|

Sheekh oo Xog ka bixiyey Wixii Dhexmaray Madaxwayne Farmaajo iyo Arimaha uu kala hadlay

Muqdisho ( Kalshaale ) Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  ayaa war kasoo saaray kulankii uu habeen hore madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay inuu madaxweynaha kala hadlay saddex qodob oo kala ah, xaaladda amniga dalka, xiriirka dowladda iyo maamul goboleedyada, iyo doorashada 2021.

“Waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay nagu casuumay kulan qada-sharaf, iyo soo dhaweyn isugu jira oo aan sidoo kalena kaga wada hadalnay marxaladda uu maanta dalku marayo.

Waxaan si gaar ah iskula soo qaadnay aniga iyo Madaxweynaha duruufaha amniga ee dalka ka jira iyo sida loo sixi karo, xiriirka sii xumaadey ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo habka ugu wanaagsan ee loo xalin karo iyo xaqiijinta qabsoomidda doorashada 2020/2021 dalka ka dhacaysa.

Madaxweynaha oo martiqaadka kulanka noo fidiyay waxaan kaloo la wadaagnay sida ay xisbiga Himilo Qaran la tahay in lagu xalin karo dhammaan tabashooyinka muuqda ee maanta dalka ka jira, wuxuuna naga ballan qaadey in doorashada 2020/2021 dalka ka dhacaysa ay u qaban doonaan si xor ah oo xalaal ah.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=4125

Posted by on Apr 30 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

15 Comments for “Sheekh oo Xog ka bixiyey Wixii Dhexmaray Madaxwayne Farmaajo iyo Arimaha uu kala hadlay”

  1. Waa talabo wanagsan in madaxdii hore VILLA da

    Qado qaran ka cunan sona boqdan barxadii

    Bunaysiga war hasan kheikh na hala casumo si uu

    Jawi degan ugalo haloo diyar garobo gogasha taal

    Garoowe oo hurmud ay ka noqonayso federaalka

  2. Hadeey cadaato loo ciyoow.

    Madaxweyne shariif waa in uu badbaadiyaa wiilkii uu saaxadda siyaasadda keenay.

    Ma xumo haduu maqlaa talada abkoow.

    Hal qodob aad ayaan ugu tageeray madaxweyne farmaajo. Federal qabiil in ilfaha loo laabo.

  3. Shariif oo soo nqoday.Xasan sheekh oo isdiyaarinaya.

    Dr Gaani oo Mucaaridka ku shirinaya Kenya.

    Deni oo qabqablayaasha Gobolada ku shirinaya Garoowe.

    Xagee loo socdaa?

    Maxaa isbadalaya oo soo kordhaya Farmaajo iyo khayre ka bacdi?

    Dalmida

    Maxaa isbdalaya?

  4. Acww:Akhyaareey waxaan arkaa Sheekha oo madaxweyne ah.
    Inta media laga sheegay inta aan laga sheegin ayaa ka badan,arrintaan haddii ay run tahay Xasan sheekh bye bye waaye.
    Shariif ayaa madaxweyne ah nin Isaaq primister waxaana u arkaa arrin positive ah.
    Aqalka sare in meesha laga saaro ankee meesha kama marna shariif go ahead ayuu ka haystaa wiilkiisii uu saaxada soo galiyay haddii ay dhab tahayna nin abaal gudo dheh halka Gaas uu cunay waliba si fiican u cunay ninkii saaxada soo galiyay.

  5. Somalijcel

    Runtii anba waxaan dareemay arintan maalintii uu sheekhu soo galay Muqdisho.Kalsooni wayn ayaa ka muuqatay sheekh shariif.

    Kolay wuu dhamaa Xasan sheekh,iyo waxa meesha maraya oo dhan.Laakiin waa Raysal wasaaraha laga dhigaa cid kale oo aan ahayn Daarood si looga hortago buuqan malaayacniga ah ee Somaliya horyaala.

    Dalmida

  6. Ok hadii shiikha AAN UWADA HIBAYNO KURSIGA UU HORE USOO MARAY OO AAN KAN KHAYRE KUFADHIYO SIINO BEELAHA WAQOOYI MUUSE BIIXI IYO BEESHIISU MA OROMO BAY SHEEGANAYAAN OO NOOGA GAYNAYAAN BIR MAGAYDADA EE WAL XAL ?

  7. Tankale walaale YAAL reerka daaroodka WAA Umad aad iyo Aad U balaadhan EE bal IYANA WAX Uqoondeeya Dee kolay kuwii hore ba Waxaan Beesha majeerteen ahayn WAX kama dheefsan jirin e

  8. Mr bahal. Iyo Somalijecel.

    Kkkkkk

    Anna waxaan qabaa. Madaxweynaha soo socdo. In uu xasan cali kheyre yahay. Raisulwasaarana ka yahay. Dr beyle.
    Wasiirka arimaha gudaha maamo khadiijo. Wasiirka arimaha dibadda. Saadaq warfaa.

    • ASC.
      Jirjiroole gelimba waa cayn, mar waxaad arkaysa isagoo DAC dhex galgalana Marna waxaad is tiraah ILAAHOW yaa kano kale noo badiya WAR reer Garasbaaley, kan aan la xisaabtane DHINAC noga badiya. WBT

  9. Asc . Aniguna waan idanku raacsanahay arrinka ah : Hadduu mid horay noosoomaray soolaabanaya ha ahaada Sheekh Shariif Sheekh Xasan .

    _______
    Shirka ay ku baaqeen maamulgoboleedyada waa mid lid ku ah haykalka dawladnimo . Waa mid loo agaasimay qaab aan qorsheysneyn , waa shir ama kulan lagaga dhawaaqay hal dhinac . Waxuu QULBAYAA shaqooyinka kala duwan ee xafiisyada . Madaxda maamulgoboleeydada iyagoo fadhiya miiskii ay ku shireen ayeey go’oon ku gaareen iney shir degdeg ah ugu yeeraan madaxda sare ee federalka ! Hadey KU adkeystaan shirkaas waa in loodiraa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha . Hoggaaminta shirkana waa inuu ISAGA la wareegaa . Sidoo kale waa inuu shirkaasi kasoo baxaa hal qodob oo kaliya ! Kasoo ah” Shirka waxaa lagu go’aamiyey iney madaxda maamulgoboleedyada iyo kuwa Federalka yeelandoonaan shir kale oo muhiim ah .
    Kooxdan qabqableyaasha gobolada
    Waxay soo ogaadeen iney ku qaldanaayeen diidmadii shirkii luuguyeeray ee ka dhicilahaa Xamar . Caro-celis.com
    _____
    Haloo dira agaasime ama wasiirku-xugeen lasoo qorsheeya KULANKA saxda ah iyo Goorta /goobta .

    Eesh-qiyaasakum

  10. Sheekh Shariif Sh . Xasan , mise Sheekh Shariif Sh. Axmed ?

  11. Anigu had iyo goor labada virus ee aan ka dhashay Hawiye imo Daarood in uu dhamaado waan qabaa.
    @Garqaad masaalixda dalka haddii laga dhex arko in ay daarood shacabkooda ka mid noqdaan ma awalbaa wax iga soo gaarayeen madaxweyne,primister,ama wasiir Daarood ama Marexan,waxaanba ka qaadnaa dafiraad eed iyo ankee xaquuqdii basic ee aan lahayn degaan ahaan bal u fiirso.
    CC iyo Gaas inta ay u qabateen Puntland.
    Gedo head of state(Xasan) ayaa u tagay ankee mushaarada schools oo ku taagnaa waa u quuri qaatay.Saacid ayaa tagay sidoo kale 1bridge noo dhis ayaa la yiri waxaa la I dhahaayaa Marexan ayaa qaranka u boobtay kkk Farmaajo kan ugu xun dhinac marka laga eego,dhinaca kale Mareexaanku sow muwaadiniin xaq dalka ku leh ma ahan?dib ugu noqo MJ waxay ka qaylinayaan 1 xafiis etc dawalada aad arkaysid 1 wasiiro dawlo c ah waliba wasaarado awqaaft ayaan nalaga siitay.Waan qabaa marka dalka in loo tanaasulo 4 sanno waqti badan ma ahan
    Waxaan u malaynaayas qoladaan ilkayarta xagga wax qaybsiga wax dhaamaba Somalida kuma jiraan,waxaan hubaa Daarood intiisa kale in ay ka iimaansan yihiin thanks wax qaybsiga ku dhex noolaadhaha imo waxeeda cunka qolyahaan kale qaylo un baa kasoo yeeraysa.

  12. C/ raxamaan.
    Asc macalin. Adigaan kugu raacay. Haloo diro agaasime. Midda kale shirka waxaa lagu go.aamiyay Kenya. Xitaa hadii maamuladu dalka gudihiisa ku shiraan ee dowladda gogol ugu yeraan waa wax loo dulqaadan karo. Laakiin Kenya ayaan beesha caalamka kula shirayaa hadana gogol ugu baaqayaa dowladii dhameed. Maaha wax ay qaadan karaan shacabka somaliyeed ee xanuunka qabiil la daala dhacaayo.

    Qeybi oo xukun.

  13. NUURKANEDERLAND

    YAA NABADA & NOLOSHA SOOMAALIYEEY INOO DIIDAN?
    DABCAN WAXAA INOO DIIDAN WAA(USA & UK) & INTA AYKU ADEEGTAAN EE KABANKA U HAYSA…
    DHIIGA SHACABKA SOLMALIYEED WAA MASHRUUC!!.
    HA ILAAWIN DIGNIINTAYDII:-
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISRAEL FINGERPRINTS ALL OVER 9/11 ATTACK’s.
    WASHINGTON DC & TEL AVIV WAA ARGAGAXISADA KOOWAAD EE DUNIDAN.true story!!!!.

  14. ASC.
    Anigoo ka xun-weliba waxaan ku raacay C/Raxmaan & Garqaad HA LOO diro wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha. WBT

Leave a Reply to somalijecel

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented