|

Daawo: Madaxweynaha Galmudug oo Khudbad ka jeediyey Furimaha dagaalka “Anagu deegaano iyo Maamulo kale ayaan difaac u nahay”

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta safar kormeer ah ku gaaray difaacyada hore ee Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan deegaanka Sinadhaqo iyo naxaawigiisa ee hoostaga degmada Ceelbuur.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha waxaa Safarka ku wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa goobta kula kulmay Ciidamada Qalabka Sida,

 iyo saraakiishooda, halkaas oo uu madaxweynaha socod dheer kusoo kormeeray, asagoona u kuur galay xaaladda ciidanka war bixinna ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada lagu baacsanayo kooxda Argagexisada ah oo dhawaan laga xoreeyay deeganadaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa khudbad guubaabo iyo dhiirogelin iskugu jirta u jeediyay ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan furimaha lagu baacsanayo cadowga, Madaxweynaha ayaa la dardaarmay ciidamada iyo saraakiish goobta ku sugeyneyd, asagoona sheegay in la sii wadi doono howlgalada lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42030

Posted by on Apr 6 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “Daawo: Madaxweynaha Galmudug oo Khudbad ka jeediyey Furimaha dagaalka “Anagu deegaano iyo Maamulo kale ayaan difaac u nahay””

  1. Waa ciidamadii xildhibaan Jeesoow sheegayey ee soo qabanaya 90
    Jirka Faroole . Mj Somaliya diid ah waa in loola dhaqmo sida snm .

  2. War hooy Galmudug dhulkiina ka xoraysta ciyaalka Jareerta iyo Eelayda oo Xaradheere, Ceeldheer, Ceelbuur, Mareeg etc, caruurta idinka kufsada deriskiina nabadgeliya oo dhista dhulkiina haddii kale waxa laga helo yaan wax la iiga siin.
    Farmaajo dhowrtaysan ogaa maba dhalane.
    Waxaan arkay kuwo Facebook ka leh, xabadda markay bilaabato Deni edeb yeelan oo Farmaajo sidii Aabe Siyaad gacanta laga dhunkan ama Yemen u cararin ileen Ethiopia uma carari karaane…kkkkkkkkkkk
    Aabe Farmaajow soo Deni xir Faroolana dil…kkkkkkkkk
    Somali aragtaa belo aragtay…aqli mee? Weli in la isku xoog sheehayo lagama korin.
    Yaan lagaa hub badan…ileen aqli kale ma jiree😎

  3. Liqe

    Markey CEELBUUR ku kaftamahayaan
    DUDUBLE iyo Murusade

    Waxay Murusaduhu dhahaa
    DUDUBLOW waxaad rag la kaftami
    Markaad kaligaa gooni u istaagto
    Oo noqoto QOYS MAX’UUD HIRAAB ah
    Oo Xornimo ka qaatey HABAR-GIDIR

    Hadda Mr LIQE wuxuu kaftanku kuu furanyahey
    Markaad noqoto nin Harti ah oo aad ka xorowdo
    Habar-Majeerten ama Habar-Jeclo

    Xildhibaanada Gobolka Sool uga qeybgali Parliament Xamar waxaa soo xulidoono
    GOVERNOR DENI (HIILWALAAL DOORASHO)

    Xildhibaanada gobolka Sool ugu jiro hadda
    Parliament Somaliland waxaa soo xulay
    Madaxweyne Siilaanyo

    Kastuumo Habar-Gidir iyo
    Kastuumo Habar-Majeerten
    Wixii kulmiyaan rabaa

  4. Cali Yare iyo Cabdi Shire Ciyaar-jecel
    Wixii kulmiyaan rabaa

    Max’ed Siyaad iyo Cali Samatar
    Wixii kulmiyaan rabaa

    Farmaajo iyo Maamo KHADIIJO
    Wixii kulmiyaan rabaa

  5. Sawirkaan Qoorqoor duurka isku sawiray waan ku qoslay…kkkkkk
    Farmaajo ayaa ku yiri; Shabaab dagaal kula jiraa dheh ee shirka dib haloo dhigo ama hala isugo si Deni, Madoobe, Madasha musharaxiibta iyo beesha caalamka hurdo u qabo oo iska kala tagaan.
    Farmaajo maalintii Bassaporka USA iska celiyey si sharci USA u qaban ayaan ogaaday in geeri iyo Kacaan cusub mid noqoto.
    Farmaajo waxa soo wado iyo webiga yaa weyn?😮

  6. Qoor Qoor waa Dhicis ku dhex dhintey
    Hooyadiis

  7. Waxaan la yaabi jiray Deni oo bilwalba ciidan cusub tababar usoo xira oo xoogaagii canshuur shacab nolol loogu samayn lahaa ciidan geliya, waxaan oran Deni waa daanyeer aqli xun…yaab
    Ileen ninka waxbuu ogaa!
    Ayagoon Baraxley gaarin ayey leeyihiin Buurtinle ayaan sii maraynaa..kkkkkk
    Alshaabaab hadda ayey dhulbalaarsi iyo in maalinba meel weeraraan.
    Farmaajo cadowgiisa waa Jubbaland iyo Puntland tolow maxaa gobolada Daaroodka ku diray…..!
    Deni baa yiri: Habaraha nagu leh maxaa wiilka Daarood laga rabaa, waxaa u sheegin arinku maaha arin Daarod, Farmaajona cadaawada u qabo ma aaminsani in Daarood yahay.. Qudbadiisii ku jirtay…..Yaab.
    Kkkkkkk.
    Dagaal baa isoo uraya….ka jooga

  8. Qoorqoor waa Madaxwaynaha Mustaqbalka.
    Aloow guule Qoorqoor.

    Dabadhilif oo dhan wakhti ayaa ku socdakkkkkkk

    Geesi u soo baxay Somali.
    Dalmida

  9. Qoorqoor beenlow kkkkkkk
    Kuye Galmudug waa meesha keliya Alshabaab lagaga adkaaday..!
    Kuligiin waan wada ognahay in Galmudug tahay gobol keliya oo degmooyin qadiim laga haysto oo xeebihii Xaradheere iyo Ceeldheer tegi Karin, Dhuusamareeb hoobiye ku garaacaan kkkkkk.
    Ahmed Madoobe ayaa la qaatay oo Jubbada hoose ka horaystay..
    Qoorqoor warkiisa macne malaha ilaa Alshabaab ku qasbo in duurka ku dhuuntaan. Aragaanee.

  10. Waxaa halkaan ka cad
    In puntland qayb ka tahay
    Operationkaan hadaan gaarigu
    Biliqo ahayn waayo tagnikada
    Galmudug waxaa laguyaqaan
    Colorka dark gray sida kuwa dawlada,

    Halka kuwa puntland lagu yaqaan
    Color ka gaarigaan ka muqda
    Sidoo kale waxaa ka muuqda
    Front windshield ka calanka
    Puntland…

  11. Dabshid

    Markaad isku dhexyaaci jirtay miyaa la Gaadhay . Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Meel Aad haysatidba garanmaayo. Xataa hadii Ceelbuur la xoreeyo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  12. Mid Warsangeli ah markuu arkay hadal kii Faroole , wuxuu dhahay Faroole ma hadlin ee wuxuu lahaa Qufacayga share-gareya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Faroole dhuusada iyo qufaca kala jooji , waxaad ku jirta xiligii cibaadada !!!

  13. Waa kaa geesiga galmudug mr qoor qoor

  14. Qoor qoor waa dagaalyahan col.sigane ayuu body guard u ahaa waa nabad iyo nolol ninka ay kuseexato axmed cabdi kaariye qoorta gareen

Leave a Reply to Land of Punt

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented