|

Madaxwaynaha Cusub ee Jabuuti iyo Natiijada Doorashada oo lagu dhowaaqay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, kaddib markii uu helay 98.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan uu kusoo baxay Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42177

Posted by on Apr 10 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Madaxwaynaha Cusub ee Jabuuti iyo Natiijada Doorashada oo lagu dhowaaqay”

  1. ASC

    AR NIN DOORAN DOORO XAW DHAHDEEN DADKASE XAW DANBAAJISEEN.

    Waxay I soo xusuusisay doorashadi kacaanki habaarnaa iyo XHKS. Zakariye maxlal buu ahaa.

    Hal la qalay raqdeedaa
    Lagu soo qamaamoo
    Qalalaasihii baa
    Nin ba qurub haleeloo
    laba waliba qaybteed
    Qorraxday ku dubatoo
    Qoloftiyo laftiibaa
    Lagu liqay qallaylkee
    Qosol wuxuu ka joogaa
    Qubannaa danbeeyee
    Weli qaba hamuuntee
    Buuraha qotada dheer
    Ka arkaaya qiiqee
    Qarka soo jafaayee Hadraawi

    Hada qosal waxa uu Ka joogaa kuwa mas’uuliyiin Soomaali sheeganaya ama siyaasiyiin baa nijaaskaas u hambalyeun doona.

  2. Sixid u hambalyeyn doona

  3. Caqli xumada Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu xataa garan kari waayey inuu yidhaahdo 55% ama 60 iyo wixii la mid ah ayaan ku guulaystay doorashadii dadweynaha.

    Kulahaa 98.41%
    Doorashadii tan ka horraysay 95 iyo siyaado ayuu sheegtay. Ta imminkana waynu aragnaa.
    Laakiin yaa horta la tartamay? Qofna!
    Natiijada uu sheegtay ayaa caddaynaysa inaan cidna la tartamin, shacabna codayn. Waxa u codeeyey waa shaqaalaha xafiiskiisa, isaga iyo Khadra Xayd. Nayiijadana waxa qorayey mid uun iyaga ka mid ah oo la yidhi waxaad tahay wasiirka aqalka madaxweynaha iyo dhadhamiyaha cuntada Madaxwaynaha.

    Dhib malahan kollay imminka qabri ayaad kulaalaysaa, reer Jabuutina samirkooda waa looga cawil celin.

  4. Dadka qaarkii waxay ku leeyihiin maxuu dagaalka ooga qarxay Soomaaliya? Oo hadii 21 sano hal xisbi kaligii doorasho qabsanayey oo uu lahaa doorashadii dhacday annagaa ku guuleysanay 99% markaa sideeysan wadankaa dagaal ooga qarxayn ?

    Hada Ismaaciil Cumar Geelle laga soo bilaabo 1999 ilaa maanta oo laga joogo 22 sano ayuu ku leeyahay anaa doorashadii ku guuleystay, hada wax la tartamayba ma laha, keligii talisku ma tago ilaa xabadu korkiisa ka dhacdo.

    Waxaa kaloo la yaab leh Villa-Wardhiigley iyo taageerayaashoodu waxay ku leeyihiin wadanku horumar buu gaaray, waxbaa isbedelay, doorashaa la qaban iyo waa la duulay, aduunkii, caalamnkii oo dhana waxay soo qorayaan waxaan ka welwelsanahay xaalada Soomaaliya xag amni, xag dhaqaale iyo mid siyaasadeed, haba ugu darnaatee doorashada hubanti la’aanta ah.

    Wakiiladii caalamka u joogay Soomaaliya, Xamar maalin kasta waxay soo saarayaan waraaqo ay leeyihiin waxaan ka welwelsanahay xaalada Soomaaliya.

    Soomaaliya waxay gashay xaalad aysan gelin 20 sanee ugu danbeeysay.

  5. Xaalada Soomaaliya, ninbaa laga sheegay “ma anaa waalan mise cadan baa laga heesayaa” hada ma Caalamkii oo dhan baa qaldan oo si xun wax u arkay, mise Villa-Wardhiigley iyo taageerayaasheeda ayaa kiiis iska waal qarda jeex ah iyo qar iska tuur ku socda?

  6. Inacolow

    Salaan sare Qabiir

    Xal ma u hesheen sidaad nooga
    wadi laheydeen Macangag Farmaajo.

    Inaad nagu fiirsataan ninkaan
    waa xeer cusub

  7. ASC

    Dabshid sxb waa Ku salaamay

    Deg-degu waa camal shaydaan, Samir baa la idiinka baahan yahay. Farmaajo waa reer cad kama kece, afar sano kuma filo. Marka si qoone loo xagto ilkana Ku nabadgalaan, labo sano ayaan ugu daraynaa, dabadeedna afarta sano oo Ku xigta asagaan dooranaynaa. Lixdaa sano qoladayada reer Qurac waxaan galaynaa tabliiq siyaasiya oo aan beesha Ku barayno in qori isku dhiibku uu Ka fiican yahay filadaay (villo Somalia) kaama kaco abid.

    Waxaa kale oo suurtagal ah in inta waqtigaa lagu jiro in xàalada Itoobiya ay hagaagto oo hawshuba iska fududaato oo Mentor Abiy Ahmed uu noo soo diro ciidamadi Itoobiya iyo Eritetia Ka imaan lahaa oo dimoqraadiyada dalka Ku fidin lahaa.

  8. Qaarada Africa waxaa la haray waa Kursi jacayl !

    Ina Cumar Geelle , Afeworki , Abbiy iyo Farmaajo waxay ka wada siman yihiin Kursi Jacayl. Geeska Africa waa ay ka dambaysaa Africada kale dhan walbo marka laga Eego sababtuna waxa weeye waa ( unrest ) meesha ay nabad jirin nolol ma jirto.

    East Africa waxaa la haray Dagaal sokeeyo oo joogta ah for example Ethiopia every 20 or 25 years waxaa ka dhaca Dagaalo One Dictator after another sidoo kale waxaa ayana la rajaynayaa in dhawaan Eritrean President Afeworki iyo Kan Jabuuti Ayagana la afgambiyo mar ay ahaataba !! Waxaa kuu soo haray Soomaaliya.

    Waxaan soo xasuustay sheekadii Wiil reer Xamar ahaa ayaa waagii Ololihii Gaalkacyo loo diray waxaana loo geeyey cido reer miyi ahaa. Habeenkii baadiyaha Cabsi daraadeed intuu seexan waayey ayuu Odaygii reerka kacshay Adeer Adeer Ka kac Haye adeer maxaa ku helay ? Adeer abeeso aa I cuntay nooh. Odaygii baa Yiri Maandhoow afkaba mayga qaadaa 🤣🤣 Hade Soomaaliya mar alle iyo markii Madaxa soo taagto waxaa hela mid inkaar qabo ahoo Dictator ah sida Farmaajo oo kale ah.

  9. Kkkk Hobyo Godan iyo Dabshid war in aan idinla dhinto ayaan diyaar u ahaye GAR MA IDIN GASHAA?
    Anigu ma xiijsani,waan hubaa caadifadda qabaliga waa igu yar tahay.
    FARMAAJO WAXAAN KA RABNAA.
    1-Doorasho xor iyo xalaal.
    2-Waxaan rabnaa doorasho la Isla ogol yahay.
    3-Waxaan la rabnaa qori isu dhiib dhaqan fiican ah.
    MA YEELAYO.
    A-Digdiglays,baad keen iga qor intaa.
    B-Ma yeelayo boowe waan ka rajo go,nay Xamare HAWIYOW gurigiina guba ee ilkayarkaan na dhaafiya.Garawe caasimada aan ka dhigano AA LA TAHAY
    C-Ma yeelayo Emarate iyo Kenya waxay rabaan u saxiix,haddii kale gow ma leh.
    AAN IDIIN HADLO”farmaajow kulama tartami karnee ha isa soo sharaxin”ma soconayso.
    Bal fiiri wax la isku hayaa.
    1-Wadada la raacayo 90%waa wadadii Xasan Sheekh.
    2-MP beelo ayaa iska leh waana lacag.
    Aan kuugu daree nin isagu sharci daro ku yimid ama taageeray sharci daro.Sow isaga inuu isa saxo ma ahan?
    17.09.2020 iyo 16.02.2021 waa wadada furan ee akhyaarey waan idinla dhimanayaaye I tusa waddo aan idinkula dhinto?
    Somaliya kaliya ayay ka dhacdaa meel dawaladdii ay joogto oo barasaab leeyahay anigaa shaqadii dawaladda qabanaya.
    Midowga musharaxiinta shirkii Dhuusomareeb ayaa la aasay raggii assay ee lahaa Khayre,Dani,Madoobe in ay maanta moodaan saaxiib.oo Deni iyo Madoobe yiraahdaan munaasadabadda xirtaanka kaliya haka soo qayb galaan oo wax laga weydiiyo Deni iyo Madoobe intaasaa kuugu filan seediyaashay Abgaal in ay waxba isla hayn.Khayre oo ku calaacalaaya ayaan arkaayay BAADI NIN KULA DOONDOONAYA OON RABIN IN AAD HESHO ETC IT IS TOO LATE REALLY.
    Muuse Biixi ayaa laga sheegay inankan yaree reer hebel nidaam dawladeed buu noola yimid ee yaa inoo kala turjuma.

    Free and fair election is the way forward to country. Doorasho ayaa dhacaysa nin kastaa oo kusoo baxaana waan taageeri doonaa insha allah.

  10. Boqorkii Jasesko boqolkiiba imisa ayuu helay?

    Boqorkii Jaseeskiyo waayahay Bustaaloow Bukaaseba lasoo dhaaf.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented