MUUQAAL: Madaxwaynaha Puntland oo Bixiyey Waraysi Xasaasi ah, kana hadlay Xaalada dalka , DFS , MD. Farmaajo iyo Arimo kale
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Waraysi uu Bixiyey uga hadlay Xaalada dalka , Shirkii Muqdisho ee Fashilmay, Arimaha Doorashada, Eedayntii DF Somalia uga timid Puntland iyo Jubbaland iyo Arimo Xasaasi ah oo la Xidhiidha xaalada Guud dalka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Siciid Wuxuu sheegay inay Cabsi Abuurayso hadalka kasoo yeedhay Wasiir Dubbe oo Puntland iyo Jubbaland ku sifeeyay ‘Jid iyo Jihodiid”, Wuxuuna iska fogeeyay inay sabab u ahaayeen inuu Shirka Fashilmo.
“Wasiir Dubbe Shirka ma joogin ee wixii loo sheegay ayuu yidhi, Shirku wuxuu ahaa mid Hordhac ah, Anagu waxaan Qabnaa inuu weli socdo, Shirkan Hordhaca ah wuxuu muhiimadiisu ahaa in la isla garto Ajandaha shirka iyo Habka uu u furmi doono, Waxaana soo jeedinay in la balaadhiyo, oo ay kasoo qayb galaan Bulshada Rayidka, Madaxdii hore iyo Bulshada Caalamka, kaasi oo abuuraya Jawi dagan oo lagu wada Qanacsan yahay” Ayuu yidhi Siciid dani.
Waxaa sidoo kale wax laga waydiiyey Hadalo horay uga soo yeedhay oo la Xidhiidha Kalsooni daradda uu ka Qabo DF Soomaaliya.
Arimo la xidhiidha Imaaraadka Carabta iyo Waxa uu salka ku hayo dagaalka uu kula Jiro Madaxwayne Farmaajo ayaa sidoo kale Waraysiga oo Xiiso leh wax looga waydiiyey Siciid deni.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42158
War xaarka cesho, dulliyahay sinsibaarkaa adaa lagaa joogi waayaye hoo baaruuda dameertii fardo la mirataa,dhigeedey is moodaa,hada midkaan macalka weyn ee baantuugaa ma daarood buu is mooday,nasab iyo nikaax nooma gelin ,nooc macalweyne,ninku nalama dhalan ee waa nagu nagaadaygo back to zinzibar.
Waa la soo xeraystay.Shaqo ay aad u rabaan ayuu u hayaa dadka soo xeraystay.
50 nin oo Baasuukayaal wata ayuu la soo galay Airportka,yeelkeed e Airporkiina muu dhaafin kkk.
Waxa loo keensaday Muqdisho,Mars ilaa haatan loogu haystaa Aiportka waa qorshe aad u wayn oo fulintiisu adkaatay.
Waxay ila tahay in qorshihii banaanbaxa ee hubaysnaa fuliwaayay.Kii ka horeeyay ee 08/09/21 uu socon waayay.
Kani waa qorshe kale oo Muqdisho dagaal looga ridayo.
Dalmida
Deni waa in u halganto in Somalia democracy wax ahayn lagu maamulin.
Taas waa in waxwalba loo huro xitaa hadday dacar ka qaraar tahay.
Farmaajo iyo guulwadayaashiisa waa in looga dabcin.
Deni inta yiraaado, waxba gelin ayuu kasoo jeesan karaa Puntland oo waxba maanta Koofur uga baahnayn, dhaqaale iyo ciidan difaaca.
Laakiin Somalia meesha marayso maaha wax nin wadani ah yiraado; Waxba igama gelin…!!!!
Deni stay the course. Haka dhagdhagaagin Mogadishu haddii xitaa mas ku cunayo, ilaa dhinac u dhacdo, war or peaceful transion of power.
Somalia’s peaceful roadmap is on the stake.✌️🇸🇴