Boqortooyadda UK oo sheegtay war aan Farxad gelin Somalia iyo dalal kale
London ( Kalshaale ) Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in ay dhimeyso (Yaraynayso) gargaarka ay siiso dalalka Soomaaliya, Koofurta Suudaan & Liibiya oo ay u taqaan waddamada dhaca aagga dagaalka ama colaadaha ka jiraan.
Sida ay daabacday Shabakadda Sky News, Boqortooyada ayaa go’aansatay in dhaqaale dhimis ku sameyso gargaarka ay joogtada u siiso Dalalkaan oo kasoo kabanaya dagaallada & colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira.
UK oo markii hore go’aankaan ku daba-joogtay ayaa haatan degdeg u dhaqangelineysa, maadaama xayiraadda & xaaladaha shaqo la’aan ee Covid-19 sababtay in miisaaniyadda iyo kobacaha dhaqaalaha uu isbadal ku yimaado oo hoos uga dhaco kahor cudurka.
Sky News ayaa daabacday xog ay heshay oo muujineysa sida Dowladaha Boqortooyada Ingiriiska ay dhaqaalaha gargaarka ku baxa ka yareyneyso ama ka dhimeyso oo kala ah:
Koofurta Suudaan oo gargaar ahaan ku baxda £110 Milyan oo Pound laga jari doono £45 Milyan oo Pound, Liibiya waxaa laga jarayaa 63% kaalmadaha UK, Halka Soomaaliya Dowladdu Britain u qorsheysay in ay ka jarto 60%.
Sky News ayaa sheegtay in jiritaanka warkaan ay waydiisay Xafiiska Arrimaha dibadda & Barwaaqo sooranka (FCO) balse wax dood ama Diidmo ah ma uusan gelin, taasi ayaa muujineysa jiritaanka warkaan.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku eedeysan in kaalmo & taageero ay siiso Yemen in ay dhibaato beertay, balse horay ayay isaga fogeysay jiritaanka warkaas oo ay ku tilmaamtay in loo baahan yahay hubin dheeraad ah oo lagu sameeyo.
UK ayaa sanadkii 2019-kii qorsheysay in 2020 ay dhinto (yareyso) dhaqaalaha joogtada ah ee uga baxa gacansiinta dalalka kasoo kabanaya dagaallada Sokeeye & kuwa waxa loogu yeeray “Argagixisada” ee ka taagan waddamadaas.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40766