MUUQAAL: Nin ku xidhnaa Hargeisa 20-Sanno oo Lacagtii uu ka bixiyey Mulkiilaha Astaan oo Xabsiga ku bartay
Hargeisa ( Kalshaale ) Waa kulan Farxadeed, Waa Maxbuus Alle ka fayday Kurbadii haysatay, Waa Maxamed Muuse oo Qowmiyadda Oromada u dhashay, oo Xabsiga magaalada Hargeisa Galay isagoo 20-Jir ah Sanadii 2001, Wuxuuna maanta kasoo baxay isagoo Jira 40-Sanno.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Cabdi Maalik Sheikh Muuse Coldoon ooka warbixiyey Sida uu Maxamed Xoriyadiisa ku helay ayaa sheegay in Mulkiilaha Telefishinka Astaan oo Muddo ku xidhnaa Hargeisa uu ku Arkay ninkan Xabsiga, Islamarkaana uu go’aansaday Cabdi manaan inuu Lacagta ka bixiyo Ninkan, markii uu isagu Xabsiga oo Sharci darro loogu xidhay uu kasoo baxay.
“Waxay xabsiga ku kulmeen Cabdi manaan oo ah Gudoomiyaha astaan, Wuxuu ballan qaaday inuu bixin doono Magta lagu leeyahay, Anaguna waxaanu Xidhiidh la samaynay ehelada iyo Maxkamadda “ ayuu yidhi Coldoon.
Coldoon ayaa sidoo kale sheegay in Maxbuuskan ay isku barteen isagana Xabsiga, Sidoo kalana uu Dadaal badan geliyey Ehelada dadkii ninkan dhibka ka tirsanayey.
“Marxuumka dhintay ehelo ayuu lahaa, Qaar naga mid ah ayaa tagay itoobiya, Laba Bilood ayaanu Howshan ku jirnay, maanta ayay noosoo dhamaatay, oo lasoo daayey.” Ayuu yidhi Coldoon.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40491
Yaa Allah wax aad loogu farxo weeye arinkaa aad Suubiseen Eebana ajar iyo xasanaad haydin Kasiiyo.
Meeshaan Somaliland waaba meel ragga lagu xiniinyo siibo, sidii Kacaankii daanyeerka ahaa, godka Jilicow geeya, yaab!!!
Ragaan wajigooda uga jeeda in nolol loo diiday.
Somaliland waxaa u taliya ragii Kacaanka tabaray= My way or no way, ma dhaamaan daanyeerta Sheik sheegta ninka diidan lagu yiraado: haddaad tayda diido tii ilaahayna waad diiday, waayo aniga tii ilaahay wataa.!!!!
Waa xujoobay ee tiirka geeya!!!!
Daanyeer aqli xun.👊
Asc
Ninkan in la qisaaso ayey ahayd. Nin ayuu dilay, sheekadana kalshaake.com wey qariyeen. Halkan eeg
https://www.caasimada.net/daawo-itoobiyaan-isagoo-20-jir-ah-x
absiga-hargeysa-galay-kuna-soo-baxay-40-jir/
Ethiopia ayaa la jeclaaday markii Farmaajo dhabta Abiy ku fadhiistay kkk.
https://www.caasimada.net/daawo-itoobiyaan-isagoo-20-jir-ah-xabsiga-hargeysa-galay-kuna-soo-baxay-40-jir/
Guhaad
Sharciga islaamka meel haga dhicin, caadifad yey ku qaadan, Wiilkii dilka loo xiray wuxuu ku dhacay Khada..