|

Mahad Salaad oo ka hadlay Wixi Qabsaday Saaka “Ciidanku waxay ahaayeen Kuwa Beesheena ah”

Muqdisho ( Kalshaale ) Mahad Salaad oo ka mid ah 15-kii xildhibaan ee lagu ganaaxay in aysan ka soo qeyb gelin shanta fadhi ee soo socota ee golaha shacabka ayaa ka hadlay wixii ay maanta kala kulmeen ciidamadii ammaanka ee loogu tala galay inay ka celiyaan afaafka hore ee madaxtooyada, si aysan u xaadirin kulankii maanta ee golaha shacabka.

“Isgoyska Dabka iyo Ceelgaabta oo ah irdaha Madaxtooyada laga galo marka loo socdo xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay nagula celiyay aniga iyo Xildhibaano kale oo u socday shirkii Golaha Shacabka.

Ciidamada na celiyay waxay ahaayeen kuwa Booliska waxaana hoggaaminayay saraakiil qaraabada ah oo sida la ii sheegay xalay la soo xulay, malaha Farmaajo wuxuu islahaa hadii wax dhacaan kuwa dhimanaya iyo kuwa laga dhimanayo isku iyaga ha noqdeen.

Ciidamada kale Fahad iyo Farmaajo ku talagaleena waxaa la ii sheegay in ay dhoobnaayeen irida Madaxtooyada ilaa Villa Hargeysa oo ah Xarunta Golaha Shacabka!

Nasiib wanaag ciidamadii nala socday iyo kuwii meesha aan ugu nimid dad qaraabo ah oo isgaranaya ayay ahaayeen.

Saraakiishii ciidamadaas watay waa noo yimaadeen, mana rabo in aan ka faalloodo wixii ina dhex maray lkn waxaan rabaa inaan u mahadceliyo, kuna amaano shaqada ay dalka u hayaan iyo fahamkooda ku aadan marxalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalku ku suganyahay.

Hadaan u soo laabto biyadhaca hadalkeyga markaan oo kale Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “NINKII LOWGA KAA GUBA XAGASHA AYAA LAGA GUBAA”.

Rag aan isdayno wuxuu ku dhaamo la waa ee shirarka jaraa’id iyo sheekadaan aan dhamaadka lahayn inta la iska dhaafo, hayin hala noqdo ama heeryada Farmaajo hala iska dulqaado! “ Ayuu yidhi Mahad Salaad.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=41784

Posted by on Mar 31 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

13 Comments for “Mahad Salaad oo ka hadlay Wixi Qabsaday Saaka “Ciidanku waxay ahaayeen Kuwa Beesheena ah””

  1. Qabyaalad lasoo taagnoow mooryaan waaxid hadalkiisa iyo habdhaqankiisu waa isku mid war waxaan xildhibaan masii ahaan karee baarlamaanka halaga saaro noocaan oo miiran
    Xasan shiikh noocaan oo miiran baa wasiiro u ahaa allaa weyn

  2. Kkkkk mahad salaad iyo dabshid similar isku doon saaran
    Qabiil madaxa ka galay isku mar xamar soo galeen u qaadan la yihiin nidaam iyo kala danbayn in la hiigsanayo iminka dantaa u runsheegtay

    somalia guul. Xooga dalka amnigaa leh.

  3. Waar kan yari waxa uu ku waashay qabiil iyo reer hebel,waxaan hubaa ciyaarahaasi inay iska dhamaadeen.
    Waxaa rag ayaa ka faa,iidaystay oo mar hore xumaan iyo Samaanba ku shaqaytaye kan yari caqli kale hakeeno.
    Reer hebel shaqayn maayo Adana waad og tahay

  4. Max’ed Siyaad ayaa waqtigii
    Xaraaruga Xamar u yeeray

    Xusseen Kulmiye markaas ayuu
    dhahey ” Xusseen maxaa looga hortagikaraa”
    Canaandiidka soo dhaafey
    Balcad iyo Afgooye

    Xusseen Kulmiye oo fahmey
    wuxuu ka xuuraamin Duq Siyaad
    ayaa dhahey

    ” CIIDAN DOWLO OO MIDEYSAN”

    Max’ed Siyaad oo ku fahmey
    wuxuu Xusseen ula jeedo
    ” Ciidan ” kaas ah
    CIIDAN AAN HAWIYE aheyn awalba majirin
    ayagiina waa kala tageen

    Hadda Mahad Salaad kuye
    Qaraabo ayey noqdeen
    Ciidankaan wadaney iyo kuwii
    Albaabka joogey

    * Fahad Yaasiin iyo Maamo KHADIIJO
    oo Ciidamo ku deeqay

  5. Leopon

    Kkkk

    Sxb waad ka hor dhacdey hadalkeygii

    Mahad iyo Dabshid

    Waa Mulkiilayaasha Maamulka Banaadir State of USC

    Naga xishooda, Gobtu waa tii ka xishooto
    SOORAHOODA.

    Caalamka waa laga xishooda
    Ninka Canshuurta dhiibo,
    hadduu Ciidan ku darana Taalo ayaa loo dhisaa

    Lkn qeybo ka mid ah Soomaaliya waxaa
    ugu sharaf badan Ninka
    Xoolaha Boobo
    Oo Ceelka Biyaha Boobo
    Oo Beerta xoolaha daajiyo
    Oo WALIBA NAAG NIN LOO AROOSIN
    JIDKA KA BOOBO.

    * Kudarso ama ka darso

  6. Waxan u fahmay Askariga qoladiina waa inaadeer iyo khayr qabe, waa is garanay, kuwa kalana waa mooryaan iyo Dambiilayaal.

    Ma dadka kuwaasi siyaasiyiin u yihiin baa dawlad noqon kara??

  7. Calaacal.com

  8. Imaam dabshid

    Salaan imaam gudoon

    Qofka xanuun hayaa Marka uu dhakhtarka u tago su’aasha u horaysa ee la waydiiyaa waxa weeye xagee lagaa hayaa oo ku xanuunaysa?
    Ilaa uu tilmaamo dhakhtarka dawo Iskama qoro AMA baadhitaan kale ma galo agoontii kacaanku xanuuna wuu haya mana sheegi Karaan meel laga hayo

    Selection of parliamentarians
    4.5
    Clan member of parliament

    Dastuurka ayaa qeexay aad qorateen in qabiilku Sharci yahay maadaama dawooyinkii kaloo dhami shaqayn waayeen markaa qofka qof kale yidhaahda hebel waa qabiilayste waa tuug bahasha qarsada markay dani ugu jirtana lasoo baxa

    Your indecisiveness forever awaits your offspring
    Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrsataa abid

    If you want to batter yourself fight for it nothing comes easy

  9. Xamar waxaa ka socda sheekadii bisadihii curiga boqradey ee ku yudhi waxaad tahay libaax ee uu libaax ismooday ilamaa maalintii Danbe libaaxii dhabta ahaa soo galay magaaladii wixii bisadihii ilamaa curigii waxa ku dhacay idinkaan idiin daynayaa fahankeeda

    Once a sycophant always a sycophant

  10. waar horta
    HABARGIDIR to
    dhib badana
    hada ninki mahad ahaa ma wuxu noqday
    sunta Daarood ka
    ka ilmey siisa
    waa maxay waxa
    halkan Radio
    dhadhaaab
    qeylinaya
    sunta indhaha
    ee beesha daarood
    miyu noqday mahad uus buur

  11. ASC
    MAHAD SALAAD HORTA WIXII SIYAASADAN KU SOO GALIYEY AMA BARLAMAANKA KU KEENAY BAA QALADKA LEH, WAASE 4.5 INTAAASAAD KU HESHAY RUNTA HADAAN KUU SHEEGO XAMAR INSHAALAAH XABAD KA DHICI MEEYDO DHULKAAN LACAG IYO NAF BAA NAGA GASHAY NIN YAHOW AMA MEEL FADHIISO AMA GURI CEEL AAD SIYAASAD WAX KAMA TAQAANID WELINA KUUMA BILOWNA HEYS XIIJIN FEERA BUUR FEERA TA MMAAHANE HAWIYANA WAA DIIDAY DAGAAL IYO DOWLAD DUMIS XASAN SHEIKH WAAN OGEYN DOWLADIISII XAAN CUNAA ILAAHEY NAGUMA SOO CELSHO TAN KALE NIMAN DANLEEY AH WARKOODU WAA DHAMAADAY BAL FIIRI INAADAN AQLI BARYTIIS LAHEYNINA LABADA NIN EE DOORASHADA DIIDAN MIYAAD XAMAR DHIBKAAN UWLINEYSAAN WAR IDIMA RABO FARMAAJO MAAQAAN KU QABIIL MAAHI ADINKAAN IDINKU QABIIL AHAY LAAKIIN DANTA DALKU MAANTA FARMAAJEEY KU JIRTAA DAY HADALKII XALWEYSTE WARMIYAADAN WAX FAHMINA ARINTAAN KA FEKWRA OO NIMANKAAN AAD DALADA UTIHIIN ISKA TUURA MURSAL WAXAAN LEEYAHAY USBUUCAAN NIMANKA LABADA AH HADAY KEENI WAAYAAN OGOL FARMAAJO UGU DAR 2 SANO DEG DEG AH. WSC

  12. Hadday leedahay ama Hayin noqda ama Farmaajo iska dulqaada iyo isku reer baan noqonay saraakiishii ciidanka watay.!

    Oo adeer waadigii nagnagta hayee ee lahaa waxa dhaca eega’e saw runta maad arag?

    Waar waddanka dawlad ayaa ka jirta madaxweyne ayaa jira,raysal wasaare ayaa jira,raysul baarlamaan ayaa jira ciidan qaran ayaa jira ee ama rag noqda oo hadaad waddanka fawdo ku ogaydeen wakhtigaasi wuu dhamaadee sidii rag lagu yiqiinay idinkoon iswaalin dadkana been ka waraabin iyo goroyo khaakhlayn qorshe aad ku badashaan ninkan aad ka xaaraysaan ummada ula kaalaya maba haysaane mana keenikartaane waayo inaydaan waxba ahayn ayaa la arkaaye ama aayar ummada ka fadhiista ileen inaad bar kuma taal tihiin cidwaliba waa ogtahee oo aanay ahayn maalin walba baroortiina dadka ku asqaysiiya iyo isku reer baanu nahay.Adeer goormaa laga gudbay warkaas.Anagaa 30 sano ka soo laacnay iyo Gooni-Isutaag iyo sheeko ciyaaleede.Dee haddii kale Taiwan iyo Genea Korakari ayaa anagaba caruurtayada lagu maaweeliyaaye adna ciidanka isku reer ayaanu ahayn ku maaweeli caruurtiina.

  13. Boqortooyada somaliya

    Kkkk calooley maanta run buu sheegaye maxaa u diiday markii hore Waa kii lahaa ciidankii wada mareexaan buu ka dhigaye. Car kasoo bax ceelashii biyaha ee wakhtigii Cabdulllahi yuusuf aad u qaxday.

    Wiil xerale

    Mar hadaad shacabka boqortooyada ka mid tahay oo awowyaashaa sidan ku badeen habaar dadkii ku shalay, xoolaha boqortooyada baad raacdaane maxaa shaqadan ku geliyey ileen ma geydide, dhoooobi shut your f******g mouth. You should be looking after animals.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented