Maxaad ka taqaan Dr. Abdiraxmaan Cabdi Xaashi iyo Taariikhdiisa ?
Muqdisho ( Kalshaale ) Soomaaliya waxay maraysaa marxalad adag oo ay u baahan tahay sidii looga saari lahaa xaaladda qalafsan ee ay dhinac walba kaga jirto, hadday noqon lahayd; Amniga, Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqo la’aanta, iyo xaaladda aanay dadka Soomaaliyeed dhaafin isla markaana aanay danaynba xattaa haddii laga hadlo, noloshooda iyo jiritaankooduna ku xidhan yahay oo ah isbedelka deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa, hadday noqon lahayd nabaad guurka , xaalufka, bacaadka fidaya, iyo biyo yaraan dhinac walba ah, hadday noqon lahayd roobkii oo yaraaday, ceelashii oo biyo yareeyey iyo wabiyadii Soomaaliya oo dhawaan ay u muuqato in ay goobtaba ka baxayaan.
Intaas waxaa dheer loollanka siyaasadeed ee gudaha kaas oo ah ka Soomaalida ka dhexeeya oo aan markaliya degin tan iyo markii xoriyadda la qaatay, xaaladda dalku ku sugan yahayna ay u tahay sabab, ilaa maantana ay adkaatay in xal loo helo, marxaladdan cakiran, dhibta Soomaaliya ka jirta oo ah mid siyaasadeed waxay weyday dadkii ehelka u ahaa ee fahmi lahaa qaabkii ay u maarayn lahaayeen.
Loolanka siyaasadeed ee kale ayaa wuxuu yahay kan Soomaalida iyo dalalka ku hareeraysan ka dhex aloosan, iyada oo damaca joogtada ah ee lagu hayo hantida Soomaaliyeed dhul iyo badba ay ahayd mid ay isu kaashadeen dawladihii Soomaaliya kala qaybiyey iyo kuwa haatan dariska la ah ee deegaanada Soomaalida qaybo ka mid ah ka taliya, waxaa jira isna xidhiidhka Soomaaliya iyo caalamka oo isaguna u baahan in ilgaar ah lagu eego.
Xaaladahaas oo dhan ee baaxadooda leh waxay u baahanyihiin xilligan aragti cusub oo isla markaana leh waaya-aragnimo qotodheer oo ka duwan aragtiyihii hore loo soo tijaabiyey 21 sano ee ugu danbaysay ee dalka Soomaaliya ay ka jirtay xukuumad caalamku garawsaday in uu la shaqeeyo, hase yeeshee markasta ay dhibaatadu ka imanasay hoggaanka xilka haya oo aan faham qoto dheer u lahayn halka ay dhibaatadu ka soo burqanayso, markastana lagu dayey dawo aan ahayn tii abbaaraysay halka ay bakteeriyadu deegaanka ka dhigatay, sababtoo ah maanta oo laga joogo 21 sano kolkii Carta lagu soo yagleelay xukuumad Soomaaliyeed oo dalka ka hawlgasha ilaa iyo maanta dalka Soomaaliya maaha mid mideysan siyaasad ahaan, mana ah dal nabad galyadiisa ay xasiliyiin xukuumadihii isaga danbeeyey, ilaa maanta dalku malaha ciidan Soomaaliyeed oo hantay nabad galyada deegaanada laga ogolyahay federaalka, kolay ku tahay magaalo madaxda Muqdisho, waxaana maanta dalka ka jira labada xukuumadood iyo laba cashuurood oo is dhinac socda.
Arrimaha kale ee iyaguna jira ayaa waxay yihiin in loo baahan yahay in la abbuuro kalsooni siyaasadeed oo ka dhex dhalata bulshada Soomaaliyeed ee aad ka u kala shakiday 40kii sano ee ugu danbaysay oo dhinac kasta oo Soomaaliya tiirkiisa hayaa shaki weyn ka qabo dhinac kale ee ay siyaasadda dalka wadaagaan, waana sababta ilaa maanta dalku u xasili la yahay, loogana bixi la yahay 4.5 iyo in beel waliba dhufayskeeda ku soo jirto, oo dhammaan xukuumadihii dalka soo maray ay abuuri kari waayeen kalsoonidaas, waana halkan goobta ay u udhimanyso siyaasadda Soomaaliyeed ee ay ugu baahi badan tahay hoggaamiye aqoon u leh amniga ,dhaqaalaha, maaraynta siyaasadda isla markaana tala qabeen ah, diyaarna u ah in uu ka ag dhawaado dadka ehelka u ah xalka iyo garashada.
Ragga wadaniyiinta ah ee fahansan xaaladda dalku ku sugan yahay ayaa waxaa ka mid ah Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, haddaba waa kuma Dr. Cabdiraxmaan?
Musharax Madaxweynaha Soomaaliya 2021
Wasiirkii hore ee Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: 2017- 2018
Xoghaynta Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada: 2017- 2018
Musharax Madaxweynaha Soomaaliya 2012
Dr. Cabdiraxman wuxuu shaqadiisii xirfadeed ee hanti dhowrka ka bilaabay magaalada New York shirkadda xisaabaadka ee Coopers & Lybrand (oo hadda ah PriceWaterhouseCoopers) sanadkii 1982.
1985 – 1986, wuxuu u wareegay in uu ka shaqeeyo waaxda khasnadaha iyo suuqyada caasimada ee Citibank / Citicorp sanadihii 1985 ilaa 1986 xarunteedu ahayd New York wuxuuna ka noqday maamule hanti dhowre.
1987 – 1988, wuxuu ka shaqeeyey Salomon Brothers oo ku taala New York isagoo ahaa falanqeeye sare oo maaliyadeed oo warbixinno iyo talaba siiya ganacsatada waaweyn ee howlahooda gaanacsi iyo sarifka lacagaha qalaad kaga hawlgala New York, London iyo Tokyo.
1989 – 2004, Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa madaxda Bangiga Adduunka (World Bank) Markii ugu horreysay, wuxuu ka shaqeeyay waaxda Kontrollerka ka dibna wuxuu u wareegay waaxda khasnadda iyo suuqyada raasamaalka halkaas oo uu ahaa maamule sare, wuxuu kormeeray xisaabaadka iyo warbixinta dakhliga go’an iyo soo saarka qalabka. Wuxuu sidoo kale horseed ka ahaa hirgelinta nidaamka dalabyada loo adeegsaday in lagu cabiro oo lagu maareeyo khatarta dhaqaale ee ka dhalan karta muddada dheer iyo khaladaadka hantida iyo deymaha ee ku jira warqada dheelitirka Bangiga Aduunka oo gaadhaysa USD 115 bilyan.
Waxbarashada iyo khibraddiisa ballaaran ee Cabdiraxmaan u leeyahay dowladda, iyo Wall Street iyo Bangiga Adduunka waxay siinaysaa aragti gaar ah iyo fahamka xiriirka ka dhexeeya qaybaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowliga ah ee dhaqaalaha, iyo gaar ahaan doorka muhiimka ah ee waaxda maaliyadeed iyo bangiyada ee ay ka ciyaaraan kobcinta ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha.
Intaa waxaa u sii dheer, khibrada iyo aqoon qoto dheer ee ballaadhan iyo muhiimadda iyo doorka hay’adaha, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, in dalka lagu hago siyaasad maaliyadeed oo wax ku ool ah iyo tallaabooyinka sida abaabulka kheyraadka gudaha, miisaaniyadda iyo kharashyada dadweynaha iyo awoodda isbadalka ee tikniyoolajiyadda iyo hal-abuurnimada suuqyada soo if baxa ee aadka u rajada badan uguna macquulsan sida Africa iyo adduunkaba.
Aqoontaas qotoda dheer may noqon mid aan la tijaabin, Dr. Cabdiraxaan intii uu ahaa wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda 2017-2018 , waxa uu wasaaradda ka hawl galiyey sharciyo dhaxal gal ah oo dalka Soomaaliya faa’iido qoto dheer ugu jirto, waxa kale oo uu salka u dhigay qaabka ay u wada shaqayn karaan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo dawladaha doonay in ay Soomaaliya iskaashi kala sameeyaan dhinaca hantida Kalluunka ee Soomaaliya leedahay.
Dr. Cabdiraxmaan mudaddii u wasiirka ahaa waxa kale oo uu salka u dhigay qorshihii deyn cafinta Soomaaliya kolkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya kulamadii ugu horeeyey ku jaahwareertay qaabka ay uwada shaqaynayaan IMF-TA, taas oo keentay in xukuumaddu uga maarmi weyday in uu hogaamiyo gudiga dhaqaalaha, noqdana Xoghaynta Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada,
IMF waxay dhawr jeer Dr. Cabdirahman ku casuuntay inuu ka qeybqaato shir heer sare ah sababo laxiriira dhaqaalaha, iyo aqoonta uu u leeyahay , wuxuu ahaa udub-dhexaadka khudbadaha iyo soo-jeediyaha shirarka caalamiga ah ee Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Bariga Dhexe oo ku saabsan mowduucyada dhaqaalaha iyo kobcintiisa.
Waxbrashada iyo Shahaadooyinka Dr. Cabdiraxmaan
1.Ph.D. – Dhaqaalaha : George Mason University, Fairfax, VA USA – 2010
2.Master of Science – Maaliyada : Johns Hopkins University, Baltimore, MD 2005
3.Master of Arts in Applied Economics – Johns Hopkins University, Baltimore, MD 2003
4.Certified Public Accountant (CPA) Oo shati ka haysta Gobolka New York – New York State University – Albany, NY – 1986
5.Bachelor of Business Administration (Accounting & Auditing) Pace University, New York, NY – 1982
Faafinta: Qoraaga Bangiyada Islaamka: waxaa lagu daabacay sanadkii 2013 dalka Mareykanka. Buuggu wuxuu faafihin dheeraad ah ka bixinayaa arrimaha saameeya degganaanshaha iyo waxqabadka hay’adaha maaliyadeed ha ahaadeen kuwa Islaami ah ama kuwa caadiga ah. Buugga waxaa kaloo lagu eegay casharrada ay ka qaadan karaan bangiyada caadiga ah iyo hay’adaha maaliyadeed mabaadi’da maaliyadda Islaamka.
Khibradaa qotoda dheer marka ay isla falgalaan talooyin mugweyn shaki kuma jiro in talaabooyin badan oo wax ku ool ah hore loo qaadayo.
Ilaha Xogta : CV-ga Murashaxa iyo Waraysiyo uu bixiyey.
W/Q Asad Caddaani Ibrahim.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40784
Muxuu kan buugii Kanaanka iyo biqlaha bilaabay.
Meeqa sano Somalida god lagu qaaday hadana webi malab ah loo sheegay oo dhibka jira laga hadlayey.
Qabiil ka waantooba la yiri hadana kugu walimaystay, taas mar socotay, maanta waa lasoo wada jeedaa.
Dr. Cabdiraxman, wellcome to real life,= dhiso tuuladaada hoggaanka dalkana waa doorasho..Trure
Aabihiis Abdi Xaashi nin fiican ahaa AUN, madaxweyne Puntland noqday.
Somalia Free, federal, democratic in lagu shaqo loo socdaa oo gobol walba dhismo.
Min wuxuu ku biiray daanyeerta rabta in Xamar waxwalba dadka u yeeriso.
Boowe that era is dead, get use to it.
Meeqa sano tacsi loo fadhiyin, idea baqtiday.
Wale Waxa tuuladaada kuu hayso ayaa ku hyran.
Ar Farmasjo ii geeya..kkkkk🤭
Sixid:
Ninkaan wuxuu ku biiray daanyeerta rabta in Xamar waxwalba dadka u yeeriso.
Boowe that era is dead, get use to it.
Meeqa sano tacsi loo fadhiyin, idea baqtiday.
Wale Waxa tuuladaada kuu goyso ayaa ku huran.
Ninkii xariif ku ah qaybinta dadkiisa waxa ku adkaata isu keenidooda, easy to divide them ,hard to unite,
Oday ka mid ahaa kuwii inqilaabka kala qayb qaatay ina siyaad bare markii dambana geeska la geliyay kadib markii la tuhmay baa yidhi, ” qabyaaladii ladoortay in ina siyaad bare lagu rido waxay cimri siisay 13 sano oo kale, oo haday mabda ku midoobi lahaayeen aanu heleen” the only thing MARYOOLEY excels is qabyaalad iyo qaybi,
Press releasekii ugu horeeyay ee mucaarad somali ahi qabtaan 1978 NAIROBI Kenya waxay ka HADLEEN qabiil iyo siyaad bare reerkiisa, ilaa maalintaa ilaa maanta waa qoloma iyo 4.5 , majirto caalamka DAWLAD qaabkaa wax LOOGU qaybsado…
Maryooley dawlad ma noqon kartee caalamkeeda HAYSKA dawarsato, yaa ALLAH wax siiyay iyo qaxooti
Sheekooyinka anagaa wax dhisanay iyo faanka marka laga tago xaalada lagu jiro waa dil, qarax, muran mooryaan iyo dawlado shisheeye oo daba dhilif loo noqday.. anagaana dooranay cidi nama qasbin..
Doorashada haloo qabto
Turkey, Qatar,Emirates, Kenya, ETHIOPIA EU ,us iyo inta soo raacda dadkana buuqa halaga yareeyo..
LOP Gaas baa ku gorgortamay oo khayre yidhi haddii aad kaluumaysiga ka qaadid wasiirkaa, ana shidada ayaan kaa deynayaa. Baydhaba lagu heshiiyey oo doorasho qof iyo cod lagu wada qaatay, aqoon yahankan Somali u shaqeenayey ee salka u dhigay deyn cafintii iyo dhaqaalihii dalka, lagu yidhi iska tag July 2018kii. LOP Somali cancer- baa maamulka cawaro ee Garowe ku yahay. Garowe, nasiibeedkeeda mustaqbalka ma sheegin inay hesho rag Somalinimo aaminsan. Laakiin, maanta horeumarka iyo siyaasada Somaliya waa ku godabeeso.
LOP Sx Federalka ayaad qalad ka fahan tay,ee armaad adigu tahay ninka diidan?
Dalka federal kama jiro.
Wax kastaa in governer la weydiiyo oo wasiir heer federal uu awood u yeesho in rabitaankiisa lagu bedelo waa wixii ay TIGREE abuureen caqligii TIGREE ma shaqaynayo.
Waxaa tiri federal Okay aan kugu raacno Federal waa wax isku darsi,tuulada Puntland ka midka ah ugama mid noqon sooryo loogu soo daray.Federalka aad rabtaa waxaa weeye waxayga anigu lihi waxa kalena idinla lihi.
Tusaale waxaad qabtaa in maamul goboleed xiriirka u jari karo DF.DF ma dal kalaa?dalal ayaa xiriirka isu jaree?Haddiise aad u aragto in DF xiriirka loo jari karo ma kuu muuqataa in gobolada ay xiriirka u jari karaan maamul goboleedka ay ka midka yihiin,sidoo kale degmooyinka u jari karaan gobolka?SOW FOWDO ma ahan?
Sidoo kale federal waxaad u taqaan in Puntland ma siin noqoto DF maamulada kalena ay Puntland ma level hooseeyaan tusaale Puntland 11 MP aqalka sare inta kale 8.Maanta haddii la yiraa 8 Puntland halooga dhigo qaylo ayaad afka furaysaan.
LABA in ay dhacdaa federal awooduhu qaybsan yihiin oo aanu barasaab soo xulayn MP national level ah,barasaab aanu dooranayn ninka wasiir ka noqonaya DF,barasaab ku ekeenaya kaliya basic services waxbarashada wadooyika biyo nadiif iyo caafimaad.
In aad doorato devolve system oo adigoo Puntland ka ah barasaab aad isku level noqotaan kan Galdogob ama Qardho magac un aad barasaab ku tahay aadan awood u lahayn in aad wax magacowdo oo goldogob ama qardho soo doortaan kan wasiir u noqonaya aadan bedeli karin shaqooyinkana ay qoran yihiin lana yaqaan.Waxaan ka wadaa fowdo kale oo qabiil salka ku haysa adigoo Majeeerteen ah kaliya waxaad wax u sheegi kartaa Majeerteen kaliya not ALL PUNTLAND.Wixii horumarin ah oo DF ka hesho International community toos degmooyinka loo siiyo lagaa bootiyo.Sida aad xisaabta isugu dartay ma shaqaynayo.
Tan XAMAR kkkk waayahaye ma NAIROBI baa wax ka maqalnaa?MEEL aad ogoshahay ma jirto fowdada dalkaan ka jirta waa adigoo Majeerteen hadduusan wax kaligii cunayn hala wada dhinto taasna Somali waa soo jeedaa MAYA MAYA ayaa lagu leeyahay.Waxaan hubaa maanta madaxweynaha hadduu ahaan lahaa nin Majeerteen ah buuqiina lama maqleen illahay amarkiis dalkaanna waligii ankee 1 school in aad dumisaan mooyee maydan u dhisin kkkk
Somalia hanoolato
Sxb haddaad aragto nin caloosha kasoo jeedo oo kuu sheego kii dhaawacay hala ooyin waxaa laga yaabaa in ninkii kale mayd yahay oo soo dilay.
Waagii wasiirka kaluunka ahaa wuxuu soo rogay in Puntland cidna shati siin karin badana waxba laga waydiin karin oo tahay hawl dowladda dhexe.
Puntland haddii baddii loodiiday in ka kalluumaysato oo dhoofiyaan, maxaa u haray?
Waa ninka yiri kaluunka Puntland lagu cunayo lacagta kasoo baxda ayaad leedihiin.
Gaas has no joice, haddii kale askarta muxuu siin.
Wiil iyo aabihiis shaqo iskuma laha, aabihiis difaaca Puntland nin kama jeclayn asagana in gaajo u dilo rabay sida Farmaajo ilaa soo gurguurtaan.
Hal dhinac haddaad wax ka aragto sidee loo heshiin?
Waxa la isku haystay fahan inta labada nin mid eedayn.
Somalijecel
Sxb Somali waxwalba qabiil ku cabiraan, federal waa system in 1000 sano jiro larabo oo dhasheena ku kala badbaadaan oo gobol walba dhismo.
Ma xaqbaa in hooyo iyo Ilmo isku dhintaan oo takhtar jinokolog joogin, Buuhoodle, Caluula, Gedo iyo meelo kale, Xamar 1000 takhtar joogaan.
Federal means dal wada nool. Aniga sidaas u arkaa.
Sweden aniga 14 sano joogo Swedish citizen ah ayaa iigu horeysay Caasumadda Stockhom waayo weligay waxa ugama baahan, Passaporka, document, dhoof, takhtar etc.
Farmaajo waa shaqsi beri tegin..taas yey kaa hoos bixin.