|

Nin Soomaali ah oo Xaaskiisa ugu dilay London Arin yaab leh oo Xukun lagu riday

London ( Kalshaale ) Maxkamad ku taalla magaalada London ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaadin Somali British ah, kaasoo bishii April ee sanadkii hore xaaskiisa ku dilay xaafada ay ka degan yihiin Soomaalida Edmonton Green ee Waqooyiga London.

Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 sano jir darawal basaska dadweynaha ah ayaa maxkamadda ka hor qirtay in xaaskiisa Maryan Ismaaciil uu dilay 6 April, kadib markii ay guriga ugu ceyrisay markii uu ku dhacay cudurka COVID19, kuna qeylisay si uu guriga isaga tago uguna fogaado iyada iyo caruur kale oo ay haysatay, balse isaga aanu wax ubad ah u dhalin.

Xuseen ayaa maxkamadda horteeda ku dooday in uu isdifaacayay islamarkaana cudurkii ku dhacay uu waalay kuna riday isbadal dhinac walba leh, taasoo keentay geerida marxuumada.

Baaris lagu sameeyay meydka marxuumadda xaaskiisa aheyd ayaa muujiyay in uusan jirin gacan ka hadal dhex maray labadooda, balse xaaska si ula-kac ah loo dilay.

Falkaan oo dhacay 6-dii April 2020 ayaa si weyn waxaa uga murugooday dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u leh Xuseen oo ahaa qof aad u degan, ku xernaa masaajidka shaqeysta, reerkiisana dhaqda.

Ali Muhiyaddiin

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40499

Posted by on Feb 28 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Nin Soomaali ah oo Xaaskiisa ugu dilay London Arin yaab leh oo Xukun lagu riday”

  1. Ilaahaw marxuumada u naxariiso si xun buu udilay

    10 years ago ayaan ninkan xuseen Yusuf aqaanay walaahay nin degan buu ahaa

    Qolidii Arab waa inay bixiyaan xaqii marxuumada oo ahayd gabadh majeerteen ah

    Ala qabay shaydaan baa usayid caleeyey

  2. curuurtii bay ku korsatey lacagtiissii baska uu darawalka ka ahaa, ka gadaalna wey ceyrisey. qayaanada ma fiicna

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented