Deg deg : Qarax Xoogan oo Muqdisho ka dhacay iyo Rasaas laga maqlayo
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa goordhawd qarax aad u xoogan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin uu ka dhacay agagaarka Dekadda Weyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan makhaayad lagu magacaabo Luul Yamani.
Qaraxa oo jugtiisa aad u cusleed ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laga arkayaa uuro madow iyo holac uu sababay qaraxa.
Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac uu sababay qaraxan goordhaw dhacay, waxaana goobta qaraxa ka dhacay gaaray ciidamada amaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ee loo yaqaan ambalaasdta.
Qaraxan goordhaw ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili galabta magaalada Muqdisho wadooyinkeeda inta badan lasoo dhoobay ciidamo aad u badan oo la sheegay in ay sugayaan amaanka caasimada.
Sidoo kale waxaa dhowaaqa rasaasta laga maqlayaa inta u dhaxaysa Isgoyska Soobe iyo Banaadir.
Lasoco wixii soo kordha wararkeena dambe.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40751
Cadowga Alshabaab u shaqeeyaan way ogyihiin haddii Xamar iyo Bossaso nabad waayaan ma jirto meel kale oo Somalia la sheego.
Waayo Hargeysa goosatay inta kalana nidaam kama jiro.
Waa Mugadishu iyo Garoowe/Bossaso?
Somalia dal noqon rabta oo cagaheeda ku istaagi karta, maxaa haray hadii Xamar iyo Bossaso isku si la qarxinayo.
Ninkii aqli leh taas waa ogyahay.
Walle Hargeysana waa la qarxin hadday tiraado maanta Somalia kusoo noqonahay oo Somalia horumarkeeda ka hadlaan..run
Inta Somalia hala kala tuuro leeyihiin, ammaan la siin.
Am I cracy?
Waxaa la sheegay in banaanbaxa la sheegayaa yahay qorshe la rabo in lagu weeraro Madaxtooyada kkk
Kuye ciidan hubaysan oo na ilaaliya aan la tagno danjirka dahsoon.Ta kasii daran ee la ogaaday ayaa ah in dadka meesha imanayaa yihiin Maleeshiya sita hub qaraxyo u badan.
Qorshaha ayaa ah in Madaxtooyada lagu galo qarax iyo rasaas wata socda kkkk
Aqli Dameerku waa sidaa.
Mooryaanta Mooryaantu dhashay.
Bosaso qarxiya,Huteelada qarxiya ama iswada dila Intiinuba waxaaad tihiin wixii Somaliya dilay.
Car Xamar-daye ii soo dhaafa.
Dalmida
Mooryaanta qarax iyo mudaaharaad iyo fawdo yaab badanaa
Siciid deni waa runtii dadkaan waxba laguma darsankaro