mid somaliya farxad gelinaya,
Wallee Huuutuu baan turub (dowladnimo) baran🤣🤣🤣
Waxaan arkayey Dabshid oo leh yaaa IRIR aheey kkkkkk miskiiin Waa miskiin