|

Uhuru Kenyatta oo la wareegay Hogaanka Ururka EAC Iyo Codsigii Somalia oo aan la Aqbalin

Nairobi ( Kalshaale ) Ururka Bushada Bariga Africa ee East Africa Community (EAC) ayaa dib u dhigay inuu eego codsiga Soomaaliya ay uga mid noqoneyso ururkaas.

Intii uu socday shir madaxeedkii 21-aad ee ururkaas oo ku dhacay qaab online ah, ayaa ururka wuxuu sheegay in codsigii Soomaaliya ee ka mid noqoashad aan weli la qaban.

“Shir madaxeedka wuxuu xusay inaan la billaabin howsha xaqiijinta ee ku biirista Soomaaliya ee EAC, wuxuuna golaha faray in di u eegis lagu sameeyo howshaas,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shir madaxeedka EAC.

Dhanka kale, ururka ayaa tixgeliyey codsiga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, wuxuuna faray Golaha inuu billaabo howsha xaqiijinta ee ku biiritsya dalkaas ee EAC.

Ma cadda sababta ururka u qabtay codsiga Congo una diiday kan Soomaaliya oo muddo isku dayeysa inay xubin ka noqoto ururkaas.

Si kastaba, arrintan ayaa timid ayada oo shir madaxeeedka uu guddoomiyaha cusub ee madaxweynayaasha ururuka u doortay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, mana cadda haddii Uhuru uu kaalin ku leeyahay arrintan.

Uhuru ayaa xilkan kala wareegay madaxweynaha Rwanda Pau Kagame.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiisad xooggan oo salka ku haysa sheegashada Kenya ee qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, iyo faro-gelin ay dowladda federaalka sheegtay inay kenya ay ku hayso siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ururka EAC ayaa sidoo kale shir madaxeedkan wuxuu xogahayaha guud ee ururka ugu doortay Dr. Peter Mutuku Mathuki oo Kenyan ah, kaasi oo xilka hayn doona shan sano. Tani waxay sii xoojineysaa saameynta Kenya ee ururka.  

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40496

Posted by on Feb 28 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Uhuru Kenyatta oo la wareegay Hogaanka Ururka EAC Iyo Codsigii Somalia oo aan la Aqbalin”

  1. Somalia ha noolaato

    “Baaray guur oo sixnigaaga la guur” awelba Kenya iyo ganacasto ku dhex shaqaysata baa dabada ka riixayey. Kuma bedelan karno xubinimada EAC dhul iyo bad iyo karaamada ummadda Somaliyeed nuqda. Wax huurokenyata uu far kula jiro waa in la gubaa.

  2. We don’t need we don’t need

    Meeshiina iyo meel ka dheer. Umabaahnin inaan ku biiro ururkaas.
    Waxaan ubaahanahay dawlad wanaagsan iyo nabad waarta oo dal koo dhan ka hirgasha. Waxaan haysatana xeebta ugu dheer Africa. Waxaan haysanaa xoolaha ugu badan aduunka. And so on.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented