|

Puntland Iyo Jubbaland oo War Cusub Kasoo Saaray Xaalada Dalka

Muqdisho ( Kalshaale ) Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay iney walaac ka muujinayaan in madaxda sare ee dalka ee xiligoodu dhamaaaday ay xagal daacinayaan qabsoomida shirka loo fadhiyo inuu ka dhaco Muqdisho .

“Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujinayaan in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomicida shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Labada maamul ayaa nasiib darro ku tilmamaay in muddo dhowr toddobaad ah oo ay joogaan Muqdisho “aysan Masuuliyiinta Dowladdu Federaalku wax is arag toos ah la yeelan si looga arrinsado sidii uu ku qabsoomi lahaa shirkii lagu balansanaa.”

Waxay sidoo kale shaaca ka qaadeen in kulamo ay la yeesheen madaxda saddexda dowlad goboleed ee HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed aysan suurto gelin in guul laga gaaro habkii loo wajihi lahaa qabsoomidda shirka.

“Dadaal ay wadaan Wakiilada Beesha Caalamka si ay shir isugu yimaadaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaan weli hirgelin,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Labada maamul ayaa sheegay inay ka digayaan in wakhtiga kulanka oo sii dheeraada uu keeni karo in masiirka Dalka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco.

“Ugu dambeyntii, waxaan cadeynaynaa in aan diyaar u nahay qabsoomidda shir looga wada arrinsado xaaladda doorashada Dalka ayadoo qabsoomiddiisa loo marayo hab laysla oggol yahay, uuna saldhig u yahay heshiiskii 17 September 2020,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dowladda federaalka weli deg deg ugama jawaabin eedeynta ka timid Jubaland iyo Puntland.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=41759

Posted by on Mar 31 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

19 Comments for “Puntland Iyo Jubbaland oo War Cusub Kasoo Saaray Xaalada Dalka”

  1. Waan ka soo horjeeda qodobka (3)
    Sedaxaad, maxaa yeelay shaqadaan markey
    Joogto meesha ay taagantahey maanta
    Waxaa iska leh RASALWASAARE ROOBLE

    muxuu u gudanwaayey waa baab kale
    Lkn Madaxweynahii hore haddana ah
    Governorka Gedo iyo MUSHARAX-XIL KORORSI
    Waa gacan ku dhiigle
    Waa aqli Majnuun
    Waa dabeecad Qabiileyste xitaa u
    gudbey inuu kala qeybiyo Daarood.

    Ha iska sii jiifo Villa Xamar lkn
    Hay’ad uu maamulikaro MA JIDHO

  2. Saciid Deni iyo Neefkii uu watay oo codsaday in Beesha caalamku soo faragaliso iyaga iyo maamulada kale ee 3da ah.Wali Beesha caalamku la wareerto arimaha Somaliya.

    Jawaavtii la siiyay wiil gumeed Deni kk

    Fransiisko Madera oo ku yidhi Saciid Deni’idinma maamulikaro,oo sharci uma haysano”.
    Beesha caalamku idinma faragalinkartokkkk
    Hadaad diyaar u tihiin faragalin aduunku sidaa u ma sheqeeyo.

    Ma ogtihiin inaad tihiin wadan xor ah?.
    Hadaydaan ku heshiinayn qaabka doorashada wadanka ka dhacda,dee iscasila,oo 5tinan oday iscasila.
    Shock ayaa ku dhacay Ninka madoow ee Madaxa Amisom.
    Waxaa la sheegay ninkaasi shock ka qaaday hadalkij codsigii deni ee ahaa,anagu m heshiinkaro e wadanka noo maamulakkkk

    Isqariya oo 5ta maamul dad kale ha soo doortaan kkkk

    Halkaasi ayuu xaal marayaa.

    Dalmida

  3. Deni Week sii joogi karaa Xamar, sida dastuurka Puntland dhigayo muddo intaas le’eg meel iskama fadhin karo maamulaha Puntland .
    Marka Puntland xiriirka u jarto wada shaqayntii dowladda federalka Somalia oo Hawiye iyo Farmaajo Xamar ku haraan, dee dowlad dhista oo heshiiya.
    Marka hore waxbaa la qasaa sida caruurta marka isku dhalaasho la ooyin.
    Waa cunigii hooyadiis markii kuftay ku qoslay markuu asaga kufay ooyey..
    Allow dadkaaga aqli sii.😷
    Walaahi haddaan gesi cabdulahi Yusuf inta Xamar ka buriyey daanyeentii warlords iyo mooryaan oo kursigii Villa Somalia dhigay in maanata Somali taliban land ka fiicaanteen.
    Now you have a chance–marooley

  4. Kuwani,aadbay u yaqaanaan Mooryaanta ka so jeeda Beesha Hawiye ee 30 sano ka biqleeya Muqdisho.
    Ujeedkoodu waa in dagaal ka dhaco muqdisho..
    8/02/21.dagaalkii qorshaysnaaa wuu baaqday.Waxaa kale oo fashilmay qorshihii laga lahaa banasnbixii barakaysnaaa ee guusha noo horseeday.Banaanbixii aan ku raaxaystay orodkii Mahad salaadkkkkkk
    Waxan ugu yeedhaa,banaanbaxii barakaysnaa.

    .haataan waxaa qorshaysan iskuday labaad.

    In lala meeraysto doorashada oo parliamentku kodhiyo muduxileedka dawlada oo parliamentku go’asmiyo doorasho qof iyo cod.mooryaanta muqdisho oo ay daba socdaan Garoobihii Tegreegu ay dagaal ka ridaan Muqdisho.

    2 isku day oo hore ayaa fashilmay.
    Wax kale looma socdo.

    Dalmida

  5. Fadlan ha oran PUNTLAND iyo jubaland. Ee waxaad tiraahdaa siciid dani iyo axmed madoobe. Mida kale qodobka 1aad iyo kan sedaax waa contradiction way iska hor imaanayaan laba mid ayay noqon in isimada labadaas state ay soo xulaan xildhibaanada saasna doorashada lagu aado iyo in dawlada 2 sano loogu daro teedna doorasho qof iyo cod ah la aado inta ka horaysa nabadiidka meelahay ku suganyihin lagala wareego oo ay ku jirto kismaayo bu aale. Jilib. All lower juba and middle juba.

  6. Kuwaan intay islahaayeen farmaajo xumeeya ayay ayagii jiq kunoqotay alla xaasadnimadu xumaa

  7. L/Puntland.

    Maxaad tiri Dastuurka P/land ma ogola in uu Mr Deni Macalweyne sii fadhiyo Xamar!!!! Oo Su’aal aan kuwaydiiyee Dastuurka P/land imisa Gobal ayaa ku qoran? Ileen haddeer waxaan aragnaa.

    1) G/we
    2) B/so
    Iyo 1/2 G/kacyo.

    Aawey intii kale ee Dastuurka Deni u diidaya in uu Xamar sii joogo muxuu uga hadli waayey Gobolada maqan?

  8. Labadan oday mashruurbay wadan wax maskacdooda badali kara ma jiraan sabobtoo xoolay kusoo qadeen in wadankan qalaalso ka ridaan marmar waxa loo baahan yahay in goaan la qaato dowladan iyo barlamanka waxa looga bahan yahay inay go’aan qaatan goaankasi waa inu noqdaa mid dalka iyo dadka somaliyeed loogu heelinaya labadan oday waa lagu daalay more the 6 months bay somali wareeriyeen aduunki wuu inala yaaban yahay,waxa jira hadii hooyada ilmaheeda ay dhabarka ku sido qaniinyo ku bilaabo dhulkay iska dhigta labadan oday somaliyey aan dhulka iska dhigno halaga tashado sidaan waa doqonimo,maraykanka markii macaaradku weeraray gurigooda cad tii lagu dhigay waa la ogaa ciidankii qaranka la keenay kuwii qaska waday jail baa lagu gurey xataa tweeter ka baa laga mamnuucay dowlada iyo shicinka waa in meel looga soo wada jeesta anagii caadiga aheen ee qurbaha joognay bay na wareeriyeen maxad u maleen dadkan gudaha jooga ee lagu dheelayo toughest decision waa in laga qata waliba labadaba jail la geliyaa sidii cabdi elay or labo sano oo degdeg ah dowlada loo kordhiyaa please ka tashada cadaawahan somaliya in ay dumiyaan ka shaqaynaya.period

  9. Hayaan
    Ina adeerow ha igu daalin wax aad iga ogtahay, Puntland waa beelo isku tegey oo maamul samaystay.
    Beel ka baxday oo weliba qori qaatay. Waxay taagan tahay in la idilo oo dhulkaas goob colaadeed noqdo..ku xoolo iyo dad ku beelaan Somaliland iyo Puntland..
    Weli Harti isku dhamaado…waxaa la goostay in Isaaqa iyo Dhulbahantaha is wata oo isla geel qalanaya in faraha laga qaado…we try and we lost.
    Waxaa la joogaa waqtigii inta dastuurka la furo lakala bixi lahaa.
    Sahalna maaha taas, in tol waxba iskuma darsanayno ku heshiiyaan waa taariiq cusub, wax garadka Majeerteen kuma dhacaan taas…..waa arin cakiran SSC.
    aniga waxaan ku jiraa kuwa aaminsan in dastuurka la furo oo lakala baxo..
    Dagaal xoreyn aniga ma aaminsani…for your information.

  10. Hayaan

    March 31, 2021 – 8:15 pm

    L/Puntland.

    Maxaad tiri Dastuurka P/land ma ogola in uu Mr Deni Macalweyne sii fadhiyo Xamar!!!! Oo Su’aal aan kuwaydiiyee Dastuurka P/land imisa Gobal ayaa ku qoran? Ileen haddeer waxaan aragnaa.

    1) G/we
    2) B/so
    Iyo 1/2 G/kacyo.

    Aawey intii kale ee Dastuurka Deni u diidaya in uu Xamar sii joogo muxuu uga hadli waayey Gobolada maqan?

    @Hayaan su,aashaa aan kaaga jawaabo; dhulka inta kale waxa uu ka tirsanyahay oo xukuma Jamhuuriyada barakaysan ee Somaaliland!kkk

    Sool & Buuhoodle waa Gobol & Degmo ka mida Somaliland. Dhulkaas Somaliland kama guuri karo! Adigu laakiin Gobalka Gedo waad u guuri kartaa! Sii raac Xaarmaajo marka Xamar laga qixiyo!

    kkkkkk
    kkkkk
    kkkk
    kkk
    kk
    k

  11. Waar hashaydii Gedo Land ayaa meesha iiga muuqata.kkk Baarqab Laalays waa doobyayaa, aabihiin la janeeye hasha ii tu-iya /fadhiisiya!kkk kkk kkk

  12. Waa labadii jaajuus oo dhulkii uu ku soo yaraaday, waa qarracan jiq bay ku tahay,waxay ka mareysaa intee ka baxnaa meel alla, u soo aroor aadan yabaal , abaalna kuuma erganee.labadaan jaajuus waa u dhamaatay , mar dhaw ayaa la soo afjarayaa ila meereysadii , ninkii soo joog laga waayo, soo jiifaa laga helaa

  13. Hayaan
    Dastuur waa heshiis ummad ku heshiiyaan…
    Aniga waxaan u arkaa fulaynimo in beelaha ku haray Puntland oo Majeerteen ugu horeeyaan oran karin Dastuurka hala furo oo Sool iyo Cayn hala saaro ama xoog halagu soo xoreeyo..waa laba daran mid dooro..run
    Dhul ninkiisii baa iska leh, meeye Dhuloos????
    Dhuloos sida naagaha ha caytamina..Dhabayaco waa fulayo iyo blahaa blahaa.
    Somaliland raaca waa dad Somaliyeed u malayn maayo in idin xumayn doonaan.
    Harti clan is dead…no love between them..run
    Somalia is on crossraods..Tuuladayda allow i badbaadi ku jirtaa..dagaal ilaahay ka magan galnay, weliba Somali isdilaysa..no winners just, dead Somali boys..
    Goormaa aqli la yeelan🇸🇴✌️

  14. Baarqab aka Koron.
    Waad riyoonaysa jeega wareega oo ku riyoonayso ayuu 1990 dhintay..never ever comming back..Jaajuus kute…kkkkkkk
    Agoontii Kacaan week u haray in Fahmaan Farmaajo iyo Hawiye dowlad Somali ma dhisi doonaan keligood.
    Mar dhow waa la isaga dhex bixin…..caano ka dhan

  15. DANI iyo Ahmed madoobe oo ku beel noqday
    Kenya codsadana In maqaarka
    Madow mid cad loogu bedelo
    Hadana warkii oo dhan
    Beesha cad ayaa iska dooday codsi
    Uga yimid Ahmed islaan iyo Deni
    Ka dib markay codsadeen In maqaarka
    Madow ee eebbe u abuura loogu bedelo
    Mid cad oo lagu sameeyo qaliin
    Jidhkooda waxay kale oo la xiriireen dalka
    Kenya oo Ay ka codsadeen jinsiyadooda
    Arrinta waxaa walaal ka muujiyey
    Ahmed islaan maadaama uu San yar yahay timihiisuna jilicsan yihiin Inkasta oo DANI arrinta la dhacay

  16. L/Puntland.

    Horta waa ku salaamayaa, talabaad weligaa maantaad run ugu dhowyd markaad tiri waa in Dastuurka P/land Furaa oo lakala tagaa!!!!!
    Su’aalse aan ku waydiiyee haddii lagu yiraahdo waar dulmiga iyo maamulxumada iyo kelitalisnimada iska daa mawaxaad oranaysaa hala kala tago?

    Hadalkaaga waxaa ku jirtey P/kand waa beelo wax isku darsaday, haday sidaasi run tahay maxay ku dhacday in haljifo ay weligeed kursiga dalka ugu sareeya ay ku fadhido beelihii kalena ay noqdasn waardiyayasl??????
    Aniga Majeerteen ma ogoli in qodixi mudo walaahay laakiin kama yeelayo in aan ka hoos shaqeeyo.ama cidkale aan u sooco ama gacmaja u qabto cadow ay is hayaan, laakiin idinku waad samayseen in aad cadow gacmaha noo qabteen, ceebtii ugu waynaydna waxay dhavday raggii ku dhaawacmay Dagaslkii SSC IYO SNM oo dhaawacoodii aad u diideen G/we iyo north G/kacyo. Kadibna nimankii H/gidir ee south G/kacyo ay raggii daweeyeen Waa gab gabi dhashay Habargidir.

    Ceebta kaweyn ee aad samayn lahayd maxay tahay ama cadaawada kaweyni maxay tahay wiil inaadeerkaa ah oo dhiig baxaya markaad waxaas ku samayso.

  17. Anigu warkaas ma maqal, dad dhiig baxaya oo la daaweyn, aniga waxaan ogaa Cumar Maxamud hiil u yimid oo Laascanood ku layseen.

  18. L/putland.

    Warkaas aad leedahay Cumar Maxamud baa lagu laayey Sool waa mid aan Sal iyo raad toona lahayn kaba fog xaqiiqda, waayo Cumar Maxamud waa Famliga ugu Ixtiraamka roon marka ka joogo Sool.

    Arinta ragga dhiigbaxaya ee loo diiday Garoomadii P/land ka talinaysey waa xiligii Mr Faroole uu Horjoogaha u ahaa Maxamud Saleebaa waana arrin iska caddaa oo cid waliba ogayd xataa G/kacyo rag Cumar Maxamud ah ayaa ka cadhooday oo ugu tegay Isbitaaladii ay ku jireen dhiigna u shubay.

    Ceebta kale ee Faroole Sameeyeh waxay ahayd markii Maxaabiistii SNM ay ku wareejiyeen Maamulkooda halkii kuwii SSC aan lasoo dayn oo Mandhera ay liinta ku cabayeen. Calaashaan ragaas maxaabiista ah kuma jirin cid Majeerteen ahi. Midhaa waxaad joogtaa qurbe kadibna war xaqiiqo ah ma haysid keliya waxaad qaadataa wixii Maxamud Saleebaan kuu sheego.

  19. Hayaan
    War kuma deeqin karo, laakiin mid baan ogahay colaada aad u qabtaan Majeerteen ayagu idinma oga colaad iyo xumaan idinma qabaan.
    Waad ogtahay Puntland cidna kaa xigin idinka oo gobolkiinii ku wareejiyey Somaliland.
    Walaalahood siyaasadda ka qaldan tahay idin arkaan.
    Beryahaan odayaal Dhuloos oo Isaaq soo diray oo haddaan ammaan gobolkeena noosiin waydaan Garoowe bisadaha ayaa ku hoyan leh ma arag..
    Bootaadii waa yaraatay haddii dastuurka la furo oo lakala baxo kasii fiican.
    Tol deris la noqon oo is eedayn.

Leave a Reply to Land of Punt

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented