|

Kulamada uu Raysal wasaare Rooble ka Wado magaalada Muqdisho (Warbixin)

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay kulamo Muqdisho kula qaatay qaybo kala duwan oo katirsan Bulshada isaga oo kala hadlay xaaladda kala guurka ee dalka iyo doorka talo ay ka qaadan karaan.

Rooble ayaa ujeedka uu ka leeyahay kulamadaan ku sheegay sidii uu u dhageysan lahaa talooyinkooda si uu ugu biiriyo dedaallada kala duwan uu wado ee ku saabsan ka gudubka caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiska laga gaaray Doorashooyinka 17-ka September 2020.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa 48-dii saac ee lasoo dhaafay kulamo aan kala joog lahayn la lahaa qaybo kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda dalka gaar ahaan qorshaha lagu gaari karo hirgelinta doorashooyinka oo waqti ahaan lasoo dhaafay xiligii loogu talagalay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in kulamada uu wado Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda uu ugu gol-leeyahay sidii loo saldhigi lahaa xaaladda siyaasadeed ee Dalka.

Xukuumadda Soomaaliya waxaa horyaalla ka gudubka caqabado dhowr ah oo ay ugu weyn tahay hirgelinta Doorashooyinka 17-ka September 2020 ay ku heshiiyeen Madaxda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir balse in marin waaga dhexdooda caqabad horleh beertay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40452

Posted by on Feb 27 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented