Dhismaha Jidka isku xidha Muqdisho iyo Jowhar oo Gaadiidleyda Farxad geliyey
Muqdisho ( Kalshaale ) Gaadiidlayda wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa soo dhoweeyay bilaabista dayactirka lagu sameynayo wadada laamiga oo aan muddo dheer helin wax dayactir ah.
Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa sheegay inay tahay arrin wanaagsan in la dayactiro wadadan waxana ay ka codsadeen dowlada federalka in dhaqso lagu dhamaystiro dayactirka wadada.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kaasi oo dib u dhis casri ah lagu sameynayo, isla markaana la saarayo laami.
Shalay ayaa lagu arkayay gaadiidka dhismaha wadooyinka oo howlaho dayactir ah ka bilaabay wadadan.
Inkastoo dowladu ay bilowday dayactirka ayaa hase ahaatee ammaanka wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad oo qeyb ka ah dhismaha wadadan ay tahay mid qaraxyo ay ka dhacaan.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa lagu Arkayey iyagoo sugaya Amniga.
Balse waxaa Nasiib darro in Jidkaasi ay dhisayaan Dawlado Shisheeye, hadana laga ilaalinayo inuu Qarxiyo Muwaadin Soomaaliyeed oo damiir naxa aan lahayn.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42092
Cagaf jid dhisaysa oo Ak-47 lagu waardiyeynayo intee gaaree..yaab.
Dalka inla dhiso haddi la rabo waa in Alshabaab cagafta iyo engineerada qarxinaya laga adkaado oo dal dowlad democracy ah oo lagu wada qalacsanahay oo adduunka in la shaqeeyaan rabaan waa in la helo.
Haddii kale waa jugjug meeshaada joog.😢
Allow dadkaaga aqli sii.
Maasha allah jidadka waa la dhisaya alshawadiin waa laga adkan insha allah dalka dibu dhis xoogla lka socda cidna loo joojin maayo dayuusintan raba in shaqada wadanka joogsado no way horaa loo soconaa ka naxow dhimo nabad iyo nolol waa shaqaynaysaa what a team somalia ilaahay usoo diray farmaajo iyo teamkisa we call dream team maasha allah