|

Muqdisho : Shirkii Arimaha Doorashada oo Furmaya maanta iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa inay dib uga billowdaan wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Wada-hadallada oo hakad-galay labadii maalin ugu dambeysay ayaa qorshuhu yahay inay maanta dib uga billowday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa diyaarinta ajandaha shirka arrimaha wada-tashiga doorashooyinka iyo diyaarinta dhinacyada ka qeyb-galaya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka oo iyadu soo qaban qaabisay shirkan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadallada ka socda Teendhada Afisyooni.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday in shuruudo horleh lagu xidho fulinta heshiiska 17-kii September, sida ay uu shaaciyey agaasimaha warfaafin madaxtooyada.

Si kastaba Soomaaliya ayaa ku jirto xaalad adag oo kala guur ah, waxaana si aada la’isugu hayaa hannaanka loo wajahayo doorashooyinka 2021 oo uu ku yimid dib u dhac baahsan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42040

Posted by on Apr 7 2021. Filed under FLASH, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

20 Comments for “Muqdisho : Shirkii Arimaha Doorashada oo Furmaya maanta iyo Wararkii ugu dambeeyay”

  1. 4 nin oo Hiraab ah ayuu geesaha iska
    mariyey asagoo ka cararahayo reer Tolkiis

    QALBI-DHAGAX ayuu Ogaadeen ahaan
    ugu dhiibey Axmaaro Injireey

    Dambiile
    Janan ayuu Qabiil ahaan u siiyey 2 millions
    oo Canshuurtii Eedo Batuulo ah
    (Meesha uu Dambiile ROOBOW uu ku xirey
    Raxanweyn ahaan).

    Gedo ayuu u burburiyey wadajirkii Daarood
    iyo Midnimadii Soomaalia

    Tiro kabadan 5 mar ayuu isku dayey
    Inuu KUCIYO HAWIYE si loo burburiyo
    – Democracy uu ka xanaaqsanyahey
    – Horumarka Mogadishu
    – Nabadda Xamar

    – Waa ninkii isku dayey in la cunaqabateeyo
    Somaliland ilaa uu Sacuudiga jilbaha
    u qabsadey in la joojiyo Xoolaha Xajka ee
    Ganacsatada Somaliland

    – Waa ninkii uga Hiiliyey Walaalaha Jabuuti
    Eritrea iyo Ethiopia, cod dheerna ku dhahey
    Jabuuti waa Cadowga Banaadir State
    Ethiopian waa difaacaha Banaadir State

    * Wadajirka Kablalax iyo Hiraab
    Waa badbaadinta Qarankii dib loo taagey
    oo uu rabo inuu burburiyo HARAADIGII XHKS

  2. War odaygaan asaasaqaa ee ciilan ee cuqdadu googoosey maxaa ka galay hardanka siyaasadeed iyo hogaaminta dalka illeen waxaad ka tahay asalmadoorshe bal oday madax-wargalay maxaa luraaya marba haduusan gayin xorriyo wallee waa yaab waxaa laga joogi la’ yahay ina qoob sacley iyo qaar kaloo ka liita,hada waxaa laga joogi la’ tahay oday ciilan ee 24/7 kalshaale cabaadka iyo calaacalka iyo habaarka la fadhiya waana la soo helay DNA diisa waxa laga joogi la’ yahay waa saddex geeddi iyo silcis gorgaarte horaa loo yiri findhicil ma xalaalbaa,mise waa xaaraan? Saa la yiri sheeg sheegiisaa ka daran hada odaygaan ciilan iyo qoladiisaba sheeg sheegoodaa ka daran.duf ku bax wuxu dullisanaa.

  3. Dabshid
    Yaa salaam naxwaa kasocda iyo xigmad.wadanku waa hiraab iyo kablalax,hadaad bahasha fahantay
    Mobileen iyo wacdan ayaa quustay

  4. Baarqab
    War waran allgalgaduud ayaa isugu keen dambeysay sxb xagan ayaa loosoo guurey bal kawaran dhabad miss wali dibaad joogta
    Reer wardheere ayaa yaabay

  5. Cafis:

    Waxaan rabaa inaan maanta halkan ka dalbado cafis dhamaan dadkii aan halkan barxada Kalshaale isku gefnay amaba aan ku gafay iyadoo aysan jirin wax sabab ah, anagoon is aqoon anagoon isku meel joogin, anagoon wax haba yaraate dhib ah naga dhexeyn, kaliya aan isugu gefnay caadifad qabiil iyo wax aan macno lahayn, anigana aan faa’iido iigu jirin iyagana aysan faa’ido ugu jirin.

    Dadkaa aan cafiska ka dalbanayo waxaa ugu horeeyo
    Dabshid.
    Somaligalbeed.
    Gedo Land, rag baa jira aan si uyara kaftanay laakiin ma filayo inay wax dhiba jiraan sida aan dareemayo anigu, sida Kalsame iyo Somalijecel.

    Waxaa qalad ah in qof loogu xadgudbo fikirkiisa iyo aragtidiisa uu ka qabo arin, waxaa haboon in qofku uu ka hadlo mawduuca laga hadlayo fikirkiisana ka dhiibto si asluub leh, haduuse qof mawduuc halkan barxada Kalshaale lasoo dhigay u jawaabayo waxaa fiican in uu si asluub leh ugu jawaabo qofkaas.

    Waxaad arkaysaa mararka qaarkood aragti iyo sawir qof siyaasi Soomaaliyeed oo lasoo dhigay barxada Kalshaale oo markiiba dadka qaarkii ay u qoroyaan aflagaado waa Mooryaan, isbaaro ayuu yaqaan, waa asaasaq, waa kii afka biijada lahaa, waa kii gabdhaha iibiyey, waa kii, waa kidaa, tusaale ahaan waxaan usoo qaadan karaa dadka aan arkay ee inta badan halkan marka sawiradooda iyo fikirkooda lasoo dhigo la aflagaadeeyo Madaxweynihii hore Xassan Sheekh, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, Mahad Salaad, Fiqi, Cumar Cabdirashiid, Faroole, dadka siyaasiyiintaa af-lagaadeeya waa dad qaas ah oo halkan soo gala, waa qasab haday arkaan sawirada iyo afkaarta siyaasiyiintaa aan kor ku soo sheegay inay u qoraan qoraal aan anshax iyo asluub toona lahayn.

    Waxaa fiican qofka aragtidiisa inuu si asluub leh usoo jeediyo, haduu qof u jawaabayana si asluub leh waa arin dadkoo dhan quseeyo aanba anigu ugu horeeye.

    Qoraalkan waxaan halkan soo dhigi doonaa dhawr maalmood oo isku xiga haduu Alle idmo.

  6. Sargaalka
    Wallee inaanan xabad qubin awoowe cafi alle iyo masaabax maansha alaah aduunku waa maalin kulli cafis iyo masaabax

  7. Gedo Land:

    Cafis saaxiib.

  8. Sargaal

    KKK

    Oo goormaan dagaalney
    aniga iyo adigu

    Sxb Dabshid ahaan haddaan
    qof u qaadayo xumaan aan ku seexdo
    Maba ka kaftameen Kalshaale.

    Xumaanu MA JIDHO xagey eebow

  9. Waryaa @ Gedo Land

    Waxaad shala iyo maanta soo qaadatey
    Magacii aad ku joogtey Xamar

    Dagaalkaan ku masaafirin laheyn
    Macangag Farmaajo wali ma dhaamaane

    SOO QAADO MAGACAADII aad nagu caayijirtey
    Ee aad ku joogi jirtey Dhadhaab.

    Mr Gedo iyo Mr Khaatumo
    hadda kama shaqeeyaan Xamar
    waa Dambiile yaal

  10. Dabshid:

    Waxaan xasuustaa dhawr mar oon kugu gefay, markaa cafis saaxiib.

  11. ASC

    Sarkaalka

    well done walaal

  12. Aduunka intaan arkayey waxaa iigula feker liita Ka wata (DABSHID) iyo mid kaloo wata (L/Puntla d) oo aad moodo labaduba in ay qabyaaladi googaysay bal u fiirsada labadaas nin oo aan qabtaalad ka hadlayn iyo reer hebel,kaaga darane waxaan rajaynayaa in ay labaduba joogaan dal debeda ah oo dadkii lahaa ka shaqaysteen.

    Maalin walba waxaan maqalaa waxaa mushahaar loo la’ yahay ciidamada P/land oo Gadooday yacni shaqaalo xumo wax barasho la’aan shaqo la’aan, dhalin yaradii oo tahriib ku dhamaaday ayuu Maalin walba lasoo taagan yahay qabyaalad iyo P/land baa kan ah iyo goofkayga ayaan nolol ka samaystay!! Maxay tahay nolosha aad samaysatay? Qofku haduu wax yar xanuunsado Xamar baa loola soo cararayaa iyo Turkey??

    Kanwata Dabshid oo kasii liita LOP ayaan isna kuqarwa qabiil iyo reer hebel

    Duf ku baxa daciifsanaa

  13. Kablalax waa Dabafhilif,Hiraabna waa Mooryaan.
    Dee waataasi lagu hoogay wadankii Somaliyeed.
    Mid wax bililiqaysaya iyo mid shisheeye kabaha u sida.
    Waa wadan qudhmay iyo dad gunimo dhaneeyay.

    Wiil Geel jire ah oon gaajadu karayn,waa waxa dhulkeena u gaara ee laynagu gartaa.

    Dalmida

  14. Inacolow:

    Wcs.

  15. Hayaan

    Adigu xitaa ma dhamid
    Nin lala kaftamo maxaa yeelay

    Feysal Waraabe oo maamulo
    Tuuladaadii ayaad rabtaa
    Inaad u guulwadeyso nin Kaligiis
    La joogo Hawiye because of Daarood waaye

    Xassan Shiikh markuu maamuley
    Xamar sidaan u maadan xajiimoon kirin
    Because waxaad ogeyd
    NINA XOOLIHIISA KAMA DHIIBO
    LAALUUSH

    Aqli aqoon iyo mid siyaasad
    haddaad leedahey

    Waxaad isweydiin laheyd
    Farmaajo oo Xitaa KA XISHOODEY
    AMA KA CABSADEY INUU KA
    JAWAABO suaal GOBOLKA SOOL
    Miyaad u noqon QOWSAAR WAYSADA
    U WADO markuu Cararana

    U soo cararo Tuuladiisa oo wali
    Feysal Waraabe ka arimiyo.

  16. Hayaan

    Carabtu waxay dhahdaa
    MUWALADKA WAXAA LA DILAA
    MASKA kahor.

    Naqraac reer Waqooyi will be dealt
    before Yaxar Koofur

  17. Dabshid
    Xagee igala qaaday magacee ayaan dad ku caayi jiray war anigu nin isku kalsoon ayaan ahay sawirkayga ayaan kalshaaale soo dhigi karaa kulahaa magacaad xamar kujoogi jirtay mawaxaad imooday kuwii imtixaanada loo gali jiray damiinimo awgeed

  18. Sargaalka

    Cafi iyo Saamax bro.

    Aniguba waan gefay marar badane waar toloow ha la iska kay cafiyo, markaan toloow leeyahay Soomaali oo idil waa tolkay…

    Meeshan iyo waxaan ku qorno baaba dunuub inoogu filan, wal-ciyaadu Billaah…

    Sargaalka, wallaahi shalay baan sidaadoo kale ku fekerayay inaan dhallinta oo dhan iyo aqristayaasha Cafis wada waydiisto… Oonan wax danbe ku qorin halkan hana booqan… Allaha idin cafiyo kurtiine i cafiya akhyaarta…

  19. Kalsame:

    Cafis saaxiib, meeshan barxada Kalshaale waa lagu danbaabayaa.

Leave a Reply to Kalsame

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented