|

MUUQAAL: DF Somalia oo Jawaab kulul ka bixisay Warkii kasoo yeedhay Midowga Afrika + Kenya iyo Jabuuti

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey in Midowga Afrika ay Ergey u soo diraan Soomaaliya si uu door uga Qaato Arimaha doorashada, kadib Xeerka arimaha doorashada ee Baarlamaanku uu meel mariyey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Balse  Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe DF Soomaaliya Waxa uu Su’aal geliyay qaar kamid ah go’aannada ka soo baxay Golaha Nabadda ee Midowga Afrka.

“Ma jiro urur cambaarayn kara go’aan Baarlamaan, mana soo dhoweynayno arrintaas, sidoo kale qodobka ku saabsan ciidamada ee Midowga Afrika, waxaan u aragnaa mid ciidanka niyad jebinaya, Amisom xaq uma laha in ay dabagal ku samayso ciidamada Qaranka”. ayuu yidhi dubbe.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale  sheegay in Qabka iyo Sharafta Ciidamada Soomaaliyeed uu hoos u dhigayo war murtiyeedkii kasoo baxay Gollaha Nabadda ee Midowga Afrika kaas oo lagu yidhi “Amisom ha la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada Soomaaliyeed.” Wuxuuna tilmaamay inaan la aqbali doonin, uuna yahay mid  taageero siinaya  Argagixisada.

Wasiir dubbe ayaa sidoo kale Nasiib darro ku tilmaamay in Jabuuti ay garab u noqoto Cadowga Soomaaliya ee Kenya, wuxuuna tilmaamay in kursiga ay hada ku fadhiday Jabuuti ay Soomaaliya Xaq u lahayd balse ay iyagu u daayeen walaalkooda jabuuti.

“Soomaaliya ayaa xaq u lahayd in ay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Siyaasadda ee Midowga Afrika, lakiin walaaleheen Jabbuuti ayaan u daynay, maantase kama filayn in kursi ay fadhido na lagu dhibaateeyo”. Ayuu yidhi Dubbe.

Waxaa sidoo kale DF Soomaaliya ay soo dhowaysay Warka kasoo baxay golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, Waxayse tilmaantay inaan dib loogu noqon karin hada Shirkii arimaha doorashada, maadaama uu Baarlamaanku go’aan gaadhay.

Wuxuu ugu dambayntii Xusay  inaan mardambe meel arimaha Soomaaliya looga hadlayo aysan door ku yeelan doonin dal ay is hayaan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42814

Posted by on Apr 24 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

38 Comments for “MUUQAAL: DF Somalia oo Jawaab kulul ka bixisay Warkii kasoo yeedhay Midowga Afrika + Kenya iyo Jabuuti”

  1. Kkkkk Dubaa laga dhawaajiyey markale,
    Maskiinkan laga dhawaajinayo mar walba dhib baa haysta.

  2. Hadii bariiskaagu uu galo inaa guulwadeeyso, markaa qayaar malihid, markii la doono ayaa lagu dhahayaa dhawaaq.

    Waa sida Ilma-Gareen haysata, wax qayaar ah ooy leeyihiin malaha oon ka aheyn inay Farmaajo iska daba socdaan, waxay ogyihiin kuraasta ay ku fadhiyaan in dhiig loo daadiyey, haday amarka qaadan waayaana meesha laga burin doono.

  3. Farmaajo wuxuu haystaa Dubbe/ Buris, wixii problem arko wuxuu Farmasjo jeclaan lahaa in musbaar noqdaan.
    Adiga Dubbe haystaan ma musbaar ayaad ka baqin…kkkkkkk

    If you had a hammer all you problems should look lika a nail. Kkkkkk
    Dubbe ayaa dhawaaqay…Somalia intee u socotaa…🤔

  4. Ururka Midoowga African.
    Waar hooy naga jaqaafiya.
    Midowga Daayeertaaa quustay.

    Yur dhaha wixii soo faragaliya arimaheena kkk
    Hoose.

    Somaliya waxay ku jirtaa gacanta wadaniga Somaliyeed.
    Dhashii Kacaankii Jaale Siyaad,Aun.
    Gacan ammaan ah.

    Waxan dad Gob ah oo Guni rifaysaaye.
    Dalmida

  5. Kkkk ninkani wuxu isasoo xaauusiyaa marku hadlaba wasiirkii warfaafinta ee Saddam Hussein ee la odhon jiray AL-SAXAF .. Oo maal mihii ugu danbeeyay wareeriyay saxaafada calaamka!

    Ayaamahiinu waaa gabaabsi!

    😂🤣😂

  6. Boqortooyada somaliya

    Waxaan rabaa inaan ummada somaliyeed u bidhaamiyo arrin muhim ah oo aanay dadka badidiisu la socon ama ku baraarugin.

    Horta ururka Afrika wadan ay talaabo ka qaadeen maaragteen, sida inqilaabkii masar, Sudan, dilkii madaxweynihii Chad ee Isla markiiba wiilkiisu boobay kursiga.
    Arrinta aadka u mihimka ah ee tan soomaalida shabahdaa Waa tii itoobiya ee abiy ahmed loogu kordhiyey 2 sano .
    Dhinaca kale Waxaa jira madax weynayaal 30-40 sano xukunka iska haysta sida yuweeri musveni(uganda). Ismacil c geele(jibuiti) afiwergi(eriteria) idiris (Chad) South Sudan, Algeria, simbabwi iwm.
    Markaa wax ay samayn karaan ma jirto Waxaa keliya ee loo baahan yahay Waa in madaxweyne farmaajo ku adkaysto go,aanka baarlamaanku gaaray walaahay guul wax aan ahayn meeshaa Kama soo socoto laakiin wixii caada qaatayaasha ahaa uun baa maalmo lagu maaweelinayaa .

  7. Dadbaaba jecel in ciidanka amisom ay soomaaliya ciidan unoqdaan xitaa 1960 kuwaa u ooyayay talyaaniga iyo ingiriiska oo lahaa hanaga taginina hada noocii waa lahayaa waliba kasii liita kuwii 60kii sida axmed kuukuuyo aaranjaan group hotel jaziira group waxaa la arki jiray qof gumaysiga kadagaalama ee xagee lagu arkay qof gumaysi u ooyaya

  8. Dad baa waxay isleeyihiin teendhadii afisyooni ayaa lagu laaban doonaa waa calaacashaada oo timo kasoo baxeen goaankii baarlamaanka wax kadanbeeya majiri doona
    Beesha caalamka ayay baratay ha lays arko

  9. Melez ma dhimane,wuu dhuuntaykkkkk
    Ogaadeen Somali mahee waa dad Afka Somaliga bartay kkk
    Maxaan Nacasnimo u soo joogay.

    Somaljya way bugtaa oo Kenya ayaa dawayn kardha kkk
    Kenya dawlad ha noo dhistokkkk

    Walaalaheena Ethopiya ayaa Highway iyo Airporst inoo dhisaya.

    Dalmida

  10. Yaan go,aanka baarlamaanka wax aan ahayn la raacin bal gaaladu waxay samaynkarto hasamayso.Ciidanka Xooga Dalkanu haddii ciidanka gaalada ee waddanka ku sugani isku dayo inuu soo farogeliyo iyaga hakaga bilaabaan shacabka soomaaliyeedna hiil iyo hooba wuu la garabtaaganyahay ciidankooda waxaanaynu u qaadidoonaa”Dhulka saw anigu ma lihi Ciidan saw anigu malihi ninkii dhoof ku yimidbay geeridu dhibaysaa”.

    Muj Dube Burco aad baanu kaaga taageersannahay adiga iyo dawladaadaba.

    Geeshkaygoow guulaysta.

  11. Soo banaaxiye bal hadda muxuu noo sheegay.? Halse waan ogaa qodobkii 12Aad ee ah in maleeshiyada Farmaajo dhaq dhaqaaqooda lala socdo uu ku noqday nabar lama filaan ah.
    “Allow Koongooy maxaa noo kaa geeyey”

  12. Dhab hunguri

    Waad is sheegtay in magaca iyo adiguba isu eegtihiin
    Caqligaagu was kaas dhulkaagii idoor wagashle ugu kala ordaysaan hunguri lee waaye waxaan kuu sheegaa barlamaanka isba caravan ku jooga suu sharci usoo saari caqli dhuloos iyagoo lahaysto dhulkoodiina lagu maamula ayay jiko kale ka shaqaynayaan

  13. Dube oo uu Farmaajo ka dhex hadlayo wuxuu inoo sheegay in ay soo Dhawaynayaan go’aanadii kasoo baxay Golaha Amaanka iyo kii Maraykanka Laakiin ay diidan yihiin Golaha Nabada Africa labo qodob kuwaas oo ah kii ay ku Diideen kudarsashada Parliament 2 da sano iyo in lala socdo dhaqdhaqaaqa Ciidamada Soomaalida !

    Sidaad wada og tihiin Dawlada Mareykanka waa ay ku raacday war bixintii Golaha Nabada Africa marka sidee buu Dube oo Farmaajo ka dhex hadlayo ku diidi karaa Warkii kasoo baxay Golaha Nabada Africa kuna yeeli karaa kii Maraykanka? Maadaama ay isku mid yihiin oo nin uu hadlay nin kalana ku raacay saw marka isku Rayi isku mid maaha? Sidee markaa ku oran kartaa midna waan ayid sanahay Midna waan qoonsaday oo waan diidanahay !!

    Neef gowracani geedo kama waabto miyaa sheekada in gidaarada madaxa lala Dhaco. Mar marsiiyana laga dhigto Djibouti 🇩🇯 iyo Kenya 🇰🇪.

  14. Hadaa aragtaa qof ay Dube & Jeesoow difaacayaan, waa qof rajo beel ah!kkk kkk kkk

    @Mujaahid sOmalilander, welcome back brother.

  15. Somalilander

    Kkkk

    DUBBE BURIS VS Mohammed Saeed AL- SAHHAF

    Wasiir Dubbe oo Xiriirka u jarey
    Wasiirkii Warfaafinta EE SADDAM HUSSEIN

    Daaroodku wuxuu Xukun jaceylka
    ka soo copycat CARABTA

    ilmo BAABU-YEMEN BINU JABERTI binu MAKKEL

  16. Somaliyeey madaxda Somalidii hore wey xurmayn jireen xitaa haddii ay kala aragti duwan yihiin. Laakiin, Somalida la dhaqan bedelay, waxay la soo baxeen dhaqano cusub rag iyo dumar, xishoodkiina ka tage. Deni intuu Kenya tegey buu yidhi Somaliya wey buktaa Nairobi ha lagu daweeyo, dadka iyo deggaanka uu xukumo kumay qabsan khaladkaa oo kumay mudaharaadin wey la qaateen edeb darada uu ku beecinayo iyagoo soo taagaan dal iyo dad. Muuse iyo kooxdiisa heego iyagu waxaa ku filan in afka iyo caloosha loo buuxiyo iyo in wax yar la siiyo oo carabtu iska adoonsato.

    Intiina Dube u aragta cadaw, iyagoo hunguri ku colaadinaya, fadlan Dube isagaa maanta wasiir/madax inoo ah oo ku hadlaya afkii dawlada iyo afkii dalka iyo dadka. Farmaajo waa astaan qaran, qofka u gefaa inta uu xilka hayo, waa qof ku xad gudbay sharaftiisii iyo Somalinimadiisii. Madaxda aynu doorano mid hore iyo mid danbe ee aynu u ogolaano inuu noqdo astaan qaran shacabku xaq bay ku leeyihiin, iyaguna xaq bay shacabka ku leeyihiin, masuulka astaanta qaran sitaa waa inuu u cadaalad sameeyaa/falaa dhamaan inta uu madaxda u yahay, waa inaanu xaqooda si sahalan isaga qaadan oo u boobin sidii hadda ka hor soo dhacday, waa inaanu sharafta shacabka wax wax u dhimaya samaynin oo uu ka fogaado, waa inuu sida aabe wanaagsan ilmihiisa ka dhawraya xumaha u wada ilaaliyo shacabka, uuna noqdaa amaano haye aamina.

    F.G
    Xasan shiikh, Shariif sheekh Axmed iyo inta durbaanka u tumaysa, dalkan Allaah ug dhawrsada inaan ilaahay cudur aan dawo lahayn idinku imtixaamin. Qabyaaladii dalkeena burburisay ee carabuhu ku lacag bixiyeen sida dagaalkii 4biloodka Xamar, kii suufaloolka Hargeysa-Burco-berbera iyo kii saliid ee Boosaaso. Ee la lahaa halaga caafimaado ayay qandaraas hor leh ku soo qaateen burbur hore leh, gaar ahaan kuwii dalka lagu aaminay ee gaadhay astaanta qaran. Waxay rabaan shacab iyo ciidan in dib loogu noqdo qoqob iyo qabyaalad oo dalku burburo iyana ay dilaalaan dawladaha raba khayraadka dalka. Sidoo kale kuwiina taageersan fisha amar Allaah idiinka yimaada.

  17. Gobolada Puntland iyo Jubbaland ma yeelidoodaan Xamar Unukaa leh in Hawiye yiraadaan iyo goboladiinana soo dumiya iyo maamulada aad samaysateen…taas waa aqliga Daanyeer Farmasjo oo cidna ka yeelayn…👊
    Free, federal and democratic Somalia ayaa loo socdaa…
    Aniga iyo saaxiibaday oo ii shaqeeya ayaa dal dhan xoog ugu talin, waa habar aqli riyootay.
    Car Baraxley iisoo dhaafa…..🤒

  18. Jabartigu Carab maaha.
    Jabarti waa kooxdii Ugu horaysay ee Islaamka qaadatay Geeska Africa. Somalidii hore.Gaar ahaan dadka maanta la yidhaa Dir iyo Daarood Awoowyaashoodii hore

    Jsbartigu,marbuu taagnaaa heerka uu taaganyahay Somali.Magac guud .
    Umado ku bahoobay Islaamnimo.
    Ninkasta oo ka taga dhulwaynii wakhtigaasi ee ka koobnaa shawa to Bssaso wuxuu ahaa Jabarti,sida uu maanta u yahay Somali.

    Magacii guud ee Jabarti wuu jabay,13 Century.

    Waxa ku dhacay xanuunka maanta haysta Somali ee huusta ka madhan.
    Dusha ka somali hoosta ka Hawiye.Dusha ka Hawiyd,hoosta ka Abgaal.
    Dusha ka Abgaal hoosta ka Wacbuudhan.

    Intaasi waa aqoon aan idiin kordhiyay oo ku saabsan been fakatay oo runtii soo qabatay.
    Jabarti waa sidaa aan idiin sheegay.

    Dalmid

  19. kkkkkkk groupka farmajo wey idin ku dad santahay oo melkasta ka so xir madey umada somaliyad waxa ushegaya group farjamo guma daharada iska cariya wa tuug farmajo iyo waxu wado somaliyey melkasta ad jogdin iska qabda groupka farmajo oo melkasta laga nacey wa argasani beenta iyo nahabnimada mesha la fadhiyan somaliyey waxa idin shegaya melkasta ad jogdin ninkan farmajo malin iyo haban waxuu waca ma mul gobalada odayasha habraha gabdhah dhali yarda caruurda intas waxu wu wacaya rab shado iney samayan bana baxan kwrn intas waxu usamanaya inu dhibado ka samayo ma mul gobolada inu isku diro dadka iyo dowlada is dagalan waxa kala gama shaqayan group farmajo mar labad umada somaliyad melkasta ad jogdin waxa idin shegaya dagal hala sararo xamar group farmajo iyo 10 tuug oo wado kow kayahay geele xusan ceydi jeesow dube cumar fishi iyo fahad yasin iyo 3 gala xab halo ka saro xamar bye

  20. Wiil weriyaa ayaa suaal waydiiyey.
    Kulahaa adigu kii aroosyada duubi jirey sow maahid?
    Waa ciyaala suuq qayru masuul ah.
    Waa niman markii meel walba kasoo oodantay weraxsan,xitaa wariyayaasha iyo qofkii suaal ay dhibsadaan waydiiya dhiiqay ku saydhayaan.kkkkkkkkkkkkkkkkk
    Djibouti ayay kaga dhegentahay maalmahan, iyada oo aynu ognahay in dhammman wadamadii meeshaa ku shiray ay isku raaceen in la cambaareeyo muddo kordhintii oo anay aqbalayn marka laga reebo Ethiopia.
    “Allahayow la kala miiranyee Mililikh hana raacin”

  21. Dubbe wuxuu yiri; Gacantii Maroodiga ninkaan galab kasii daayey, asna gows libaax igu riday ayaan gacalkay moodaayey!!!!!!!

    Walaalnimadii shacabka Somaliyeed oo Dhibouti ku nool iyo shacabka Somaliyeed ee Somalia ku nool ayaa la kufsaday…..run
    Djibouti dowladda Farmasjo waxay ugu tagtay colaada dhuleed ee kala dhacaysa Eriteria, marka qofkeebaad gacal moodaysay oo gaws libaax ku geliyey.

    Djibouti waa ogtahay in siyaasadda wareersan Somalia ka socda ahayn sheeko Djibouti iyo Somalia dhextaal…Dubbe Dhuusay iga dheh.😏

  22. Breaking News

    Too late Mr Farmaajo, hadalkaadu

    Ha fiirsan haddaad tahey
    MM CBB

    https://www.facebook.com/watch/?v=282994673448112

  23. Alla meesha maxaa cabaad iyo calaacal ka socda haraadigii tigreega iyo jawaasiistii oo dhawaaqaya midawga africa soomaliya qabanaya waa soo caqliga jawaasiista iyo dabadhilfyada ninkii aabihii iyo awoowgii jaajuus ahaa isagana maxaa laga filanayaa,waa in shaqadoi aabihii jaajuusnimo,wallaan dalkaan somaliya aan taladiisa iyo hogaamintiisa aan loo daba fariisaneyn shisheeye ha cadaado ama ha madoobaadee ee kuwiinaan u mashxaradaya shisheeyaha ilmada ceshada dalkaani waa xor cid wax laga weydiinayana ma jiro.

  24. Somalia somali baa leh kukuuyo ilmo xaraam ah oo wadankayaga iyo sidan u maamulanayno nooma yeerin karaaan,madaxda dowlada waxan u soo jeedinaya haka yeelina in arimaha gudaha somalia la soo faro galiyo hadii maanta aad ka yeeshiin barina wax ka daran tan maanta bay inagu samaynayan usheega ,isnot business as usual,sidii foosha xumeed eed somalia ula dhaqmi jirteen wax wayn baa iska badalay. kii aan rabin in sida somalida iyo madaxdeedu doonayan wax u socdaan dalka hanoo dhaafo oo u ugu horeeyo ismaciil omer ,,wan haysana maanta ciidamao nagu filin oo dalka iyo dadka ilaaliya kuwan amazon ee dalka joogana hore usii wara ,hadan usoo noqdo qoladan halkan wax kusoo qorta ala maan idinla yaabay nin somalia ah oo wadan kale qaxooti ku ah oo haduu doono islanti eriday oo oo ma shaqayste ah oo noloshiisi oo dhan ay ku soo ururtay inu wadankiisi macaarid ku noqdo waa mid subxaanlah shaqsi waa la mucaaradi karaa lakiin marka wadankagi la soo faro galiyo waxa wanaagsanan laheed in muxaafid iyo mucaridba loo midoobe, somalia way ka gudubtay markii farta loogu yeedhi jirey no more gabra,hala idinku dhaarto in aan cid danbe oo shisheeye laga yeelayn in ay wadankena soo faro galiyan

  25. hore ha usii watan

  26. Suldaan Laalays…mahadsanid indr…waad Ku mahadsantahay soo dhoweyntaada ..alxm indr..wali waan noolahay!

    God bless Somaliland!

  27. Dabshid

    War heedhe dee dulqadkiini waabaa nagu fogadeee…..adeeer nagasoo afjara reer QURRAC….wixii intaaa dhaafsani pensioner kabadane…..

    Reer QURRAC waaad ogtahay in THE ONLY LANGUAGES ay Ku hadlaaan xabad afcas tahay.

    Anakaba waaan Ku duminay markuu WARAABAHU galay gurigayaga oo ka baryo kaga bixi waayaye…the only SOLUTION!

    God bless Somaliland!😎

  28. Waligeed & alaheed lama arag meeel DAAROODKU si dhib-yaraan ah Ku wareejeen madaxtinimada …UNTIL OR UNLESS….xabad afcas ah lagaga saaro…

    Hawiye iyo Farmaajo hays barteen….ISAAQ & AFWEEYNE BARE 30 Sano kahor is barteenee!

    God bless Somaliland!

  29. Dayuus

    Alaylehe adaa magacaaga iyo caqligaaaga caantaynay Ka ahi isi egyihiin reero kaa gobsan oo kaa sharaf badan ayaad isku dhererinaysaa

    Dayuud waaxid

  30. Sixid LUUQADA qudha eee lagugalaa hadlaaa tahay XABAD AFCAS!
    _

  31. Suldaan Kahin

    Hayska qadhaabtee maxaynu horta Ku haysanaa…ilayn kolayba canshuurta eedo batuulo kuli habar dugaagba waaa cunayaaye!

    Kkkkkkkkk

    • Boqortooyada somaliya

      Daauus

      Wuxuu noole daawado daausku Waa kow waxaase loogu daw galay nabar aan dawo lahayn.

      Horta hadaad gabadh tahay xaal qaado, hadii kale inaad qof aan rag ka dhex kaftami karin tahay maxaa meesha arrin guud oo somaliyeed looga hadlayo keenay cayda iyo aflagaadada, intaadan qabiil wax ka sheegin is cadee yaa tahay ma Oromo mise Somali qabiilkee raganimadu waa sidaas.

      Mida kale hadii Reer Shiikh isxaaq ciidan HIILWALAAL usoo diro dhulbahante maxaa wanaag ahayn oo ku jira kkkkkkkk sida jibuuuti ileen somaliland Waa dowlad ka awood badan jabuuuutiye, kkkkkk

      Dhulbahanteba ciidan wuu I diraa mar kastoo isaaq isku qabsado systemka
      Ka dhex bax dhulbahante iyo isaaq walaahay iyagaa isugu xiga Somali,

  32. Inamada reer waqoyi ee cadifada qabiilka madax martayow faraha kala baxa

    Arimaha villa somalia ka socda cidan doranayno iyo cidan cayrinayno idinka waxba

    La idinka waydiin maayo waxan la hadlaya inamada iidoor not reer waqooyi

  33. Wasiir Beyle Sagxad baan fadhinaa caawa shilin khasnadada dowladda kuma jiro lacagihii sanadkii hore August baa nalaga jaray.
    Dhawr bilood ka hor wuxuu noo sheegay 500 milyan in la siiyey lana filayo inay helaan 200 milyan,Waa cajiib waxaa oo lacaga meesha ay geeyeen tuugadaasi

  34. Daauus
    Soo dhawoow, magac gadheed wadataa.
    Ixtaf meesha kaaga soo horeysay u malayn.
    Nimankaan Iidoor waa kugu soo xoomin haddaad Sool ama Dhuloos ka hadasho…kkkjkkk
    Bal adba, kkkkkkk

  35. Jabhad

    Maxaa tidhi Faraha Kala baxa waad la wayday 30 years kii udanbayeeyey Saanu Faraha ugula jirnay ayuun baanu ugula jiri intuu Vila warshiiglay fadhiisanayo mid baariya oo qaada (Samo kuwaar)heesta calanka jamuuriyada barakaysan

    Mogadishu is a play ground and somaliland is playing along

    Abooto batuulaa yaabtay

  36. Waar aarmaajo caadiba maa Maaha ciidamada uu la hadlayaa kuwa isaga iyo cronies kiisa parliament Ku sheega ilaaliya Maaha .
    Beesha lixaad iyagaaba masruufa

    Waa cawaan is Indha tiraya the bottom line is hadiii nin kuu masruufo xaaska iyo caruurtaada talada gurigaagana wax buu Ku yeelanayaa

  37. Caaway xaalka Muqdisho waa ka daray markii Ciidamadii Hiraab oo wata Boqol Gaari ay gudaha usoo galeen xaafado ka mid ah Waqooyiga Xamar qaar kalana ay Jidka kusoo jiraan ayagoo ka yimid Shabeelooyinka marka Ninkii diiday in uu xilka Si nabad ku wareejiyo caaway waa loo yaabaa.

Leave a Reply to hodan

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented