|

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Muqdisho iyo Heshiis Hordhac ah oo lagu gaadhay

Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka Furmay shirka u dhaxeeya madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, Waxaana la sheegay in la isku raacay in shirka soo socda la ballaadhiyo.

Heshiiska hordhaca ah ee la gaadhay ayaa waxaa ka mid ah in furitaanka shirka soo socda ay ka soo qeyb galaan Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynayaashi hore, Ra’iisul Wasaarayaashii iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qodobada laga heshiiyay ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen shuruudo ay hore ugu xidheen shirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Shirka maanta waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo dhamaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

Dhawaan ayay aheyd markii Beesha Caalamka aay ugu baaqeen dhinacyada isku mari la’ khilaafka doorashada dalka iney xal rasmi ah ka gaaran khilaafkooda ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42043

Posted by on Apr 7 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Wararkii ugu dambeeyay Shirka Muqdisho iyo Heshiis Hordhac ah oo lagu gaadhay”

  1. ilaa uu dhinac noo dhaafo Macangag Farmaajo
    lama aaminikaro Qowlkiisa iyo balantiisa

    Hadduu rabo barito ayuu dhihukaraa kama jiro
    Oo SACIID Deni ayaa soo MAD MADOOBEYSTAY

    Maskixiyan maahan stable marka waa inaan
    Tooshka laga dulqaadin ilaa laga saari Villa Xoriyo

    * Masku kuma baxo na dhaaf

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented