|

Madaxtooyadda Somalia oo eedaysay Puntland iyo Jubbaland iyo Xogta Shirkii

Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii u dhaxeeyay DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa mar kale la isku mari waayay qodobadii doodda adag ka taagneyd ee ahaa in ajandaha lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.

Shirka maanta ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo lagu balamay in mar kale la isku soo laabto, balse aan waqti la sheegin.

Dhinaca kale War soo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yidhi:

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn”.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42055

Posted by on Apr 7 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

16 Comments for “Madaxtooyadda Somalia oo eedaysay Puntland iyo Jubbaland iyo Xogta Shirkii”

  1. Awelba waa la ogaa in ayna doorasho rabin labadan jaajuus, anigu waxaan ku talin lahaa labadooda ku xigeen haloo yeedho iyagana haday diidaan xabsiga dhexe ha lagu shalwiyo.

  2. Bill payers aka beesha lixaad

    Aarmaajo haday u yeedhiyaan his rights

    it will look like this
    Aarmaajo you have the right to participate the upcoming election as a candidate
    You have the right to remain villa wardhiigley till Election Day
    Refusal to except those terms will result immediate removal of your candidacy.care taker government will be appointed immediately

    Kind regards

    Bill payers
    AKA
    Beesha lixaad

    • Kaahin muuse shaani u sheeg sheekada adiga oo idoor ah wax kaaga shan iyo toban ah baan jirin somalia iyo election kooda go and get a life maxaa ka galay koonfur iyo wixii is haystay noociina isku dirka la fadhiya social media da yaa laga amaan laayahay lakiin ilaahay dhibtad koonfur la rabtiin idinka ha idinku rido aamin

  3. Farmaajow cidna kuma necba laakiin dalkaan dhib badan ayuu soo maray Somali badan talo xumo u dhimatay.
    Talo xumo dambe cidna laga yeelimaayo, doorasho qabo xalaal ah, waaba intaas oo aad ku guulaystee.
    Weliba Somali oo dhan waxay ku tuseen in colaad Mareexaan ama Darood iyo mid Kacaankii loo qabin oo na hogaami lagu yiri; aqligii lagu qasaaray oo keligiis taliska oo Mareexaan qaxooti ka dhigay ayagoo Xamar hanti ku lahaa.
    Buffalo ku noqo, daanyeer aqli xun, meeshii sixi lahaa qaladkii Daarood iyo Mareexaan galeen ayuu meeshii kasii wadaa..Geeljirta la taliyaasha u ah Farmaajo waa in dalka laga badbaadiyo.
    Run.

  4. Walaahi Deni iyo Madoobe waa rag taariiqda xusi doonto, waa diideen in talada Somalia nin keliya ka go’do iyo gobolo curdan ah oo dhaqaale ahaan ugu tiirsan.
    Somalia maanta ayey u baahnayd rag maya oran kara oo dhaqaale iyo xoog midna uga baahnayn Farmaajo.
    Waa wadadii saxda ahayd in Saamilayda siyaasadda Somalia miiska lawada keeno oo garta wax ku leeyihiin.
    -Maamulada gobolada
    -Musharaxiinta
    -Madaxweynayaashii hore
    -Prime ministaradii hore
    -Beesha Caalamka oo biilka bixisa.
    -Bulshada rayidka sida aqoon yahan, madax dhaqanka, dumarka etc.
    Rajo yar ayaa muuqata..good lucky Maryooley.
    🇸🇴✌️

  5. Waxaa kale idiin xasuusin Farmaajo Jubbaland xoog u sheegtay oo kala jaray..ciidan xoog leh tusay.
    Puntland hanjabaad joogta ah iyo Gorgor Buurtinle ku dhow..kkkk
    Deni page hoose wuxuu tusay in cidna xoog ula imaankarin oo ciidankiisa tusay.
    Ahmed Madoobe waa in adagana beri na tuso in Kismaayo ciidan xoog loola imaan karin. kkkkkkkk
    Wadada furan oo keliya tahay= Wax lagu heshiiyey…
    Booto ayaa yaabtay..kkkkkkkkk
    🇸🇴🤭

  6. Waxaan si gooni ah u xusayaa: Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, waa halyey taariiqda Somalida xusi doonto.
    Wuxuu yiri: Beeshayda Isaaq ayaan ka diiday in Somali ka go’do, maanta kama yeelayo nin raba wadadii kaligiis talis nagu celiyo.
    Mowqifkiisa wadanimo weligiis kama leexan sida kan Eelayga guddoomiyaha aqalka hoose jeebkiisa la fac ah.
    Xoriyadda awalba reer Somaliland ayaa midnimo Somaliyeed keenay maantana loogama maarmo Somalia oo jiiro xun ka degeysa.
    Hawiye beeso jecel meel u raaco ma aqaan, maalin beeso macne lahayn ayaa jirta oo mustaqbalka dhashaada baxar ku jiro. run.
    Waan hubaa Deni millions dolar loo balan qaaday hadduu ilma Gareen ku biiro.
    Laakiin wuu ogyahay in reer Puntland lacag gadan karin oo ceeb u dhiman haddii isku dayo.
    Somali isku dhaqan maaha?.run😎

  7. Land of Punt

    Gar dhexa hadaan qaado, Deni & Axmed Madoobe arin khuseeya dadka ay metelaan iyo dawladooda ayay isku haystaan Farmaajo. Cabdi Xaashi laakiin xaq uma laha inuu ka daba yuuso/calaacalo Farmaajo waayo dad, dhul & Dawlad uu metelaa majirto. Xaqiiq.

    Ina Sanweyne ayaa ii awoow ah, gartaa aan qaadayna dib loogu noqon maayo.

    • Laalays muuse shaani u sheeg sheekada adiga oo idoor ah wax kaaga shan iyo toban ah baan jirin somalia iyo election kooda go and get a life maxaa ka galay koonfur iyo wixii is haystay noociina isku dirka la fadhiya social media da yaa laga amaan laayahay lakiin ilaahay dhibtad koonfur la rabtiin idinka ha idinku rido aamin

  8. Governor Gedo wuu sii qorsheeyey shirka inaan lagu heshiin,anigu waan ogaa inuu yahay shirkaasi shimbirayohow heesa.
    Farmajo waa hore ayuu Mursal ayuu 12 milyan u dhiibay si 2 sano loogu daro.
    Waxaa laakiin maanta soo dadajiyey fashilka in uu Farmaajo keenay arin fajac ku noqotay 2 Nin ee ay meesha ku garamayeen.
    1- In Gedo ay naoqoto maamul gobaleed cusub oo JL ka madax banaan.
    2- Diidmada ku dhawaaqidda muddo xileedkiisa dhammaaday.

  9. Cali Yare Cali
    ·
    Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka
    Muqdisho, Abril 7, 2021;

    ‎بِسْمِ ٱللّٰهِ ٱلرَّحْمٰنِ ٱلرَّحِيمِ
    Sida aad lawada socotaan bishii 7-aad ee Sannadkii hore ee 2020-kii waxa soo bilaabmay doodda ku saabsan Nooca Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka. Dowladda Federalka Soomaaliya oo rabtay in ay dalka u hoggaamiso barnaamijka xisbiyada badan ayaa waxa qaar ka mid ah Maamul Goboleedyadu ku dhageen in ay joojiso hannaankii metelaadda shacabka ee hal qof iyo hal cod, iyo curashadii koowaad ee hannaanka xisbiyada badan oo rajadiisu muuqatay. Waxaana Dowladda lagu riixay in ay ka leexato jidkii qummanaa una janjeersato hannaanka doorashada dadban iyo metelaadda kooban.

    Xilligaas waxa isu diiwaan geliyey hannaanka xisbiyada badan iyo ka qayb galka doorasho dadweyne oo hal qof iyo hal cod ah illaa 100 xisbi. Guddida Doorashooyinka Madaxa Bannaan ayaa shaqada diiwaan gelinta u waday si xilkasnimo ah oo howlkarnimo ka muuqato.

    Laakiin Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland waxa ay diideen hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxaanay ku adkaysteen in lagu laabto habraacii 2016-kii iyo doorasho dadban.
    Nin faras dabadiisa ka degey meel uga toosan buu waayaye, markii Dowladdu ku waafaqday Madaxda Dowlad Goboleedyada heshiiskii doorashada dadban ee ay iyagu soo qorteen ee 17-kii September si dalka doorasho wadar oggol ahi uga dhacdo waxay sidoo kale Maamul Goboleedyadaasi dedaal badan ku bixiyeen in dhinacyadii kale ee ay qusaynaysay aanay waxba ka beddelin Heshiiska, sidaasna lagu ansixiyo heshiiskii 17-kii September.

    Si loo dardar geliyo fulinta Heshiiskaas waxa Xukuumadda loo soo gudbiyey Guddiyadii Doorashada ee 3 Maamul Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Somaliland, laakiin nasiib darro mar kale Puntland iyo Jubaland waa ay diideen in ay soo magacaabaan Guddidii Doorashada.

    Si loo dardar geliyo fulinta heshiiskii 17-kii September Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeeray kulamo badan oo is daba joog ah, laakiin Madaxda Jubaland iyo Puntland waa ka baaqdeen kulamadaas marka laga reebo kii Samareeb oo ay xujooyin cusub la yimaaddeen.

    Ra’iisal Wasaaraha JFS wuxuu booqday inta badan Maamul Goboleedyada Dalka si doorashadu u bilaabanto. Laakiin nasiib darro Puntland iyo Jubaland way diideen in doorasho bilaabanto.
    Haddaba;

    Markii la sugayey labadaas Maamul Goboleed muddo 6 bilood ah oo intaas oo dhan lagu qancinayey fulinta heshiiskii ay saxeexeen ee 17-kii September
    Markii la isugu tegey Garoowe, Samareeb, Baydhabo iyo Muqdisho si isfahan looga gaaro qabsoomidda doorashada
    Markii ay dureen Ciidammadii Qalabka Siday si sharci darro iyo amni darro uga dhacdo Dalka

    Markii Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay jid iyo jiho diid noqdeen si loo fuliyo heshiiskii ay iyagu soo qorteen dalkuna doorasho u aado
    Markii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu in kabadan 5 jeer gogol u dhigay Maamul Goboleedyada doorasho diidka ah, taas oo uu kula baxay magaca “Tanaasul Badane”

    Markii wax kasta oo ay codsadeen loogu oggolaaday is-fahankii Baydhabo ee 15-16-kii Febraayo si doorasho u dhacdo, laakiin mar kale ay Puntland iyo Jubaland diideen fulinta is af-garadkii ay ku soo saxeexeen Baydhabo.
    Markii ergo Madaxweynuhu u diray Madaxda Jubaland iyo Puntland kana koobnayd Madaxweyneyaasha saddexda Maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ay kala soo laabteen gacmo maran iyo natiijo la’aan.

    Markii illaa 3-dii April la wada fadhiyey Xarunta Avizione si xal loo gaaro, mar kale Madaxda Puntland iyo Jubaland waxay keeneen shuruudo cusub oo ay kamid ahayd in Baarlamaanku shaqada joojiyo oo la naafeeyo, Madaxweynuhu awooddiisa dastuuriga ah wareejiyo, Xukuumaddu noqoto magac-u-yaal, ajanebigu door ku yeeshaan talada Dalka iyo in shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka Sida. Arrimahaas oo marka la isu wada geeyo la macno ah “Dowlad la’aan”.

    Markii uu noqday hal bacaad lagu lisay dhammaan dedaalladii ay sameeyeen dhinacyadii is xilqaamay ee kala ahaa Madaxweynaha Dalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada horu-socodka ah, odayaal waxgarad ah, culumada Soomaaliyeed, haweenka daneeya siyaasadda iyo dhab u heshiinta, ganacsatada iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka, si ay Madaxda Jubaland iyo Puntland ugu soo qanciyaan in ay oggolaadaan in Dalku doorasho aado.

    Ugu dambayn
    Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.

  10. Kalsame

    Nothing is more boring then guulwade (sycophant)going on and on about the way things used to be.

  11. Garoobihii Tegreegu waxay ku waasheen Beesha caalamku hana maanusho kkkkkkkk

    Formaajo haduu ogolaado talo inangumeed oo qaato Beesha caalamku na galiso new colonisation,xoogagga wadaniyiintu dhagax ayay kaga saaridoonaan madaxtooyada.
    Dalmida

  12. Guulwadayaashu waa labo waa nin qabiil ku raacay iyo foot soldiers ay ku shaqaystaan oo la yidhi kacaankaa ku xoraynaya ,,foot soldiers aka xoogaga wadaniyiintu durbaanka inay tumaan oo dadkaba ka qaylo bataan ayaa u caada ah waa shuqul africaan

  13. Horaan idinkugu sheegay inuu
    Macangag Warlord Governor Gedo
    Yahey ninkii WAALNAA EE LA SAAREY RITI
    AAN LA RAR BARIN ee uu la cararey

    – Waa sidaan rabey
    – Waa sidaan rabey

    KABLALAXOW idinkaa la idinku xisaabin
    Wuxuu qaldo ama haleeyo
    NINKIINA WAALAN

    * Nin waalan walaalkiis ayaa u miir-qabo

Leave a Reply to Laalays

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented