|

MUUQAAL+Warbixin: Laba Sarkaal oo Ciidanka S.land ka Tirsan oo la dilay, Muuse biixi iyo Suldaan ka hadlay

Laascaanod  ( Kalshaale ) Laba Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ayaa dil loogu gaystay  Deegaano ka tirsan Degmada GAR-ADAG, Waxaana dilkooda Xaqiijiyey Ehelada Labada Sarkaal oo warbaahinta l ahadlay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta  Iyo Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag ayaa Dilkan waxaa u gaystay Dablay Hubaysan.

Suldaan  C.raxmaan Axmed Sh. Muxumed ayaa xaqiiyey in dilkaasi loo gaystay Labada Sarkaal, Wuxuuna sheegay inay ahaayeen Eheladiisa,  Wuxuuna Suldaanku xusay in Dil Qorshaysan lagu dilay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal tacsi ah ka diray Geerida Saraakiisha, Wuxuuna laamaha amniga ku Faray inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Saraakiisha Jidka ay u galeen Dablay kasoo jeeda Beesha Bariga Burco (Habarjeclo) Waxaana la xusay inay inay kasoo jeedaan Gobolka Awdal Islamarkaana ay Nabad ilaalin u joogeen deegaanka Gar-adag.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=4118

Posted by on Apr 30 2019. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “MUUQAAL+Warbixin: Laba Sarkaal oo Ciidanka S.land ka Tirsan oo la dilay, Muuse biixi iyo Suldaan ka hadlay”

  1. Asc aleh ha u naxaristo
    Labada mayd ee dhintay
    Caruurti iyo hoyoyinkay ka
    Baxeena samir ha kasiiyo
    midkale ilahoow reer bari
    Colaada iyo cuqdada ka saar
    Oo roob sii anagana sidoo kale
    Dhibka nagasaar oo roob nasiiy

  2. ASC.
    Horta, abidkay marnaba madhihin Madaxda Dawladda Somali ha dhacdo, sababtuna WAA waxaanan aqoon kuwii aan ku bedeli-lahaa, Dabeeca-daydana ma aha UL MUGDI ku tuur. *Waxaa kale oo aan marna ka gaabsan inaan dhaliilaheeda farta ku fiiqo anoo raacina sidaan xalka u arko. *Haddaba waxaan kula talina Farmaajo/Khayre;
    1.Yuusan idin qaadin xukun jacayl.
    2.Haka qayb gelina shirarka shirqoolka.
    3.Shir kasta waa in lagu qabtaa XAMAR.
    4.Xoogga saara la-dagaallanka Shabaabka gudaha; xubnaha Baarlamaanka ku jira, Xukuumadda, Ciidanka, Saxaafadda qaar & Shabaabki caadiga ahaa.
    5.Shib ka dhaha amaba xabsiga dhiga kuwa Baarlamaanka ku jira oo eedaynta Dawladda suuqyada la taagan, Sharcigee u ogolaaday?. Dambiga waxaa iska leh Guddoomiyaha Barlamaanka oo xakkamayn waayay xubna Baarlamaanka. °§*Bal aan weydiiyo jaalle Garqaad waxay ku kala duwanyihiin Markuu C/Raxmaan C/Shakuur banaanada ku eedayna Dawladda & sidoo kale markuu Fiqi Suuqyada Dawladda ku eedayna?!!!. Ha cararin ha baqan.
    *************************************************** .
    Waxaan ku darsana, Waxaa jira shaqsiyaad lagu tilmaamo Karti & Hufnaan Dabeeca-doodu si gastaba ha noqote; Jen. Saciid Dheere, Cali maxamed Geedi, Cabdi Qaybdiid, Jen. Muxiyaddiin Axmed Muuse kuwo kale oo gadaashay soo baxay MARKA waxaan leeyahay Farmaajo/Khayrow raggaa baalka gashada. *Akhyaarta Barxadda ii dulqaataa Haddaan erayo qallafsan adeegsado Waxaan ahay Oday ummad xukumi jiraye. WBT

  3. Mad madoobe allah ku yaqaan
    Anaguna odhanmayno ha dhacdo dawlada
    Somaliland lakin waa dhalilayna oo
    Farta waa ku fiqaynaa . Waanad mahadsanty islan axmed

  4. ASC.
    Rooble saaxiib, waxaan ka soo jeeda 5shan wiil kii ugu yaraa (Yaraan/Yeber M/weyne) marka halkeen isku arkayna saldano Balse dhinaca kale 7doba fac 5baa kabo qabiilo ahaa oo ANIGAABA lay koolkoli jiray inaan noqdo kii 6xaad MARKI Layla soo bareerayna WAXAAN reerka ku iri; “Waa jago u baahan in reerka lagu dhexjiro anna DUULIYAAN ahay oo weliba reer magaal ah, jagaduna dhaxaltooyo ma aha ee mid karti leh reerka ka dhex raadsha”. Bal day! Garqaad ma diidi lahaa DAAÚD gaardisi?. WBT

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented