|

Maamulka Cusub ee Maraykanka oo shaaciyey inuu Dhaxal Sugaha Sucuudigu Amray dilkii Jamaal Khashoji iyo wixii dhacay

Muqdisho ( Kalshaale ) Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka.

Khaashuqji ayaa waxaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga.

“Waxaan ogaannay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sucuudi Jamaal Khaashuqji,” warbixinta ka soo baxday xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka ee Mareykanka ayaa sidaas lagu sheegay.

Warbixinta waxa ay taxday saddex sababood oo ay rumaysantahay in amiirka dhaxalsugaha ah ay qasab tahay inuu ansixiyay howlgalka:

• Go’aan qaadashada Boqortooyada Khaliijka oo uu xakamaha u hayay tan iyo 2017-kii

• Mid ka mid ah ah lataliyayaashiisa oo si toos ah ugu lug lahaa howlgalka iyo weliba xubno ka tirsan ilaaladiisa

•Taageeridda in la adeegsado tallaabooyin cunfi ah si loo aamusiyo mucaaradka dibadda dalkaas ku nool”

HALKAN KA DAAWO SIDAY WAX U DHACEEN

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=40439

Posted by on Feb 27 2021. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented