Dagaalo Culus oo Dhexmaray Deegaanka Soomaalida iyo Canfarta iyo Xogtii ugu dambaysay
Jigjiga ( Kalshaale ) Dagaal u dhaxeeya ciidanka xooga gaarka ah ee Deegaanka Soomaalida iyo ciidanka Deegaanka canfarta ee dalka Itoobiya ayaa saaka ka dhacay galbeedka Gobolka SITI sida tuulooyinka garbe-ciise, dan-lahelay, cadhaytu.
Dagaalkan dhexmaray labada dhinac ah ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, Waxaana Wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Soomaalidu ay ku gacan Sarayso.
Dagaalada ayaa sida ay wararku sheegayaan u dhaxeeya qowmiyadda Canfarta iyo Soomaaida. Dagaaladii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada Tuliguleed halkaas oo khasaaro laga soo sheegayo, Waxaana dagaaladu ay Salka ku hayaan Deegaano ay Soomaalidu degto kuwaasi oo la raaciyey Maamulkii Tigreegu uu raaciyey Canfarta.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay, waxaana la sheegay inTirada ciidanka gaarka ah Soomaalida ee dhimatay ay gaadhayso 9 askari iyo shan shacab ah. Waxay ciidanka Liyuu Booliska Soomaalidu qabsadeen xeradii taliska Liyuu Booliska Canfarta ee ee Gablalu ku taalla, Siday xaqiiyeen mas’uuliyiinta Deegaanka.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42027
Canfar iyo SOOMAALI meel makala taagayaan waa nabad la raadiyaa, waa dad sida SOOMAALI loo qaybshay oo kalae loo qaysaday Djibouti, ERITREA iyo ETHIOPIA. Waana dadka SOOMAALI ugu dhow dhalasho iyo taariikhba, FORGET carab iyo SHEEKO xariiro iyo SIYAAD barre iyo 1975…