|

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo Wafdiga Qatar kula Kulmi doona Kenya

Muqdisho ( Kalshaale ) Waftigii ka socday dalka Qatar ayaa magaalada Muqdisho  la kulmay Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxwyanaha, iyagoo horey ula kulmay mas’uuliyiinta ugu sarreysa dawladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa loogaga hadlay arrimaha siyaasada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya, Waxaana sidoo kale ergeyga dowlada Qatar uu u xaqiijiyay musharaxiinta in xukuumadiisu ay dhexdhexaad ka noqon doonto arrimaha siyaasada dalka,balse xukuumadiisu ay ka go’an tahay inay taagero siiso shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in ay todobaadkan Nairobi-Kenya, kula kulmaan Ergeyga Gaarka ah Qadar, Mutlaq Al Qahtani oo dhexdhexaadin ka dhex wada siyaasiyiinta Soomaalida. -Sida ay ii sheegeen Ilo-xogogaal ah.

Ergeya ayaa  horay ula  kulmay madaxda Somaliland, halka uu Muqdisho la kulmay madaxda dowladda Federaalka iyo  Hoggaamiyayaasha Mucaaridka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43236

Posted by on May 3 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo Wafdiga Qatar kula Kulmi doona Kenya”

  1. Waa tiiyo lax qalatay baan maqli jiray… Hadda waa kuwii oo garawshiiyo ka helay beesha Lixaad, hadday walamadii bilaabayaan iyo qaraab taggii…

    War yaa islaam ah?… Soomaali ka shacab ahaan waa isku dan lkn Dallaallada ayaa u diiddan in dawlad hesho, kurtoodna waa shaqaale u shaqeeya shisheeye…

    Meel fogba ha ka dooni tusaalaha…

    Labadan halgankooda waxaa marmarsiiyo u ah Federaal iyo Xamar la iskuma hallayn karo mar danbe, isla kuwii Xamar joogay ee ay isku hallayn waayeen ama ay baqdintooda darteed Federaalka iyo kala qoqobka ugu dhagganyihiin bay haddana xulufo la yihiin oo u dagaallamayaan, oo leeyihiin waa in ay iyagu xukunka qabtaan si aan annagu u helno R.Wasaare?????… Bal si fiican ugu fiirso beenta iyo jah wareerintaas iska cad…

    Ka soo gudub qolyaha Xamar waxay masaakiinta ay xaabada ka dhigtaan ku dagaal galiyaan Oday Daarood la dhaho oo ciidan juuj iyo wamaa juuj ah wadta oo duullaan ku soo ah oo haddayna ka hirtagin halis ah in laga aarsado 91 kii ay qarka u saaranyihiin, isla markaana 2dan waa Dani iyo Madoobe waa u xulufo candhuufta isku darsadtay iyo dhiigga… Again been cad iyo marin habaabin…

    Muuse Biixi beeshii isxaaq buu isna la hortaaganyahay ruwaayad la dhaho IRIRISM iyo Hayaay Daarood iska eega waa cadawgiinna 1aad, Hawiyena waa kiinna 2aad, misna waa kan hadda Garbka ku haya 2dan kooxood ee uu shacabkiisa ku dagaal galiyo ee uu ugaga dhigayo in ay yihiin qatar ku soo fool leh… Iyana been iyo marin habaabin cad…

    Markaad u fiirsato waxan 30ka sano na hir taagnaa iyo macal shabaabkooda waxaa kuu soo baxaya in ay yihiin, maafiyadii Cosa Nostra ee dawladda iyo shacabka Italy Italy muddada qarniga ku dhow ceegada ku haystay, oo jid iyo jiha u diiday…

    Dhaqanka maafiyada waxaa lagu gartaa in ay laayaan labeenta bulshada, aqoon yahanka, codkarka, dad wanaagsan, waxay kale oo isku ballaariyaan ilaha dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka oo kaligood isku koobaan, cidii kale soo hawaysatana way ku jihaadaan, waliba iyagoo kala kooxo ah bay u midoobaan…

    Isku soo wada duub oo waxa uu shalay Odagii 80 jirka ahaa ee |Muuse Suudi ku hadlayay marka aad dhuuxdo waxaa kuu soo baxaya fasirka dhabta ah ee kooxaha Soomaaliya afduubka ku haysta iyo inaan hal daqiiqo oo danbe la eegan karin ama la sugi karin in ay dalkaan sidaa cunaha usii hayaan…

  2. Kkkkkkk

    Qatar maxay waqtigan somaliya ka soo dontay? sow ma ahayn ragii lacagta ku

    Bixiyey dhiigi ku datay baydhabo , jowhar , beledwayne, dhulmareeb guriceel

    Gedo , iyo muqdisho sow may ahayn dowladii indho la.aanta ku tageertay inqilaab

    Doon mase og tahay inay tahay dowlada keliya ee tagertay 2sno ee ku darsiga oo

    Aan ka hor iman war Qatar somaliya ma tagerto ee waxay tagertay shaqsi inqilaab

    Doon ah sow ma aha dowlada donaysa ceelasha bada somaliyed ku yaala in

    Uhuru wax laga siiyo war hala kulmina ee iska ilaliya dhagarta ninka shukada wayn

  3. Oo hadda Qadar ma waxay casuuntay
    Maamuladii Kablalax

    – HAL BURAANBUR IYO AMAAN
    ka qasaarisey CBB.

  4. Dowladdii hore ee XILKU ka dhamaadey
    oo Xiriirka u jartey
    QUUDIYAHII HORE ee
    Qatar Qatal

  5. Waxaa jira ergay uu Mareykanka usoo magacaabay geeska Africa( Horn Of Africa).
    Waxaan dhagaystay asagoo leh Wadamada IGAD waxaa awoodoodii daciifiyey sadex Dictators kuwaas uu ku sheegay Abbiy Ahmed, Farmaajo iyo Afeworki !

    Wuxuu ergaygaa sheegay in Wadamadan ay ku xiran yihiin yacni influence Carabta Sidaa daraadeed uu kala xaajoon doono ama u isticmaali doono Shan Wadan. Kuwaas oo kala ah Qatar 🇶🇦, Egypt 🇪🇬, Saudi Arabia 🇸🇦, UAE 🇦🇪 iyo Turkey 🇹🇷.

    Maalmo kahor inta aan la shaacin Ergayga Qadar usoo diri doonto Soomaaliya Ayaa waxaa tagay Qadar ergayga Maraykanka usoo Magacawday ( Horn of Africa) Mr Jeffrey Feltman.

  6. Ajaanib jecelaaaa kkkkk
    Orod ayaa lagu tagayaaa Nairobi.
    Abiye Axmed ayaa soo eryay kkkķkk
    30 sano ayay Adis ku laba noqon jireen.
    Abiye na dhaafa ku yidhi kkkk albaabka ka xidhay.

    Intaa u dhaafi maayo.

    Dalmida

  7. Mr bahal
    Markuu mid xidhmo midbaa furma hedee anaku mabaweyno albaab waxay kamid tahay dabeecadaha soomaliga qeyb isbaaro iyo mooryaanimo qeyb shisheeye jacayl

  8. Dabshid
    Waryaa ama sida garqaad furunta tag ama buraanburka jooji ilkayar wali viila ayey joogaan
    Kkkkkkkkkkk

  9. Gaafow

    Kkk
    Aduu waxaad tahay dadkii xigmada kk
    Waa sidaa aad sheegatay.
    Dameerku ma waayo wax rarta.Sariimadii ayuu isgeeyaa.

    Axmed Laangadhe,muxuu rabaa?
    Lugta waxaa ka dhaawacay xabad lagu soo riday.Odaygu waa Mooryaan isnacay.

    Kkkkk

    Waar in Cabdi Ilay loo geeyaa kk

    Dalmida

  10. Qatar in lala kulmaa waa xaaraan.
    Waxaan kula talain lahaa Deni & Axmed inay iska diidaan kulankaas.Shuruudda la kulankooda waa inuu ahaadaa joojinta dhaqaalaha iyo taakulaynta ay siiyaan Shabaabka dahsoon ee Villad fadhiya iyo midka dibad joogga ah ee duurka ku jira.

Leave a Reply to Hobyo Godan

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented