|

Muqdisho: Xukun DIL ah oo lagu Riday Dadkii Dilay Axmed Dawlo, Kadib markii Wiil uu Adeer u yahay Gabadh Aroosay

Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo talaado ah xukun dil ah ku riday qaar kamid ah dadkii ka dambeeyay dilkii naxdinta lahaa ee nolosha lagu gubay Marxuum Axmed Mukhtar Saalax (Axmed dowllo).

Maxkamada ayaa xukun dil ah ku riday sadex kamid ah dadkii loo heestay in ay ku lug lahaayeen falkii argagaa lahaa ee lagu dilay Axmed Dowlo.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sadexda qof oo xukunka dilka ah ku riday labo kamid ah yihiin walaalo , waxaana dadka xukunka dilka ah lagu riday kala yihiin Xuseen Iidow, Aweys Iidow iyo Asli Axmed.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa dambi ku weysay afar kamid ah dadkii u xidhnaa in ay ku lug lahaayeen dilka, waxa ayna Maxkamada amartay in lasii daayo dadka lagu waayay dambiga dilka ah.

Kiiska dilka Maxruum Axmed dowlo oo dhacay 20 September 2018 ayaa waxaa dhaliyay markii ay laba qoys oo deris ahaa isku qabteen Gabadh uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay marxuumka la dilay, taasoo ay ugu wacneyd arrimo la xiriira heyb sooc.


Short URL: https://kalshaale.ca/?p=4135

Posted by on Apr 30 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Muqdisho: Xukun DIL ah oo lagu Riday Dadkii Dilay Axmed Dawlo, Kadib markii Wiil uu Adeer u yahay Gabadh Aroosay”

  1. NUURKANEDERLAND

    WAXAA LAGA YAABAA GABADHAAS YAR & GUURKAS LABADAAS YARYAR INUU XUKUNKA MAXKAMADA WAX KA BEDELO.
    LKN (……………..)

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented