|

Madaxwaynaha maamulka Puntland oo la Hordhigay 10-Su’aalood oo Cajiib ah

Garoowe ( Kalshaale ) Madaxwaynaha Cusub ee maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi DENI  oo dhowaan Markuu kasoo Noqday Imaaraadka iyo Kenya  Eedaymo u jeediyey Dawladda dhexe, Xili aanu Booqan muqdisho, Wakhtina u helin sida wax u socdaan ayaa waxaa la Hor dhigay 10-Su’aalood oo miisaan Culus.

1. Muqdisho oo aad ku dhalatay kuna barbaartay, ugana mid noqotay dawladda aad magaca iyo maamuuska ku yeelatay oo aad ku gaartay ilaa musharax Madaxweyne! Maxaad safarkaaga uga bilaabi wayday inta aadan Beesha Caalamka u aadin Abu Dhabai iyo Nairobi?

2. Cumrigaaga Madaxweynaha Puntland waa 3 bil jir kaliya kadib caleema-saarkaagii, bil ka mid ah waxaad ku maqneed Beesha Caalamka, laba bil kale waxaad ku mashquul-naneed dhismaha Xukuumada Puntland iyo Safaradii Qardho iyo Boosaaso! Goormee ogaatay khaladaadka Federaalku galay? Kadib markii la isku cafiyey, bog cusub na la furtay caleema-saarkaagii Garoowe, dhamaadkii Janaayo ee sanadkaan! Mise waxaad raacday File-kii uu ka tegay Madaxweyne Gaas?

3. Safiirada US, UK iyo UAE horay ayaad ugula kulantay Garoowe iyo Boosaaso ee macnaha iyo qiimaha ay u sameynayso reer Puntland in aad kula kulanto Abu Dhabai iyo Nairobi maxay tahay?

4. Dastuurka Qabyada Federaalka waxaa Hooyo u ah Puntland, mana jirto Maxkamad kale oo fasirta! Ee maxaad ku fasiri laheed Qodobka ah; “kulamada Beesha Caalamka waxaa leh kaliya Dawladda Federaalka”?

5. Hal-ku dhega ugu badan ee ay adeegsadaan Madaxda Puntland ayaa ah “dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka”! Puntland miyaa xubin ka ah federaalka? Mise federaalka ayaa xubin ka ah Puntland?

6. Awood qeybsiga dawladaha xubnaha ka ah federaalka! Qodob Dastuurka Qabyada ah ayaa tilmaamaya in dawladaha xubnaha ama beeluhu si siman u qeybsadaan xubnaha Aqalka Sare! Maxaa lagu fasiri karaa qeybta libaax ee ay qaadatay Puntland?

7. Puntland oo diiday bilawgii dhismihii Galmudug, kuna tilmaantay in ay khilaafsantahy Dastuurka Qabyada, kana yartay laba Gobal! Haddii ay hadda rabto in ay wax ka dhisto! Ma Madaxweyne Xaaf oo waqtigiisii dhamaaday ayey wadataa? Mise cid kale? Mise dhihi karnaa faragelintii ay ku eedeysay federaalka ayey iyaduna wadaa?

8. Haddii Madaxweyna Somaaliland uu rabo in uu dadkiisa aqoonsi uga helo Beesha Caalamka! Adiguna aad rabto in aad toos ugu xirto Puntland Beesha Caalamka! Maxaad ku kala duwantihiin?

9. Shirka aad ku baaqday ee Gobalada iyo Federaalka ee Garoowe 2 da May! Sidee ayaad dhex-dhexaad uga noqonee? Kadib markii aad eedeyn usii horumarisay Federaalka?

Dooda su’aalahaan iyo kuwa kale waxa ay fure u yihiin Qaran la wada leeyahay oo ku taagan tiirar adag oo ka duwan kii naga burburay!

W/Q: Dr. Maxamed Gacal

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=4131

Posted by on Apr 30 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

13 Comments for “Madaxwaynaha maamulka Puntland oo la Hordhigay 10-Su’aalood oo Cajiib ah”

  1. SALAAMU CALEEKUM

    JAWAABTA SU’AALAHAASE WAXAA WEEYEE:

    ++++ Maamul goboleedyado, iyo DF waxaa lagu heishiiyey:

    ++ CIIDAN QARAN ha la dhiso… Mamul Gobaleedyado ha soo diyaariyeen 2,000 oo ciidan.. oo se fiican loo tababaro. Midkeeba jiro 18 ilaa 23 jidh.

    kk DF ma yeelin, ciidan beeleed ee ka fadileen, xoogaa maruursade ah iyo xoogaa reer deeni ay qorteen. Ciidan beeleed qaran ma noqdaa…. MOORIYAAN isbaaro ha dhigteen..

    ++ DAWLAD GOBOLEEDYADO waxeey ku hisheeyeen, in DF looga dambeeyo arrimaha debida… wixii dhaqaalo la helo in qaybtooda la siiyo Maamul goboleedka..

    kkk Waxa la siiyey Maaml gobeleedkii ee mucaawanida ma jirto. Lacagihii la helay, waxaa lagu isticmaalay in lagu fara geliyo oo ninka ay rabaan lacag iiyo diyaarado u soo dhiibaan. Wixii soo hadhana Khayre iyo Farmaajo aa meel dhigtay se ay ugu galaan doorashada soo socota ee 2020.

    +++ DF iyo Maamul Goboleedyado waxeey ku hishiyeen in doorasho xal ah laga gaadho doorashooyinka soo socda.. ONE VOTE ONE MAN, inta dawlado gacanta ku haayso.

    KKK DF waxeey ka qabatay arrintaase ma jirto. DF waxeey rabaan in ay sameeyaan sidee ay FARMAAJO ku soo baxay, se lacag ku filan loogu qaybiyo.

    ++ DF iyo Maamul goboleedyado waxaa lagu hishiyey in la dhamaystiro DASTUURKA. waxaa lagu heeshiyey in la magacaayo guddi cusub oo ay ku jiraan xubno Maamul goboleedyada.

    kkk Taase ma fulin. Walee XALIIMO YAREEY aa dadka horboodaysaa… Maamul goboleedyadana weey diideen.

    kkkkkkkkkkkkkkkk TAASE AHAATO:

    +++++ CALINA GAR LEH, CAYDIIDNA GAR LEH ++++

    kkk Meesha Dawlad ma joogto ee ha la qarafsado. Nin waliba ha qaato Daasadiisa hana dawarsado.

    :: Diini yaa u diidayaa in uu daasadiia qaato.
    :: XAAF yaa u diidayaa in uu daasadiisa qaabo.
    :: AXMED MADOOWBE yaa u diidayaa in uu daasadiisa qaato.

    :: LAF-GAREEN IYO WAAREE waa iibsan yiheen, talada kuma jidhaan.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  2. DR GACAL:

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    Ku lahaa caasumadii soomaaliya aad ku dhalatay.

    ILAAH BAAN KUGU DHAARIYEE, MUQDISHU maantay ma tahay caasumad SOOMAALIYEED, mase waa magaalo qabiil?????

    MUQDISHU waxaa ka sharaf badan xagga soomaalida — HARGEYSA iyo BOSAASO, waayo, soomaali weyn oo dhan baa ku dhan oo deggan.

    MUQDISHU, ma ahaa caasumad soomaaliyeed. DIINI hadii uu imanyaayo, waxaa in uu hore u soo ka xaaystaa CUSUB MILITARY oo ilaaliya??

    MUQDISHU is a failed Capital. Its population is still in mind of robbery, looty, killings, full of hateness.

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. Barwaani

    Puntland ma tahay meel ay ruux dumar ah oo Somaliyeed ku noolaan karto?

    Waar Somaliya isma dhaantee faanka iska dhaafa.Maaha dad meel u socda ama keenikara wax dhaama wixii hore.

    Waa isla qayladii,dagaalkii hunguriga,Diyaarad sii raac iyo soo raac.

    Qabiil wax lagu raadsado oo laga dhigtay siyaasad lagu meel maro.

    Dadka waxaa lagu hogaaminayaa qabiil si aanay meel kale u tagin ama aanay wax u dareemin.

    Dalmida

  4. 1 federaalka dadka ksmaxigaan.
    2 somaliland.kuguulaysatay. inay dagaal merlwalba kaga furto puntland sool sanaag. Tukaraq yube.
    3 casuumdaha. Way kufiicanyhin laakiin xuduudaha madifaacikaraan. Gobalda puntland
    4 .madaxweyneyasha puntland soomaray. Iyo kuxigeenka iyo baarlamaanka. Waxay khayanan. Shacabka iyo difaaca. Gobalda puntland si xilka intay hayaan ujoogaan. Shaqa kumalaha inay dadkooda u hagarbaxn. Waxa kakawayn. Safiirka hebel. Yimid iyo federaalka. Oo waxa dantoooda kama hadlaan waxay iska dhigaan inay iyagu federaalka cidwalba wakiil kayihiin. Oo iska indhatiraan. Isku xir ka. Shacabka puntland. Oo ah kuwo. Ay kumaeeliyaan. Xoraynta. Sool .
    5 somaliland waxay isticmaalan. Dagaalka noocwalba. Dhulka. Bada. Cirka ganacsiga. Xuduuda. Beesha caalamka. Ethiopia kiinya. Federalaka. Citiraafka. Safarado beena. Daxayad qaran beena. Kalaqaybin. Hartiga. Maaweelo kuwa federalka kujira. Oo somaliland hoos kalasaqeeya. Idina citiraafka beenta. Anaga nagu daaya inan muqdsho dawlad shaqayn.
    Puntland waxaa loo dhigaa dagaal noocwalba. Laakiin wax mafahmaan siyasiga puntland jooga midka federaalka. Waxay aad I yaqaanaan inay shir qabtaan kaliya intaas ayay ku faraxsanyihin. Xata garooweshir harti ma marti galin karaan. Waa dad aad daba hooda bari hore kasexday. Siyasadafog malaha. 4 sano kursiga weeye. Waa wax laga xumaado hacabka tariikhda s lahaa. In xataa wasiirada madaxwe kuxigeenka .baarlamaanka. dad wax hidisi kara malaha. 12 sano kuwii yimda waxay ku wareegaan arin isku mida. 50 wasiir oo Aan keeni karin sida sool lagu soo jiito. Dhanockasta waxay kutisi dadka madaxda kanoqda maha kuwo. Wax cusub kusoo kordhiya.

  5. Ganaral asad cismaan diyaana. Waan hubaa. Haduu hogaan ka qabanlaha. Puntland. Waxay noqon lahayd. Meel cidanka puntlsnd horumar gaari laha. Sool 7 days buu ku xorayn lahaa. Sanaag iyada wuuba degI lahaa oo fardaha kuciyaarsin lahaa. Besha caalmka wuxuu kulashirI lahaa. Sanaag. Laskiin. Shacabka puntland nasiib kaas waa dhaafay. Wuxuu ahaa shaqsiga loo gu tageero badanaa shacabka. Wuxuu soo tabablahaa meelkasta oo puntland xuduuda ah. Geesigooda puntland ayaga ciila. Sarakisha puntland waa ciila hadba kii xulka qabta. Laskiin somaliland sarakisha way qadiriyaan. Puntland marabaan qof wax yaqaan waxay kahormariyaan. Doqon ka fulay ga. Mid aan wax hindisI karin. Bilaa karitiya. Casaynsan karin wuxuu rabo. Xagee wax kadhexeeyaa .orod. somaliland waxay aad ujelayeen inuuSan .ganaral asad. Soo bixin waxay aaminsanayeen haduu madaxweynaha noqdo. Wiilasha dhulbahante cidanka wada noqon lahayeen. Isna doolar umiisi lahaa. Oo somaliland danbe iyi qaran halkass kusoo afjarmi lahayd. Waayo waa deeqsi sida kashegaya. Xaga ciidanka wuxuuna ahaa raga farkuturidka ee puntland jecel.

  6. MR. BAHAL:

    Maya, PUNTLAND waxaa iska leh HARTI DAAROOD. Meel qof shisheeya uu ku noolaan karo ma ah. Waa maamul qabiil.

    Laakeen, PUNTLAND Caasumad soomaaliyeed ma sheegtaan. Waa maamul qabiil.

    GAROWE iyo BOORAMA waa isku mid. Faraqa u dhaxeeya waxaa weeyee, GAROOWE Maxamuud Sulaymaan baa maamusha. Halka BOORAMA ay lagu maamulo dad aan jeclahay ee SAMAROON.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  7. Barawaani

    Waad mahadsan tahay.Qofku inuu runta sheego dadnimo ayaa ku jirta.

    Meel aanay ruux dumar ah oo Somaliyeed ku noolaankarin meel maaha.

    Waxani waa cudur haya dadka Somaliyeed oo moodaya inay caafimaad aqaan.

    Dalmida

  8. Waxaan la yaabanahey Aqliga Dabato

    Xamar ma hoostagno, dhariga Xamar ku darsanmeyno Sanuuda Hiuriga Boosaaso laga helo.

    Hadaba,oo hadana

    – Waxaan u xanaaqsanahey, oon u xanaaqeynaa in Naloo dhiibo Qasnadda lagu xareeyo Canshuurta Xamar.

    – Hade ogow hoostag iyo shirko lama noqonhayo Xamar.

    -Mahbarnimo, Qeylo, Qorax iyo Qabyaalad waaye wax soo saarka Bari.

  9. Dani waxaa la weydiiyay maxaa mucaaradka idinka dhigay. Ku lahaa. Waxaa nalaga qaaday odagii bangiga joogay. Mana loo dhiibin qof besheena ah. Kkkkkkkkk.

    War ileen tanoo kale. Walaahi wexey istaahilaan xitaa cawad in la cayriyo. War dheraga debka Saaran wax ku darsada. Ama nacasnimada iyo calaacalka iskadaaya.

    Waxaan islahaa cismaan maxamuud waa laandheraha maxamuud salebaan oo isbedel ayey la imaan donaan. War waaba xeyraan kale.

    Burhaanbaa yaabay

  10. Waxaan ina gacal xarxariqay sax iyo khaladba way

    Is ugu jiraan lakiin muhiimada ugu wayn waxa weye

    Reer puntland inay tagersan yihiin madaxda dalka

    Iyo in hada ay socoto diyar garowga shirkii horay

    Loogu balamay in xaal waara laga garo sidii ay u

    Wada shaqayn lahayen mamulada iyo dowlada

    Dhexe

  11. Daanyeerka suaalaha waydiiyey Madaxweyne Deni waan ku qoslay…..kkkk
    Suaalihiisa in u jawaabo waqti uma hayo laakiin waxaan xasuusin dalku waa federal, ninka maanta sugaya in Xamar oo HAG iyo agoontii kacaanka qabsadeen oo in guul-wadow-Siyaad Galkacyo kasoo qaado suga= Daanyeer. kkkkk
    Walaan maanta dhulka Uduga xitaa Xamar wax u ogeyn…
    Somalia haddii rajo laga qabo waa in Federal iyo wada tashi xoogaa la saaraa.. Haddii iska biqleeeya..kkkkk
    Maxaa daanyeer oo dhan Puntland ku mashquuliyey?
    Dalku ma puntland keliyaa baa????🦅

  12. Puntland in bisayl dowladnimo gaartay, waxaan ogaaday markii Deni doorteen oo Gaas tuureen..
    Gaas waxba kama qaldanayn oo wuu dadaalayey parafoor Gaas laakiin Deni waa nin og waxa Puntland maanta u baahan tahay Puntland iyo Somalia..
    Nin degen oo tilaabo kasta u cabirantahay..
    Reer Puntland waxay doorteen ninkii waxa ka dhiman waxka qaban lahaa..
    Vivo Deni.. I love the guy, markaan aqriyey barnamishka u degsan 5 sano soo socota.
    Vivo Deni👌

  13. Somalia waa lakala baxay, gobolo wax qabsaday iyo kuwo mooryaanimo iyo dowlad la’aan u dagaalaya si bililiqo ugu jiraan iyo kuwo agoontii Kacaanka ah oo Jaale oo kale u yimaado……
    La kala bax Somalia.
    Isaaq diide Somalia mid ah, Hawiye diide in Somalia dowlad ka dhalato…
    Wada qaska bal cidda caano laga dhamo…🤓

Leave a Reply to Garqaad

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented