|

Cumar C.rashiid oo ka hadlay Xiisada Shirka Muqdisho, Kuna Baaqay in meel la iska dhigo Danaha gaarka ah

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay Xaaladda dalka gaar ahaan is faham-waaga ay ku kala tageen Madaxda Federaalka iyo  Maamul-Goboleedyada.

Cumar ayaa sheegay in wadahadalka ugu dambeeyay ee wareegga marxaladda kala-guurka in uu sal u yahay heshiis ka gaarista baahida loo qabo in wada-xaajood lagu dhammeeyo khilaafka ka dhex jira dhinacyadaan oo fure u ah qabsoomidda Doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in ujeedka ugu weyn ee madaxda laga doonaya ay tahay in ay ka gudbaan khilaafka shaqsiga si ay u saldhigaan himilooyinka Doorashooyinka Dalka oo ah arrinta laga daneynaya.

“Wareegga ugu dambeeya ee wadahadallada waa in uu tixgeliyaa baahida loo qabo heshiis ballaaran oo ku saabsan dhammaan arrimaha taagan, la’aantoodna waxa ay noqon kartaa fursaddii ugu dambeysay, Hoggaamiyeyaashu iyaga oo adeegsanaya wax walba oo ay ku guuleystaan maalintaan waa in ay meel iska dhigaan himilooyinkooda oo ay higsadaan dhaxal u gaar ah” Ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid .

Beesha Caalamka ayaa ku howlan ka go’aan gaarista is marin-waaga u dhaxeeya Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo Shuruudo adag oo ay is hor dhigeen qaarkood laga gudbi waayay iyada oo dhinac weliba uu dhanka kale eedeynaya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42121

Posted by on Apr 9 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Cumar C.rashiid oo ka hadlay Xiisada Shirka Muqdisho, Kuna Baaqay in meel la iska dhigo Danaha gaarka ah”

  1. international community aka bill payers

    A leak report has been circulating that the international community is considering to oversee and managed the bitterly disputed upcoming election…

    Waxaa la qiimaynaayaa yaa fudud oo la aamus karaa waxaa laga eegayaa qiimayntaa cidwalba oo khatar ku ah civil war inuu dhoco,
    Dani iyo axmed waxay isku Dan yihiin heavyweight ka mucaaradka

    Beesha caalamku Iyagaa maamulaya doorashada aarmaajo haduu Maamule no one will except the result therefore waxaa fudud in aarmaajo loo yeedhiyo his rights

  2. Haddii Hawiye la xiniinyo siibay oo beeso iyo been lagu kala tuuray, Somalia weli rag baa u nool aan bariis iyo difaac uga baahnayn daanyeer Farmaajo.
    Haddii kale ninwalba waa yaqaan tuuladiisa.
    car Baraxley iisoo dhaafa..

    Hobyo Godan ma ila socdaa?………kkkkkkkkk😁

    Vivo Ilma Gareen, naaska Farmaajo nuuga oo nolol kale haysan..kkkk

  3. Land of Punt

    Ina Cabdirishiid aka Xalwayste waa Ciyaalka Xaafada ma dhib badna waa aqayaar.
    Long live Xalwayste…🙏🏽

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented