|

Kenya oo dib uga Noqotay Go’aan Saamayn ku yeelan lahaa Soomaali badan !

Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u dhigtey xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma illaa dhamaadka bisha Juun ee sanadka 2022-ka.

Qorshahan cusub ayay dowlada Kenya u gudbisay Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa mar sii horreysay sheegtay in ay doonayso in aan si qasab ah dib loogu celin qaxootigan.

Hay’addu waxay sidoo kale dooneysaa in la siiyo habab kale oo ay ku joogi karaan qaxootiga ka socda Bariga Afrika Community (EAC).

Dhawaan ayaa maxkamada sare ee Kenya amartay in la laalo amarka dowlada ee ah in la xiro xeryaha. 23-kii Maarso, Kenya waxay u sheegtay UNHCR inay ku dhawaaqdo qorshe ku saabsan xiritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma laba toddobaad gudahood.

Hase yeeshee Hay’adda waxay sheegtay inaysan jirin wax caddeyn ah oo ku saabsan khatarta amni ee sii kordheysa ee ka imaanaysa xeryaha Abriil 2021.

Kenya ayaa inta badan ka dhigata Mashruuc Xeryaha Qaxootiga, Iyadoo la og yahay dhaqaallaha ay ku hesho, Hadana waxay dhowr jeer soo saartay go’aano ay ku sheegayso inay xidhayso, taasi oo loo arko inay dhaqaalle kale ka samaynayso.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=43104

Posted by on Apr 30 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Kenya oo dib uga Noqotay Go’aan Saamayn ku yeelan lahaa Soomaali badan !”

  1. Kenya,na suga waan soo qaxanaa mar kale.

    Dalmida

  2. Sax…xeryihii waa diyaar. Ee ha loo yaaco. Arintaa waxaa kelifaay MOORYAANTA siyaasadeed ee Mogadishu, kismaayo, ee meelo kale jooga

  3. Kama noqon ee dib ayay u dhigeen, xiryahana 30-06-22 ayaa si kama dambays ah loo xidhayaa. Dib u dhiga waxaa keenay markii ay hay, ada UNHCR ee Qaramada Midoobay Kenya ka codsatay inay ka noqdaan go,aanka deg dega ah ee ay qaateen wakhtina siiyaan si qaxoontiga loogu celiyo dalkooda.

    Xaqiiqdu waa taa!

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented