MUUQAAL: Muuse Biixi Muxuu kala hadlay Wafdiga ka socday Zambia ee Hargeisa Booqday ?
Hargeisa ( Kalshaale ) Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda dalka Zambia, kaasi oo uu hogaaminayo Wasiirka caddaaladda dalkaas, Mr Gavin Lubinda.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wafdigaan oo shalay gaadhay magaalada Hargeysa ayaa Warbixin ka dhageystay Madaxwaynaha Somaliland iyo Dooda la Xidhiidha Arinta Somaliland , sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.
“Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka iyo halka uu maanta marayo oo ah mid ku timid iskaashiga shacbiga iyo dawladda ka dhexeeya, waxa kale oo uu u sheegay wasiirka taariikhda iyo jiritaanka dawladnimo ee Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Somaliland waxay kala kulantay dhibaatooyin naf iyo maalba leh midawgii la doonayey in Soomaali odhan la mideeyaana uu fashilmay, sidaa awgeedna Somaliland waxay dib ula laabatay xornimadeedii iyo qarannimadeedii 1991-kii, taas oo macneheedu aanu ahayn gobol ka go’aya dalka intiisi kale, balse ay tahay laba dal oo la kala noqday xornimadoodii.”
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka cusub ee labada dhinac u dhexeeya iyo iskaashi labada dhinac ah oo salka ku haya ganacsiga iyo garsoorka.
Sidoo kale intii uu kulanka socday waxaa si toos ah khadka taleefanka ugu wada-hadlay Muuse Biixi iyo madaxweynaha Zambia, Edgar Chagwa Lungu, oo isla qaatay dar-dar gelinta xiriirka iyo wada-shaqeynta cusub ee labada dhinac.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=42017
madaxwaynihii hore ee aarmaajo xidhiidhka zambia waa inuu degdeg ugu jaraa
waa aduunyo madaxa kiu socota madaxwayne waxaa lagu yaqaan dhulkuu xukumo inuu corner ka corner tagi karo,
nin aan two miles maamulin ayaa wax u hadoodileen
geesinimo iyo xiniinyaa qaran lagu dhisaa
imaam dabshid mayla socotaa soo gabagabeeya sheekadii XHKS
TIME IS UPON US WE ARE ALMOST THERE