|

VIDEO+Sawirro: Madaxwayne Farmaajo iyo Booqashadii Ardayda ee Maanta

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dugsiyada dowliga ah iyo ardayda dhigata waxa uu ka dhageystay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed, iyadoona uu faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay ugu hirgelin lahayd dhammaan muwaadiniinteenna fursado waxbarasho oo tayo leh.

“Waxbarashadu waa aasaaska qofka bini aadamka ah. Muhiimad weyn ayey noo leedahay in ubadkeenna aan u sameyno fursado waxbarasho oo tayo leh, mana ahayn maanta in aabbe iyo hooyo Soomaaliyeed ay ka walwalaan waxbarashada ubadkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waqti kooban la qaatay ardayda dugsiga Wiil-waal, kuwaas oo u fadhiyey imtixaanka Hoose Dhexe, waxa uuna kula dardaarmay in ay rumeeyaan rajada qoyskooda iyo midda Qaran ee laga sugayo.

Dhankooda, Ardayda uu booqday Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay in kormeer iyo qiimeyn uu ugu yimaado, waxa ayna sheegeen in dardaarankiisa iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey ay qiimo weyn u leedahay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARBIXIN

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa kormeerkan ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=4109

Posted by on Apr 29 2019. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “VIDEO+Sawirro: Madaxwayne Farmaajo iyo Booqashadii Ardayda ee Maanta”

  1. ASC.
    Farmaajo/Khayre, WAA idinka mamnuuc inaad ka qaybgashaan shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha Maamulka Majeerteen Deni. Shirkaasi waa mid lagu dhaawaca Dawladnimada Somali. *Waa mid ay ka dambeeyaan kuwaan lagu magacaabo BULSHADA Caalamka (isticmaarka Jadiidka). *Waa mid adduunka looga dhaadhicina inaysan Somali lahayn Dawlad Dhexe.
    °§*°§*Madaxweynaha Hirshabeelle, adeer shirkaa kama qayb-gelikartid, waa shir lagu dhaawaca himilada Somali. WBT

  2. Shaqadii madaxweynaha intaas ayey kusoo aruurtay.

    Waa waxaan dib danbe cirbad ceel loogu sahmin.

  3. KKKKKKK @Garqaad kkkkk cirbad ceel loogu sahmin doonin.
    Anigana halkaas ayay iga taagan tahay Muqdisho however is my capital millions of international aid meel kale ma aadin.
    Sow malaayiinta Somaliyeed Muqdisho oo ugu dhaqaale badan dalka in wax laga siiyo ma ahayn?FG:Lacagta ku baxda schools iyo shaqaalaha ma ahan canshuurta gobolka.
    Anigoon ka xumayn ayaa haddana cadaalada in laga hadli wax diidaya ma lahan,sidii oday MS Bare uu ku socdaa dal dhan 1 magaalo xaqna ma ahan.Muqdisho haloo badiyo laakiin waxaa jiro magaalooyin dadka wax haystaa ama shaqeeyaa ay la eg yihiin number cayaalka school jooga.

  4. Anigu waxaaban leeyahay waa in wax layska waydiiyaa innay xamar sii,ahaan karto caasimadda somalia!
    Haddii aad eegto dhaqanka dadka reer muqdisho xamar manoqonkarto meel hanana karta caasimadda somalia.
    Dhibka iyo boobka kajira xamar wuu xadi dhaafay meesha uu gaadhay cidna looga sheekaynmaayo,weliba yagii ayaa isla siisaxan.
    Markaad eegto siyaasiyiintoodda iyo waxgaradkaba xamar ma,istaahisho caasimadda somalia 🇸🇴.

Leave a Reply to Garqaad

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented