|

DF Somalia oo Warqad Xog Culus Xambaarsan u dirtay Golaha Amaanka QM, Maxayse ka digtay

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xilka ka degaysa Linda Thomas-Greenfield taas oo jawaab u ah hadal ay March 31 ay Golaha ka sheegtay.

Warqadda waxaa lagu xusay in Soomaaliya ay wajahayso caqabado doorasho, balse lagu rajo weyn yahay in laga gudbo ayadoo loo marayo wada hadal.

Warqadda waxaa lagu xusay in xasilooni siyaasadeed ay muhiim tahay, sidoo kale in doorasho loo dhan yahay iyo tanaasulna laga ma maarmaan yihiin.

Dowladdu waxay warqadda ku xustay saddex qodob :

1- Doorashadu in ay tahay arrin Soomaaliyeed, oo Soomaali dhex taalla, Golaha Ammaankuna uu taageero madax-bannaanida Soomaaliya, wadajirkeeda, iyo in shuruucda caalamiga ah ee qaba in aan la soo fara gelin la ixtiraamo.

2- Dowladdu in heshiiskii 17 September iyo Heshiiskii Baydhabo ay u aragto asaaska doorashada, ayna ogoshahay shuruud la’aan.

3- Cabashada ammaanka doorashada si loo xalliyo, dowladdu waxay xaqiijinaysaa in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la wareegi doona xalka arrimaha amniga.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42168

Posted by on Apr 9 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “DF Somalia oo Warqad Xog Culus Xambaarsan u dirtay Golaha Amaanka QM, Maxayse ka digtay”

  1. Bravissimo…

    Wakaa warka i mara… Dalkani waa dal madax bannaan, mana yeelayno in sidii aan gumaysi ku hoos jirno naloola dhaqmo, oo arrimahayaga gudaha iyo dibeddaba naloo meeriyo… Russia iyo China iyo walaaleheen Turkey waa noo diyaar haddii reer galbeed edeb darrada naga dayn waayaan…

  2. ·
    Ali Ahmed Ali
    ·
    Farmaajo ka hor, Gabre, Micheal Keating iyo Maxamed Cabdi Afey oo Igad ka socday ayaa iska kaaya baacbaacsan jiray, heer ay gaareen in ay odoyaasha dhaqanka iyo Isimada ay kala hadlaan arrimo siyaasaddeed.

    Waxaan xasuustaa habeenkii la cayriyey Haysom, ergaygii hore ee qaramada midoobay, siyaasiyiin mucaarad ah ayaa soo wada qoray ”Farmaajo waxaas lagama aqbali doono cunaqabatayn ayaana la saari doonaa, waana ismiidaamin siyaasaddeed cayrinta Haysom”. Laakiin bil kaddib waxaa la soo magacaabay James Swan, belaayana ma dhicin.

    Curfiga caalamiga ah iyo xeerarka qaramada dunida u yaal haddii aad ku dagaallanto, cidna kaama guulaysan karto. Waxaan ujeednay golaha ammaanka oo shirkii u dambeeyey ku kala qaybsamay mowqifkooda arrimaha Soomaaliya.

    Qabku waa isku kalsoonaantaada, adigoo u halgamaya in lagaa adkaadana waa sharaf, laakiin adiga oo madaxa foorarinaya in aad xafiiska soo gasho kana baxdo, wakiil shisheeye soo dirsadayna aad jilbaha u dhigataa waa liidnimo.
    Waxaan arkayey dad Soomaaliyeed oo ku kaftamaya ”qabkii waa dhintay, qabkii blaa blaa”. Dee waa ummad la gumeeyey oo 30 sano belaayo madaxa kaga fadhiday, waligoodna aan loo muujin in ay sharaf leeyihiin, Soomaali yihiin, dalkooda taladiisu iyaga ka go’do.

    Beesha caalamkooy na soo gaar, waa dhaqan muddo soo jiray, in la dabar-gooyana wakhti ayey qaadan.

    -Xaqiiqda oo bayaansan…. Barteeduu dhigay aqoonyahankani…

  3. Waxay Ka jawaabay intaan doraad idiin sheegayey oo ah waxa la wadaa in ay beesha caalamku maamulaan doorashada

    Two options are on the table
    a)aarmaajo to resign
    b)the UN to manage election process

  4. Aarmaajo does not have any credibility his term is expired therefore in the eyes of the international community he is part of the problem,he had 4 years to prepare and now it’s too late the UN will take over to run the election… period

Leave a Reply to Kaahin

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented